Inta badan taageerayaasha labada naadi ayaa hadal haya waxa uu noqon doono natiijada kulankaasi xiisaha badan waxaana marka aynu eegno saadaasha ay sameeyaan taageerayaal 2daasi naadi ee soomaliyeed iyagu warqadahooda saadaasha u soo direy waagacusub sports waxaa ay u badanyihiin kuwo natiijada ciyaarta ku sheegey in Barcelona ay qaadeyso koobka wallow aan ay dhinaca kale ee manchester ay iyaguna sheegeen dhankooda in ay qaadayaan koobka quruxda badan leh ee dhega weyne loo yaqaan.
marka hadaba la eego qaabka ay ugu hadleen kulankaan ciyaartoydii iyo tababaraashii hore ee caalamiga ahaa waxaa aynu ka xusi karnaa waayo aragga lagu magacaabo Hristo Stoichkov ayaa cadeeyey in barca ay si fudud ku dhaafi doonto man kuna guuleysan doonto koobka, dhinaca kale arico sachi oo u dhashy dalka talyaaniga soona leyliyey xulka qaranka dalkaasi ayaa yiri koobkan waxaa difaacan doonta manchester united.
Ciyaaryahanka barcelona ee xavi ayaa isna sheegey in ay la yaab ku dhigi doonaan manchester si fududna kaga guuleysan doonaa. wayne rooney ayaa isna cadeeyey inuu ku riyoodey habeeno badan in koobkan uu dhegaha ku dhego.
Xiddiga barca lionel messi ayaa cadeeyey in c.ronaldo uu yahay mid halis ah oo la eegi doono waxaana uu xusey in daafacyadooda ay si aad ah u raacan xidigaasi iskana iloobaan teves rooney iyo berbatov.
tababarihii hore ee barca frank richkard ayaa sheegey isaga oo s.africa jooga in barcelona ay heeysato xidigo weerar badan sidaa darteed ay iyada qaadi doonto.
tababaraha intermilan jose mourinho ayaa isna qirey in kulanka uu adagyahay uuna gaari doono penalty ama rigoorayaal in lagu kala baxo lakin ma cadeyn cida qaadi doonta.
labada tababare ee man iyo barca ayaa iyaguna isu faaney oo cadeeyey in ay qadan doona koobka quruxda badan leh.
si kastaba ha ahaatee kulanka habeen danbe ayaa waxaa uu yahay mid si weyn loo wada sugaayo oo labada naadi kii adkaada loo gacan gelin doono koobka quruxda badan leh waxaana hadii ay manchester ay qaado noqoneysaa kooxdii labaad ee difaacata koobkan ka dib ac milan oo sidan oo kale sameysey.
waxaana labada dhinac si weyn loo daawan doonaa xidigaha kala ah c.ronaldo oo isaga xitaa soo qasaariyey kubada dahabka england ee gool dhalinta isaga oo ka baaqsadey kulankii ugu danbeeyey ee hull iyo wiilka kale ee reer argentin ee u hamuun qaba mar inuu noqdo xidiga yurub kuna guuleysto kubada dahabka ee lionel messi
Suni Sa'id Salah
Yaa ku Guuleesan Doona Koobka Horyaalada Yurub, Barca Vs Man ??
Saadaalin aad u kala duwan ayaa laga bixinayaa kulanka xiisaha badan ee ka dhici doona magaalada roma ee caasimadda talyaaniga gaar ahaan garoonka olompico stadium.