Qormadaan xulashada shabakada warsheekh ayaan axad walba waxa ku jeex jeexi doonaa qormo aan is leenahay bulshada somaliyeed iyo aqristayaasha webkaba wax bee ku kordhin doontaa ama xusuus bey ku reebi doontaa iyadoo maantana aan kusoo qaadan doono qeybta kowaad ee qormadaan sida ciwaankaba ka garateen Gabar somaliyeed oo utartantay quruxda Hablaha Dowladaha Carabta.
Waxaa sanadkaan lagu qabtay Magaaladda Qaahira ee dalka Masar Tartanta Quruxda Haweenka Carbeed, “Miss Arab”iyadoo ay qeyb weyn ka qaadatay gabar Soomaaliyadeed taasoo ku dhaqaaqeysay Magaca ah Miss Somalia. Tartankaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay 17 wadan oo ka tirsan wadamada Jaamacadda Carabta.
Dhanka kale dadkii nasiibka u yeeshay in ay ka soo qeyb galaan bandhigaan oo lagu soo bandhigaayey quruxda haweenka carbeed, ayaa waxay si’aad ah ula dhaceyn qaab wanaagii, dhaqaaqii xiisaha lahaa, iyo hidaha iyo dhaqanka ay soo bandhigtay Gabadhaan Soomaaliyadeed oo mataleysay Dadka iyo dalkaba.
Sidoo kale wadan walbo oo carbeed wuxu soo xushay gabadha ay isleeyihiin wey ugu qurxoon ama wey ugu jir wanaagsan tahay.
Isku soo wada-duuboo Tartankaan oo ay ka soo qeyb galeyn 17 dal oo carbeed ayaa waxaa sanadkaan nasiibka quruxda heshay Gabar u dhalatay Boqortooyada Sacuudiga, taasoo loo-caleemo saaray in ay noqotay Gabadha ugu qurxoon wadamada carbeed sanadka 2009.
Xulashada Shabakada Warsheekh la soco Axad walba
Wixi talo iyo tusaale ah noogu soo dir xulashada@warsheekh.com
Gabar Somali ah oo ka qeyb gashay tartanka quruxda wadamada Carbeed (Daawo Sawiro).
Aqristayaasha qiimaha lahow waxa maanta shabakada warshekeh idin bilaabeesaa qormo aan ugu magac darnay xulashada shabakada warsheekh oo noo noqon doonto qorme taxane ah taasi oo bixi doonta maalinta Axada ah isbuuc waliba.