Warar dheeraad ah qeybo kamid ah Caasimada oo dowlada lagala wareegay

0
Monday April 19, 2021 - 12:56:09 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 804
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warar dheeraad ah qeybo kamid ah Caasimada oo dowlada lagala wareegay

    Magaalada Muqdisho oo maalmihii u danbeeyay xaalad cakirnaan siyaasadeed ah gashay ayaa waxay sababtay in qeybo ka mid ah xaafado ay ka baxaan gacanta dowladda, ayada oo isku fidiyeen ciidamo taabacsan midowga murashaxiinta iyo taliyihii hore ee ciid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Muqdisho oo maalmihii u danbeeyay xaalad cakirnaan siyaasadeed ah gashay ayaa waxay sababtay in qeybo ka mid ah xaafado ay ka baxaan gacanta dowladda, ayada oo isku fidiyeen ciidamo taabacsan midowga murashaxiinta iyo taliyihii hore ee ciidamada gobolka Banaadir Saadaq Joon.


Mudo kororsiga labada sano uu ku dhaqaaqay madaxweyna muddo xileedkiisa dhamaaday ayaa sababtay in magaalada Muqdisho noqoto mid kala qeybsanta oo ciidamada taabacsan dowladda ay degmooyinka qaar ka caaganaadaan.

Degmooyinka Kaaraan iyo Cabdicasiis ayaa waxaa inta bada ku sugan ciidamo taabacsan madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Senator Muuse Suudi Yalaxow, kuwaasi oo ka hor istaagay ciidamada dowladda waqtigeeda dhamaday inay usoo gudbaan, waxaana isgoysyada degmooyinkaasi ku sugan ciidamo ku hubeysan gaadiidka dagaalka oo taabacsan Xasan Sheekh iyo Muuse Suudi.

Sidoo kale qeybo ka mid ah degmada Hodan waxay u xeran yihiin Jeneraal Saadaq Joon ciidamadiisa oo aad u hubeysan, kuwaasi oo dhufeysyo adag ka sameystay isgoysyada iyo jid cadayaasha degmadaaasi.

Xaaladahaan ayaa muujineysa saan saan colaadeed iyo isku dhacyo ciidan oo iska soo horjeeda, iyadoo xalay ay aheyd markii ciidamo ka tirsan dowladda ay rasaas ku fureen gaadiid uu la socday taliyihii hore NISA Jeneral Cabdiraxmaan Tuuryare oo ka badbaaday rasaastaasi xili uu kasoo gudbayay aaga ciidamada dowladda kaga sugnaayeen ee dhinaca degmada Cabdicasiis.

Waxaa muuqata in Muqdisho xiligaan ay yeelaneyso qad cagaaran, taasi oo dib usoo xasuusineysa dadka Muqdisho waagii dagaaladii sokeeye 29 sano kadib.

Dhamaan caqabadahaasi iyo yadadiilada colaadeed waa mid halisteed leh, balse looga baaqsan karo in madaxweyne Farmaajo uu dib uga laabto muddo kororsiga, si bulshada Banaadir nabad ugu noolaadaan, colaadna ugu nabad galaan.


Caasimada

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip