Sawirro:-Maxkamadda Ciidamada Jubbaland oo xukun Dil ah fulisay

0
Monday November 19, 2018 - 10:14:44 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1108
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:-Maxkamadda Ciidamada Jubbaland oo xukun Dil ah fulisay

    Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Cabdirisaaq Cumar Cabdullaahi oo katirsanaa ciidanka Daraawiishka Jubbaland, kaas oo 27-dii bishii October ee sanadkaan ku dilay magaalada Kismaayo Nabadoon Xassan Goolo oo kamid ahaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Cabdirisaaq Cumar Cabdullaahi oo katirsanaa ciidanka Daraawiishka Jubbaland, kaas oo 27-dii bishii October ee sanadkaan ku dilay magaalada Kismaayo Nabadoon Xassan Goolo oo kamid ahaa Odeyaasha dhaqanka Jubbaland.

Maxkamadda ayaa 6-dii bishaan November ridday xukunka dilka ah ee qisaasta Nabadoonka, laguna riday eedaysane Cabdirisaaq Cumar Cabdullaahi.

Askariga saaka la toogtay ee Cabdirisaaq Cumar Cabdullaahi ayaa kamid ahaa koox ka koobnayd 11 ruux kuwaasi oo dhamaantood lagu riday xukunno ku saleysan denbiyadii ay galeen oo ahaa abuurista falal amni darro oo uu qayb ka ahaa dilka Nabadoonka.

Nabadoon Xassan Goolo oo ku baxay gacanta askariga saaka la qisaasay xilligaas wuxuu kooxda ugu tegay waan waan iyo in uu ku qanciyo joojinta falalka ay ku khal khal gelinaayeen nabadgelyada.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip