Cowska guriga oo aan jaray waa 5 dollar.
Qolkayga oo aan dhaqay isbuucan waa 1 dollar.
Maqaasiinka aan u aaday adiga dartaa waa 50 cent.
Canugeena yar ee aan sii qabtay markaad suuqa aaday waa 25 cent.
Wasakhda aan bananka geeyay waa 1 dollar.
Natiijada fiican ee aan iskuulka ka keenay waa 5 dollar.
Hagaajinta daarada guriga waa 2 dollar iyo 25 cent.
Total= waa 14 dollar iyo 75 cent.
Hooyadii ayaa eegtay warqada, kadib intay gacmaha iska tirtay, qalinkiina ka qaaday, ku qortay isla warqadaas qoraalkan:
Sagaalkii bilood ee aan caloosha kugu qaaday adigoo igu dhex koraayo waa free
Habeenadii badnayd ee aan kula istaagay, ku daweeyay, ku nuujiyay waa free
Dhibka badan ee aan kula soo maray, oohinta badan ee iga timid iyo ducadaydaba waa free
Cabsida badan ee aan kula soo maray, walwalka badan ee aan qabay baryaha nagu soo aadan waa free
Dharkii aan kuu soo gaday, waxyaalihii aad ku cayaari jirtay ee aan kuu soo gaday, dhaqidaadii iyo dhowridaadiiba waa free
Hooyo intaas iyo in kaleba markaad isku darto jacaylkayga waa free.
Markuu uu akhriyay qoraalkii hooyadii ayuu intuu ooyay, hooyadiina indhaha ka eegay yiri: “hooyo macaan waan ku jeclahay”. Kadib qalinkii intuu qaatay ayuu tir-tiray wuxuu qoray markii hore, hoosna ku qoray: “hooyaday way bixisay qarashkii oo dhan”
.
Hadaba dad-weynow Akhristow Su'aasha waxay tahay" iney inaga mid ah oo aan wicin Hooyooyinkii dhalay inuu booqdo ama Xijka geeyo warkeeda iska daayee?
intee inaga mid ah, Hooyiinkood ku dayacan Soomaaliya?
Fiiro Gaar ah" ogow Hooyo waxay Hooyo ku tahay waa inta ay Nooshahay.
Ogow Hooyo inaadan Xaqeyda gudin karin Marnaba.
Wixii fikirkaaga ah inoogu soo dir wardhigley114@hotmail.com
Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde)
Email: adde053@hotmail.com
Kuala Lumpur Malaysia
Sheeko La-yaab leh oo Dhex Martay Hooyo iyo Wiil ay Dhashay.
Wiil yar ayaa habeen u tagay hooyadii oo jikada ku jirto, cashadiina diyaarinayso. Markaas ayuu tusay warqad uu wax ku qoray, hoosna uga qorantahay lacag dhan 14 dollar iyo 75 cent. Waxaa ku qornaa warqada qoraalkan: