Golaha Shacabka oo Maanta ka Doodi Doona Ajendayaal Muhiim ah

0
Saturday November 17, 2018 - 06:27:12 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1198
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Shacabka oo Maanta ka Doodi Doona Ajendayaal Muhiim ah

    Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta kulankoodii caadiga ahaa waxa ay ku yeelanayaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta kulankoodii caadiga ahaa waxa ay ku yeelanayaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka ayaa ah aqrinta 1-aad miisaaniyadda dowladda 2019 iyo aqrinta 3-aad ee hindise sharciyeedka dhismaha hay'adda dadka naafada ah.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu wargeliyay in uu jiro kulan Baarlamaanka,isla markaana looga baahan yahay in ay kasoo qeyb galaan.

Waxaa hadda Xarunta Baarlamanka ka socdo diyaar garow ku aadan sidii uu u furmi lahaa kulanka ,waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda uu si Rasmi ah u furmo.

Ciidamada amniga saakay xiray wadooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho,iyadoona amniga aad loo adkeeyay.

Todobaadkiiba Xildhibaanada Golaha Shacabka waxa ay kulmaan saddex jeer oo kala ah, Marka laga reebo kulamada deg deg ah,kuwaasi oo kala ah Sabti,Axad iyo Isniin,waxaana haatan horyaala Ajendayaal dhowr ah.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip