Xildhibaan Qanyare Oo ka soo horjeestay Qorshaha Puntland & Dowladda KMG Somalia

0
Thursday August 20, 2009 - 16:28:00 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 773
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Qanyare Oo ka soo horjeestay Qorshaha Puntland & Dowladda KMG Somalia

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamanka Somalia ayaa si daran u saluugay Nidamka dowlada KMG Somaila ku shaqeyso iyo wada hadalada Magaalada Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug uga soconaya R/wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo Madaxweynah Puntland Dr. C/raxmaan Faroole.

 

Maxamed Qanyare oo ka mid ah xildhibaanada Barlamanka Somalia ahna siyaasi rug cadaa ah ayaa sheegey in waqtigani uusan jirin wax Federal ah oo ay Dowlada kmg ah ay ku shaqeyn karto aanu jirin, isagoo farta ku goday in Dowlada la doonaayey in ay ka hirgeliso guud ahaanba gobolada dalka nidaamka Federalisim-ka ah, hasa ahaatee dhowr is bedel oo ay soo martay ku guuldareysatey in ay sidaasi yeesho.

 

“Shacabka Soomaliyeed waxaan uga digayaa in aysan ku qatalmin federalisim-ka oo ay Dowlada gobaleedka Putland u olaleyneyso wada hadalada magaalada gaalkacyo ee gobalka Mudug ku dhexmarey R/wasaaraha dowlada KMG ah Cumar C/rashid iyo Madaxweynaha Putland C/raxman Faroole waa mid kheyru sharci ah” ayuu yiri Qanyare.

 

Xildhibaanka ayaa si cad uga soo horjeestay in Dowladda KMG ah ay Qaranimada wadanka kala hadasho Puntland sidii laba Dowladood oo kale waxaana uu dhaliil dusha kaga tuurey qodobada Dowlad gobaleedka Puntland ka codsatey R/wasaraha Somalia oo ay ka mid yihiin:

 

1-In Dowladda dhexe ay ka tanaasusho magaca MINIMADA QARAN iyo SHAREECADA ISLAAMKA ee ay sheegtay inay wadanka ku dhaqeyso, ayna ku ekaato FEDERAALKA KUMEEL GAARKA AH.

2-In dhaqaale kasta oo dowladda dhexe ka soo gala gudaha iyo dibeddaba boqolkiiba xisaab leysla garto lagu soo wareejiyo maamul goboleedka Puntland.

3-In lacagaha uu caalamku ugu tala-galay la dagaalanka burcad badeeda ay dowladda dhexe u saxiixdo maamul goboleedka Puntland oo gebi ahaanteedba lagu soo wareejiyo Maamulkooda.

4-In Wafdi kasta oo ay dowladda dhexe shirarka caalamka u dirsaneyso lagu daro shaqsi ka socda Puntland, si ay wax uga ogaadaan dhaqdhaqaaqa dowladda dhexe.

5-In Raysal wasaare Cumar Cabdirashiid uu arrimaha Masuuliyiinta Puntland ee ku jira dowladda dhexe iyo gobollada Puntlandba uga dambeeyo Mr. Faroole.

6-In deeqaha waxbarashada ee ay dowladda dhexe ka hesho caalamka iyo Saraakiisha ciidan ee dibedaha loo dirayaba 40% la siiyo Puntland.

 

Maxamed Qanyare Afrax ayaa muujiyey in Puntland ay qeyb weyn ku leedahay Dowlada isla markaasna jagooyin waa weyn ka heyso isagoo intaa ku darey mar hadii ay nabad yihiin Puntland iyo Somaliland loo baahan yahay hada in xasiloonadii lagu soo celiyo bartamaha iyo koofurta Somalia taana la doonayo in ay u kacaan dadka ka tirsan Dowladda ee ka soo jeeda deegaanadaasi gaar ahaan xildhibaanada mar hadii ay ku fashilmeen horaanba in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka ka jira bartamaha iyo koofurta Somalia.

 

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip