Dagaal xoogan oo dhexmaray Al-shabaab & Sarkaal Ajnabi ah oo ku dhintay

0
Tuesday November 13, 2018 - 08:42:34 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1227
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal xoogan oo dhexmaray Al-shabaab & Sarkaal Ajnabi ah oo ku dhintay

    Wararka aan heleyno Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxa ay sheegayan in halkaasi Al-shabaab ay ku dileen xubin sare oo ka tirsanaa Shabaab,halka kuwo kalena ay qabqabteen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka aan heleyno Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxa ay sheegayan in halkaasi Al-shabaab ay ku dileen xubin sare oo ka tirsanaa Shabaab,halka kuwo kalena ay qabqabteen.

Waxaa la sheegay in Al-shabaab xubinta sare ay dileen iyo kuwa a qabqabteen ay uga shakiyeen ay xiriir dhow la leeyihiin Ururka Daacish,isla markaana Al-Shabaab ay doonayeen inay xiraan xubno lagu tuhunsan yahay inay ururkooda kasoo horjeedaan.

War ay Shabakada Warsheekh ayaa sheegaya in dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay tageen Masjid ku yaalla Jilib,kuwaasi oo doonayay in ay qabtaan sarkaalka ajaanibta ahaa ee la dilaya uuna iska diiday in la qabto,kadib waxa uu la soo baxay bambo gacmeed,waxaana durbo toogay rag kale oo ka tirsan Al-shabaab.

Ninka la toogtay ayaa magaciisa lagu sheegay Abu Anas Al-Misri, waxaana la sheegay inuu u dhashay dalka Masar.

Sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in Degmada Jilib lagu xiray ilaa 100 qof oo iskugu jira xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab iyo ganacsato iyo xubno kale oo lagu tuhmay inay doonayeen inay ku biiraan Daacish.

Dadka ay xireen Al-shabaab ayaa waxaa kamid ah Macallin Daauud oo la sheegay inuu horey u ahaan jiray madaxa dacwada ee Gobolka Gedo iyo Wariyeyaal ka shaqeya Idaacadda ku hadasha Afkooda.

Al-Shabaab ayaa la sheegay inay ilaa shalay xubno kale ka qabqabteen Saakow, Buula Fuulaay iyo Kuunya Barrow.

Ururka Daacish ee Soomaaliya ayaa xubnaha ka tirsan ay ka go'een Al-Shabaab sannadkii 2015-ka, waxaana ururka Al-Shabaab ay dileen xubnaha lagu tuhunsanaa inay ka tirsan Daacish.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip