kaTaagida Calanka Xarakada Alshabaab ee Deegaanka Ceelmacaan Oo Dagaal Dhalisay

0
Friday July 10, 2009 - 19:52:47 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 853
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    kaTaagida Calanka Xarakada Alshabaab ee Deegaanka Ceelmacaan Oo Dagaal Dhalisay

    Wararka laga helayo Deegaanka Ceelmacaan ee Degmada Warsheekh ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ka dhaceen dagaal sababay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ka gadaal marki halkaa fooda isku saareen ciidamo kawada tirsan Xoogaga Xisbul Islaam

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka laga helayo Deegaanka Ceelmacaan ee Degmada Warsheekh ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ka dhaceen dagaal sababay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ka gadaal marki halkaa fooda isku saareen ciidamo kawada tirsan Xoogaga Xisbul Islaam iyo Alshabaab.

Ciidamadaani kala taabacsan labadaan urur ayaa waxa ay isku qabteen kataagida Calanka Xarakada alshabaab ee deegaanka ceel macaan iyadoo taana ay si wey uga horyimideen ciidamo katirsan Xisbiga gaar ahaan Ex Jabha Islaamiyah.

Dagaalkaani oo socday qadar 30,daqiiqo ah ayaa waxa uu sababay dhimashada laba qof oo shacab ah kuwaasi oo isugu jiro kooxaha dirirta iyo dadka deegaanka iyadoo deegaanka ceelmacaana la ciir ciirayay dadkii ka barakay deegaana W/muqdisho.

Hadaba Ciidamada Xarakada Alshabaab ayaa usuura gashay in ay gabi ahaan la wareegaan gacan kuheynta Deegaanka isla markaana ay barti dagaalka ka qarxay ku guuleesteen in ay dhidibada usuraan calanka muranka badan dhaliyay ee madow

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip