Sawirro:-Wasiir Musharax ah oo u Duulay M/Baydhabo & Warar sheegaya in Ciidamo...

0
Monday October 22, 2018 - 12:40:06 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1290
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:-Wasiir Musharax ah oo u Duulay M/Baydhabo & Warar sheegaya in Ciidamo...

    Wasiirka Wasaaradda Tamarta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho,iyagoo kusii jeeda Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Tamarta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho,iyagoo kusii jeeda Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Wafdiga la socdo Wasiirka ayaa waxa kamid ah xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo xubno kale oo ka tirsan dowlada Soomaaliya.

C/casiis Lafta Gareen ayaa waxaa la filayaa markii uu gaaro Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya inuu halkaasi kaga dhawaaqo Musharaxnimadiisa xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa inta uu Magaalada Baydhabo ku sugan yahay kulamo kala duwan uu la qaato Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo qeyb kala duwan ee bulshada ku dhaqan Baydhabo.

Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa shalay gelinkii dambe ka degtay diyaarad siday gaadiidka aaney xabadu Karin ee Bulletproof-ka loo yaqaano iyo ilaalo hubeysan,kuwaasi oo la sheegay in loo sii diyaariya Wasiirka Tamarta, iyadoona wararka qaar aan helnay ay sheegayaan in uu taageero xoogan uu ka helayo dowlada federaalka Soomaaliya.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip