Maamulka Gobolka Banaadir oo war kasoo saaray Burcad lagu qabtay Suuqa Bakaaraha

0
Wednesday October 24, 2018 - 14:14:42 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1713
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Gobolka Banaadir oo war kasoo saaray Burcad lagu qabtay Suuqa Bakaaraha

    Gudoomiye Ku xigeenka dhanka ammaanka & Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mohamed C/laahi Tuulax, ayaa soo dhaweeyay tallaabada ciidamada Booliska ay ku soo qabteen laba ka mid ah rag Burcad ahaa oo dadka ku dhacaayay Suuqa Bakaaraha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiye Ku xigeenka dhanka ammaanka & Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mohamed C/laahi Tuulax, ayaa soo dhaweeyay tallaabada ciidamada Booliska ay ku soo qabteen laba ka mid ah rag Burcad ahaa oo dadka ku dhacaayay Suuqa Bakaaraha.

Gudoomiye Ku xigeenka dhanka ammaanka & Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay, kadib hawlgal ay sameeyeen ciidamada inay ku guuleysteen soo qabashada labadan Burcadda ah.

"Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir oo gacanta ku soo dhigay laba ka mid ah dabley dhac ka geysanaayay gudaha suuqa bakaaraha.” Ayuu yiri Gudoomiye Ku xigeenka dhanka ammaanka iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir.

Isaga oo hadalka siiwata ayaa Gudoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka Gobolka Banaadir, wuxuu sheegay muhiim inay tahay Suuqa Bakaaraha inuu noqdo goob ka caagan Burcadda oo Bulshada si nabadgelyo leh ugu ganacsadaan.

"Suuqa Bakaaraha waa inuu noqdaa goob ganacsi oo si nabadgalya ah shacabku ugu ganacsadaan.” Ayuu yiri Gudoomiye Tuulax.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa muddooyinkaan dambe kordhiyay kormeerka dhanka ammaanka ee lagu sameynaayo Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo maalin ka hor masuuliyiin uu horkacaayay Wasiir Ku xigeenka Amniga iyo Gudoomiye ku xigeenka ammaanka Gobolka Banaadir ay kormeer ku tageen Suuqa Bakaaraha.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip