Maxkamadda Ciidamada Maanta Xukun deg deg ah Riday

0
Tuesday October 23, 2018 - 10:48:22 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1148
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Ciidamada Maanta Xukun deg deg ah Riday

    Is qab-qabsi ku saabsan bedel ayaa sababay in ay murmaan Eedeysane Dable Axmed Cali Cawaale iyo Dhibane Yuusuf Daahir Cali, waxaana eedeysane Axmed Cali Cawaale uu ku furay dhowr xabadood taasi oo mid kamid ah sababtay in dhaawac uu ka soo gaaro Yuus

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Is qab-qabsi ku saabsan bedel ayaa sababay in ay murmaan Eedeysane Dable Axmed Cali Cawaale iyo Dhibane Yuusuf Daahir Cali, waxaana eedeysane Axmed Cali Cawaale uu ku furay dhowr xabadood taasi oo mid kamid ah sababtay in dhaawac uu ka soo gaaro Yuusuf Daahir Cali oo ahaa taliyihiisii.

Axmed Cali Cawaale ayaa loo gudbiyay hey’adda dambi baarista Boliiska (CID) kadib markii uu dhaawac sababay in lugta laga gooyay uu u geystay taliyihiisii Yuusuf Daahir Cali oo ay ka wada tisanaayeen Ciidamada Boliiska 23-ka bishii lixaad ee sanadkan.

Hey’adda dambi baarista Boliska CID ayaa in muddo ah heysay eedeysanaha iyadoo ka war sugeysa natiijada dhaawacca oo muddo kadib sababay in lugta laga jaro dhibanaha dhaawaca uu soo gaaray.

13-ka bishii sagaalaad ee sanadkan ayay u soo wareegtay eedda Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamad Qalabka Side, waxa ayna isla xilligaas weydiisteen Maxkamadda in loo gudbiyo xabsiga dhexe garsuge ahaan.

Xafiiska ayaa isku howlay sii wadidda baarista, waxa ayna 04ta bishan ay codsadeen in la muddeeyo dacwad qaadista eedda ka dhanka ah Axmed Cali Cawaale oo loo heysto dhaawac sababay in lugta laga jaro taliyihiisii, waxa ayna Maxkamadda aqbashay in loo fariisto kiiska dacwadda shan cisha kadib.

09ka bishan ayaa markii ugu horreysay loo fariistay dacwadda, waxaana dood dheer oo u dhaxeysay dhinacyada kadib ay Maxkamadda ka dalbatay Xafiiska Xeer Ilaalinta in la soo dhameystiro cadeymaha kiiska oo ku filnaan waayay fadhiga hore.

18ka bishan ayaa markale loo ballamay eedda dacwadda ka dhanka ah Dable Boliis Axmed Cali Cawaale, waxaana xafiiska xeer ilaalinta ay horkeeneen fadhiga Maxkamadda Qiraalka eedeysanaha, ciidamadii ay kawada tirsanayeen ciidanka Boliiska oo ku marag furay, warqadda dhaawac muujinta iyo qorigii uu dhibka ku geystay.

Qareenka u doodayay eedeysanaha ayaa isna codsaday in ay bixiyaan magta dhibanaha, waxa uu sidoo kale codsaday in loo naxariisto eedeysanaha oo uu ku dooday in ay kaga fakatay xabadda.

Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in Axmed Cali Cawaale lagu xukumo Shan sano oo xabsi ciidan ah, sidoo kale uu bixiyo 50-halaad oo ah magta dhibane Yuusuf Daahir Cali, sida uu u sheegay dhammaan ka qeyb galayaasha fadhiga Maxkamadda Gaashaanle Dhaxe Xasan Cabdiraxmaan Aadan Wabiyow.

Xukunsanaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajda koowaad.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip