Maxaa ka cusub Saldhigyada Booliiska degmooyinka G/Banaadir & warar sheegaya in

0
Monday November 12, 2018 - 11:14:04 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1143
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa ka cusub Saldhigyada Booliiska degmooyinka G/Banaadir & warar sheegaya in

    Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaar kamid ah Taliyaashii Saldhigyada Booliiska degmooyinka gobolka Banaadir isbadal lagu sameeyay,iyadoo qaar kamid ah Taliyaasha xilalka laga qaaday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaar kamid ah Taliyaashii Saldhigyada Booliiska degmooyinka gobolka Banaadir isbadal lagu sameeyay,iyadoo qaar kamid ah Taliyaasha xilalka laga qaaday.


Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa la sheegay in uu qaar kamid ah Taliyaashii Saldhigyada Booliiska degmooyinka gobolka Banaadir uu xilalkii ka qaaday,uuna kuwo cusub u soo Magacaabay.

Taliyaashii Saldhigyada Booliiska ee degmooyinka xilka la qaaday ayaa waxaa kamid ah Heliwaa, Yaaqshiid, Howlwadaag iyo Dharkeenley,waxaana saldhigyadaasi loo soo magacaabay taliyaal cusub.

Taliska Ciidanka booliiska ayaa sidoo kale xilka ka qaaday taliyihii qeybta Galbeed ee Booliska Col. Qaasim Axmed Rooble, waxaana lagu bedelay sargaal kuxigeen u ahaa oo lagu magacaabo Yuusuf Xundubey .

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in Saraakiil dhalinyaro ah oo Booliiska dhawaan kusoo biiray loo soo magacaabay Saldhigyada Booliiska degmooyinka gobolka Banaadir,kadib markii xilka laga qaaday Taliyaashii Saldhigyada Booliiska.



Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip