JAWAAB KU SOCOTO QORAALKII AHAA Yaa ka dambeeya mashruucyada lagu indho-tirayo shacabka Soomaaliyeed.???

0
Tuesday July 15, 2008 - 19:20:52 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 4041
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    JAWAAB KU SOCOTO QORAALKII AHAA Yaa ka dambeeya mashruucyada lagu indho-tirayo shacabka Soomaaliyeed.???

    Marka Hore waxaa salaamayaa Bahda Bogga warsheekh iyo dhamaan akhristayaasha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka Hore waxaa salaamayaa Bahda Bogga warsheekh iyo dhamaan akhristayaasha


Waa Haboontahay In Wax Laga Qoro Oo Laga Hadlo Oo Loo Istaago Sidii Looga Hortegi Lahaa Ciribtirka Lagu Wado Shaqsiyaadka Wax Ku Oolka Leh Laakin Hadii Lamarin habaabiyo Oo Aan Runta Laga sheegin Kuwa Manaxayeesha Ah Oo Falkaa Ku Kacayo Daawada Cudurka Lama Helayo Ciribtirkiina Halkiisa Ayuu Ka Sii Soconayaa Heestii Fanaanada Khadra Daahir Ku Luqeyneysey Ayaa Ku Jirtey "CUDURKA KAA GALEY FARDAHA HADII LAGA GUBO DAMEER DAWANA LAMA GAARAYO"
 
Arintaa noocaan ah waa arin khatar ah oo halis ku ah Ummada Soomaaliyeed loona baahan yahay in si isku duubni ah looga wada hortago waxa la jarayo waa Halbowlaheena ma'aha wax ciyaar ah oo indhaha laga qabsan karo waxeyna nagu soo bilaawatey Waqtigii Dowladii CARTA wadanka ka talineysey waxuuna sii xoogeysatey intii loo fadhiyey Shirkii Dibu-heshiisiinta oo ka socdey Wadanka Kenya
 
Waana waqtigii Urukaan AL-SHABAAB kuwooda ugu firfircoona wadanka Dib ugu soo laabteen oo ay ka yimaadeen Wadanka Afgaanistaan waqtigaas oo ahaa markii nagu bilowdeen Dilalka Qorsheysan oo Gafuurka Cimaamada lagu Duubanayo marxuumiintii ugu horeeyeyna waxaa ka mid ahaa Madaxii Hay'ada CRD Marxuum Yaxye iyo General Marxuum Maxamed Cabdi
 
Dhaqamada naloo soo safriyey kuma ekeen Dilalka lagula kacayo Dadka Aqoonta leh waxaa kaloo ka mid ahaa Miinooyinka dhulka lagu aaso oo mobaylka lagu qarxiyo waxaa kaloo ka mid ah dadka is qarxinayo oo marar badan la sameeyey waxaa kaloo ka mid ah Dhiig walaalka muslimka ah oo la xalaaleysanayo ka dib markii la gaaleeyo
 
Hadaba intaas oo ah Dhaqamada ugu xunxun oo bini'aadamka ku kaco ayaa wadakeena oo horey u aafeeyey Dagaalo Sukeeye iyo Cudur,Gaajo iyo barakac ayaa muwaadaniin Soomaaliyeed nooga soo safriyey wadan kale waana dhaqamo dad gaar ah lagu yaqaan oo isticmaala waxaana xusid mudan in Shiikh Macalin Xaashi warbaahinta ka cadeeyey in Ururka dhaqamadaan ku caan baxay ay ka tirsan yihiin
 
Waxaa la soconaa in saraakiil badan loo diley wadan Shuuci ah ayuu wax ku soo bartey oo aan diin laheyn waxaa la soconaa in Aqoonyahan badan loo diley wadamo gaalo ah ayuu wax ku soo bartey waxaa la soconaa in Hay'adaha u yimaada kaalmada la dilo oo la leeyahay waa gaalo
 
Marka waxaas oo cadeymo ah markaa isku dartid waxaa kuu cadaaneyso Cadowga Soomaali leedahay waa AL-SHABAAB
 
Dilalka ugu dambeeyey oo la bartilmaameedsanaye madaxda Hay'adaha ayadana waxey bilaawatey markii la saxiixay Heshiiskii Jibuuti iyo Qaraarkii QM ay ku gaareen in Hay'adaha QM Xafiisyadooda loo Xawilo gudaha soomaaliya dadka go'aankaan diidan ayaa ka dambeeyo waana ALSHABAAB si cad ayeeyna u qeexeen
 
 Hadii sida dadka qaarkii ay qabaan in Itoobiya ka dambeyso aan taageerno Heshiiska Jibuuti lagu gaarey si ay nooga baxaan inta harteyna oo aqoonta leh ka badbaadaan dilalka wixii soomaali ah oo heshiiska ka horyimaado aan meel uga soo wada jeesano
 
   moalin mahmoud
moalinm2us@yahoo.com
wabilahi towfiiq
 Xaji Maxamouid

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir email qoraaga soo qoray ka fiiri emailkiisa xaga danbe qoraalka

Shabakada Warsheekh Mas'uul kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, Shabakada Warsheekh Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid

Ma doonaysaa fikirkaaga inaad soo bandhigto? U soo dir webmaster@warsheekh.com , soo raaci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof.



 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip