Ururka Jaamacada Carabta oo Somaliya ugu baaqay in lala soo gaaro Gar Gaar baniaadamnimo.

0
Monday October 12, 2009 - 09:07:55 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 633
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Jaamacada Carabta oo Somaliya ugu baaqay in lala soo gaaro Gar Gaar baniaadamnimo.

    Ururka Jaamacada Carabta ayaa ugu baaqay Dunida carabta iyo Hay’adaha gargaarka deg dega ah ee qaramada Midoobay ay lasoo gaaraan umada soomaaliyeed ee ubaan in looga gurmado xaalada baniaadamnimo ay heesato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Jaamacada Carabta ayaa ugu baaqay Dunida carabta iyo Hay’adaha gargaarka deg dega ah ee qaramada Midoobay ay lasoo gaaraan umada soomaaliyeed ee ubaan in looga gurmado xaalada baniaadamnimo ay heesato.

Warsaxaafadeed oo qaahiro kasoo saaray xoghayaha guud ee jaamacdaa carabta caamir muuse ayaa sheegay in ururkooda oo aad uga welwelayo xaalada bani aadamnimo ay ka jirto halkaasi oo maalinba maalinta ka dambeesa kasii dareesa.

Caamir Muuse ayaa ka digay hadii aan gacan gar gaar oo deg deg ah aan loo fidin soomaliya ay ka dhalan karto masiibo aadamnimo oo aad Qatar u ah, taasi oo sababta in dadka iyo duunyada soomaalida ay udhintaan xaaladaan.

Xoghayaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dagaaladi dhawaan ka dhacay muqdisho ay sababeen in ka badan 2malyan oo qofood in ay ka barakaceen guryahoodi  isla markaana ay daadsan yihiin 1.5 milyan xiryaha qaxootiga ee daafaha magaalada muqdisho inta soo hartayna ay ku jiraan xiryaha qaxootiga ay wadamada deriska ah.

Sidoo kale caamir muuse ayaa qoraalkiisa ku sheegay in sadex milyan oo dad ah ay ubaahan yihiin gar gaar aadamnimo halka 200kun oo caruur ah ay la ildaran yihiin gaajo.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip