Mareykanka Oo Shaaca ka qaaday Ajaanibta ubadan ee ka bar bar dagaalantay Alshabaab

0
Saturday December 12, 2009 - 12:41:42 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 636
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka Oo Shaaca ka qaaday Ajaanibta ubadan ee ka bar bar dagaalantay Alshabaab

    Dawlada Mareykanka ayaa sheegtay in dagaalyahano aan Somali aheyn oo Somalia jooga ay ka yimaadeen gobolka Waziristan ee galbeedka dalka Pakistan halkaasoo ay dagaalo ku dhex marayaan ciidamada dawlada Pakistan iyo ururka Taliban.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Mareykanka ayaa sheegtay in dagaalyahano aan Somali aheyn oo Somalia jooga ay ka yimaadeen gobolka Waziristan ee galbeedka dalka Pakistan halkaasoo ay dagaalo ku dhex marayaan ciidamada dawlada Pakistan iyo ururka Taliban.

 
Hay’adda dhinaca dambi barista ee dalka Mareykanka ee CIA,da ayaa war ay soo saartay waay ku sheegtay in dagalahano aan Somali aheyn oo jooga Somalia ay ka tageen gobolka Waziristaan oo galbeedka wadanka Pakiastan ku yaala.
 
CIA,du waxay shaacisay in rag uu ka mid ahaa Saalax Cali Saalax Nabhaan oo ay ciidamada Mareykanku ku dileen mel u dhaw degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose inay ka tageen wadanka Somalia si ugaqeyb qaataan dagaalkii u dhaxeeyay ciidamadii Ethiopian,ka ahaa ee Somalia ku sugnaa iyo xoogagii Muqawamada.
 
Warkaan qoraalkaah ee kasoo baxay hay’adda CIA,da Mareykanka oo  lagu qoray wargeyska Washington Post ayaa waxaa sidoo kale in Somalia ay joogaan dagaalahano Al-Qacida ka tirsan oo uu ka mid yahay Abu-Yaxye Al-Libi o asna la aaminsan yahay in waxyeelo ka soo gaartay weerarkii ciidamada Mareykanku ka sameeyeen Somalia bishii September eesanaskaan iyo nin kale o lagu magacaabo Al-Somali oo ka mid ah dadka sida weyn ugu xiran hogaanka ururka Al-Qacida waxaana uu isna ka tagay wadanka Pakistan.
 
CIA,da Mareykanku waxay sheegeen in dagalyahanad aaan Somalida aheyn ee Somalia jooga ay ka garab dagaalaman Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabab,mana aha markii ugu horeysay oo Mareykanku sheego in Somalia ay joogaan wax uu ugu yeeray inay ajanabi yihiin.
 
 Xoogaga Hubeysan ee Somalia ka dagalama waxay inta bvada shegaan in sababta ay u dagaalamaan ay tahay inay diidan yihiin joogitaanka ciidamada AMISOM ee dalka Somalia iyo in dalka lagu dhaqo Shareecadda Islamka,waxaana ay beeniyaan in cid  ajanabi ah la joogto.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip