Aaska Sheekh Abbe Iyo Culuma’udiinki Kasoo Qeybgalay (Daawo Sawirada)

0
Tuesday August 19, 2008 - 20:51:35 in Siyaaro by Xarunta Dhexe
  • Visits: 7194
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aaska Sheekh Abbe Iyo Culuma’udiinki Kasoo Qeybgalay (Daawo Sawirada)

    Allaah Unaxariistee waxa Maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Lagu aasay Sheekhi weynee ee Culimada Ahlusuna Waljamaac Soomaaliye Sheekh Maxamed Sheekh Axmed oo loo yaqiin Sheekh Abba,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaah Unaxariistee waxa Maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Lagu aasay Sheekhi weynee ee Culimada Ahlusuna Waljamaac Soomaaliye Sheekh Maxamed Sheekh Axmed oo loo yaqiin Sheekh Abba,

 




Salaadi Janaasada Sheekha Lagu Dukaday

Ahlu Dariiqadi kasoo qeybgashay Aaska Sheekha

Muuqaala Culimadi AHlu Dariiqa ee kasoo qeybgashay

Sheekh Abba Allaah Unaxariistee Waxa uu maalinimadi Axada ku geeriyooday Dalka Yeman kadib markii xanuun loogu qaaday halkaasi uu ugeeriyooday Sheekha oo ka mid ahaa Culimada ugu caansaneed Ahlusunna Waljamaac.

Meydka Sheekha ayaa maaliniamdi Shalay waxa laga soo dajiyay Garoonka Dayuuradaha Caalamiga ah ee Aadan Cade Airbort iyadoo loo soo galbiyay mid ka mid ah hoygiisa ee ku yaala Nawaaxiga Ex Hotel Curuba.

Meydka Sheekha ayaa waxa laga soo galbiyay Hoygiisa iyadoo dikri salaam lagu soo waday ilaa laga gaaro halka uu ka qodnaa Iilkiisa ee Masjidka Sheekh C/raxman Suufi iyadoo lagu duugay Dhinaca Qabriga Sheekh C/raxman Almaqdishi bixaaji Suufi.




Muuqaal ak mid ah Dadweynihi kasoo qeybgalay Aaska

Muuqaal ak mid ah Dadweynihi kasoo qeybgalay Aaska

Midig, Shariif Bada Qaliifa, Dhaxda Sheekh Xusen Faqay Yuusuf iyo Qaliif Cali Shiikhey

Muuqaal ak mid ah Dadweynihi kasoo qeybgalay Aaska

Sheekh Abbe Alaah Unaxariistee waxa hormuud u ahaa ama kaalinta hore kaga jiray Culimada Doorka kazoo qaatay fidinta Diinta Islaamka iagoo sidoo kale ahaa Dabiib ay bulshada Soomaaliyeed ku diirsatay inti uu noolaa isaga waqtigii badankeed la qeybsan jiray dhamaan shacabka soomaaliyeed ee la daala dhacayo aafooyinka haba ugu badnaadeeni jirooyinka dilooday .

Sheekha sidoo kale waxa uu ahaa Daadihiyaha ama shiriyaha Culimada Ahlusunna Waljamaac ee ah Culimada kaliya ee Sida weyn loogu ciseeyo Dunida Muslimka gaar ahaan Dalkeena Soomaaliya isagoo sidoo kalena kazoo jeedo Qoyska ahlu Diiniga ah ee reer Shaanshi gaar ahaan Sheekheena Sheekh C/raxman Suufi oo loo yaqiin Qudbul Banaadir.



Muuqaal ak mid ah Dadweynihi kasoo qeybgalay Aaska

Midig, Sheekh Cisman Xidig iyo Macalin Nuur Max'ed Siyad

Sheekh Max'ed Faqay Yuusuf iyo Qaar ka mid ah Culimadi Ahlusuna Waljamaac gaar ahaan Ashaanshiyi

Sh: Da’ud Sh: Mux’ed oo ka mid ah Culimada Ahlsunna Waljamaac oo shabakada Warsheekh ka wareestay Nolosha Sheekha iyo inta uu ka ogyahay Ayuu Sheekh Da’ud inoo sheegaay in Sheekha uu ahaa Sheekh Caalim Ah isla markaana ahaa Sheekh alifa Kutubta Isla markaana Dabiiba Dadka Jiran ee ubaahan gar gaarka , Waxa uu ahaa mid naxariis badan oo in badan oo Muslimiin ah gacantiisa ku haayay udhibrin jiray Sheekh Da’ud ayaa sidoo kale sheegay wanaagi sheekha in aan lagu soo koobi Karin ka hadalkiisa waqti qura .

Sheekh Abbaa Naxariista ilaahay hasiiyee qorma kaliya laguma soo koobi karo sooyaalkiisi quruxda badnaay iyadoo Soomaali oo dhan ay ka dharagsantahay Taariikh nololeedka sheekha ayaa hadana Bahda Shabakada Warsheekh waxa ay idin soo gudbin doonta maalmaha Dhaw Taariikhdiisa oo dhameestiran iyadoo iminka ay inoogu suura geli weesay Mashquul ay yihiin Qoyska Sheekha bacdamaa uu sheega ku geeriyooday Dal dibada ah aaskiisana ay manta dhamaatay.



Hantooshi Sheekha oo loo galbinayo halki lagu aasi lahaa

Sh: Da'ud Sh: Max'ed, Sh: C/llaahi Fiidow, Qaliif Guure iyo Qaliif Dhalaxow

Sheekh Cali Sh: Max'ud (Sheekh Cali Dheere)

Salaadi Janaasada Sheekha oo Dadweyne Fara Badan kasoo qeybgalay


Culimada Ahlu Dariiqa Soomaaliya oo aan ukala harin hadii ay ahaan leheed
Qaadiriyah, Seyliciyah, Uweysiyah
Axmadiyah
Rufaaciyah
 iyo dhamaan Ahlu Dariiqa oodhan



Aaska Sheekha ayaa waxa kazoo qeybgalay Dhamaan Ahlusunna Waljamaac gaar ahaan Culimada iminka ah hogaanka Ahlusunna kuwooda ugu sar sareeyo Sida

 

    • Sheekh Xusen Sheekh Max’ed Faqa Yuusuf
    • Sh: Cisman Sh: Cumar Sh: Da’ud (Sh: Cisman Xidig)
    • Shariif  Max’ed Qaliifa Al Calawi (Badaa Qaliifa)
    • Macalin Nuur Maxamed Siyaad
    • Sheekh Abashaan
    • Sheekh Cali Sh Max’ud (Sheekh Cali Dheere)
    • Sheekh Da’ud Sh Max’ed Sh: C/raman Ow Cumar
    • Sheekh C/qaadir Xaaji Ciise Xaaji Madad
    • Sheekh Axmed Cisman Max’ed (Ashaashi)
    • Sheekh C/llaahi Xaji Cali Fiidow
    • Sh: C/llaahi Max’ud Xuurshow

Sidoo kale aaska Sheekha waxa kaalin lama ilaabaan ah ka qaatay Ciidamada Booliska DFKMG iyo Kuwooda  Mliteriga oo uu hor horkacayo Taliyaha Nabadgalyada gobolka Banaadir Coll: Cali Saciid oo la arkayay sida ay ufududeynaayeen Duugta SHeekha iyagoo Dadweynihi faraha Badnaay ee kasoo qeyb galayna qaabeynayay

F.G. Shabakada Warsheekh Waxa ay idin furtay Bog Tacsiyeed ee ku saabsan SHeekheena Sheekh Maxamed Sheekh Ax'ed Sheekha Abba hadaba kusoo hagaaji tacsidaada Webmaster@warsheekh.com

Dhambaalada Tacsida ugu Dambeesay ee Aqristayaasha Shabakada Warsheekh

 

KULLU NAFSIN DAA'IQATUL MOWT
 
Anigoo ah Cabdiraxmaan Xaaji & walaalaheey, waxaan dhambaal tacsi ah u direynaa dhamaan familka uu ka geeriyooday Sheekheena caamka ah ee Skeekh Abba meel kastoo ay joogaan geeridii naxdinta leheeyd ee ku timid Sheekheena
oo ku geeriyootay magaalada Sanca ee dalka Yemen, waxaana marxuumka Eebe uga baryeynaa inuu janada geliyo, dhammaanteenna samir iyo iimaan Alla naga wada siiyo; Aamiin! Inaa lillaahi waa inaa ileyhi raajicuun!!!

 

 

Tacsi.

 

bismilaahi raxmaani raxiim  inaa lilahi waa inla ilaahim rajicuun alaha u naxariistoo sheekheen sheekh abaa dhamanteena alaha naga sabar siiyo inaa lilaahi waa inala ilaahi raajicuun anagoo ah dhalin yarada celka aw muude dhaamntood

Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun.

Anigoo ku hadlaya afka Reer Sh Maxamed Caddow (Alshaashi) waxaan tacsi u direyna umada somaliyeed ee ku abtirsata ahlu sunna wal jamaca gaarahaan ehelka uu ka baxay sheekheyna weynaa Sh Maxamed Sh Axmed Sh Maxamuud (Sh Abba) oo ku geyriyowday magaakada Mukala ee cariga Yemen, waxaan Ilaaheey ugu baryeeynaa in uu ka waraabiyo janadii firdows, anagane bacdigiisa na fadneyn, Aamiin.

W/D: Abdirahman Sheikh Abdullaahi
Webmaster Shabakada Warsheekh
E-mail:
farxad95@hotmail.com Ama webmaster@warsheekh.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip