Banaanbax rabshado wata oo Maanta ka dhacay M/Gaalkacyo + Sawirro

0
Tuesday November 13, 2018 - 10:44:04 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1113
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Banaanbax rabshado wata oo Maanta ka dhacay M/Gaalkacyo + Sawirro

    Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa Maanta waxaa ka dhacay Banaanbax xoogan oo rabshada watay,kaasi oo ay dhigayeen dad careysan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa Maanta waxaa ka dhacay Banaanbax xoogan oo rabshada watay,kaasi oo ay dhigayeen dad careysan.

Banaanbaxa dadka dhigayay oo aad u Careysnaa ayaa isugu jiray Haweeyn iyo dhalinyaro ,iyagoo saakay xiray isku socodka bartmaha Magaalada Gaalkacyo,isla markaana wadada ku gubay taayaro saameyn ku yeeshay isku socodka dadka iyo Gadiidka.

Haweenka iyo dhalinyarada Banaanbaxa dhigayay ayaa ka soo horjeeda sida ay hadalka u dhigeen dil toogasho oo ay shegeen in Maxkamadd ku taall Puntland ay ku xukuntay Cabdirasaaq xuseen Tahliil oo horay ciidamo ay kala baxen hoy uu ka daganaa Magaalada Gaallacyo.

Cabdirasaaq Xuseen Tahliil ayaa dhowr jeer waxaa gurigiisa oo ku yaalla Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug kala baxay Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland,iydoo kal hore dowladda Mareykanka ay ku tilmaamtay Cabdirasaaq in uu ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip