Wiilkan waxaa lagu magacaabaa Asad Shaami Shariif Cabdalla, waxa uu dalka Talyaaniga tagay sanadkii 2004, waxa uuna Sharci ku leeyahay dalka Talyaaniga oo aabihiis deggan yahay.
Wargayska Corriera De la sero ee ka soo baxa talyaaniga ayaa qoray in wiilkani ku soo barbaaray degmada Padova ee dalka Talyaaniga, oo uu daggan yahay aabihiis.
Saddex sano ka hor ayuu ku laabtay dalka Somalia, si uu uga bar bar dagaallamo kooxda argagixisada ah ee Alshabaab ee rabshadaha ka wadda Somalia, laakiin wuu isaga soo cararay markii uu u adkaysan waayay dhaqanka kooxdaasi.
Aabaha wiilkan oo lagu magacaabo Shaami Shariif Cabdalla, wuxuu sheegay in uu ogaa wiilkiisa oo la jooga hooyadiis oo ku nool Somalia, laakiin ilo xog ogaal ah ayaa Radio Muqdisho u xaqiijiyay in aabaha wiilka lagu xiray Talyaaniga markii la helay xogo muujinaya in uu isagu ku dhiirri galiyay in wiilkiisu u boxo soomaaliya si uu uga qayb qaato dagaalka kooxaha xag jira ka wadaan Somalia.
SIdoo kale waxaa Talyaaniga lagu xiray ugu yaraan 2 qof oo la rumaysan yahay in ay dhallin yarada u soo diri jiteen Somalia.
Hooyada Asad Shaami Cabdalla ayaa sheegtay in ay in ay wiilkeeda ugu war dambeysay sanadkii 2004, xilligaas oo uu tagay Talyaaniga, waxay intaa raacisay in ay aad ula yaabtay markii ay ka war heshay in wiilkeedi joogo Somalia, uuna ka bar bar dagaallamayo kooxda Shabaab.
Sidee ku yimid Somalia?
Asad waxa uu sheegayin aabihii uu soo diray Somalia 2006, uuna u soo siiyay telefoonnada dad uusan garanayn, si uu ula xiriiro marka uu gaaro garoonka diyaaradaha Muqdisho.
“Rag cimaamado xiran ayaa iga kexeeyay garoonka, waxan jiiftay muqdisho habeen kabacdina waxaa la i geeyay xero ku taala kismaayo oo lagu tababarto, wixii xilligaas ka dambeeyayna waxaan ka mid ahaa kooxda Alshabaab, mana garan Karin hab aan uga baxsado ” ayuu yiri Asad Shaami Shariif Abdalla.
Sidee uga baxsaday Shabaab?
Dhowr Maalmood ka hor xilli uu ku sugnaa degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayuu Asad aqoonsaday nin uu horay u garanayay intii uusan ka tagin Somalia, isagoo u sheegay magaciisa, Waalidkiis iyo in uusan ku qanacsanayn ka sii mid ahaanshaha ururka Al shabaab.
Ninkani oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo, ayaa RadioMuqdisho u sheegay in uu wiilka ka dalbaday in uu qoriga iska soo dhigo ka dibna si dhuumaaleysi ah ugu yimaado, sidaas ayuuna wiilku ugu soo gudbay dhanka dowladda kmg ah ee Somalia, waxayna markii ugu horreysay muddo 5 sano ka badan is arkeen hooyadiis.
Dhallin yaro fara badan oo haysta dhalashada dalka dalka Talyaaniga iyo dalal kale oo Europe ah, ayaa ku soo laabtay Somalia, markii loogu sheekeeyay in ay howl jihad ah ka galayaan Somalia.
Kooxda Shabaab, ayaa dhallin yarada da’da yar uga faa’iideysata fulinta Qaraxyada ismiidaaminta ah.
Kooxda oo ay hogaamiyaan Shakhsiyaad Shisheeye ah oo dalalkooda dambiyo ka soo galay, gabbaadna ka dhiganaya dalkeenna Somalia, waxay dhallin yarada aan garaadkoodu ku filnayn ugu sheekeeyaan in ay jannada galayaan haddii ay is qarixiyaan.
Inta badan falalkii is qarxinta ee maleeshiyada Alshabaab ku laysay dad badan oo soomaali ah, waxaa fuliyay da’ yar soomaali ah oo qurbaha ka soo laabtay, waxaana ugu dambeeyay wiilkii fuliyay qarixii lagu hoobtay ee hotel Shaamow,kaas oo ka yimid dalka Danmarka oo uu ku noolaa 17sano.
Ilaa haatan lama hayo mid ka mid ah hor joogayaasha Shabaab oo is qarixiyay, arrintaas oo dhalinaysa su’aal ah:
Haddii Janno lagu galayo in dad Muslimiin ah la isku qarxiyo, Maxaa loo waayay hoggaamiye Shabaab ka tirsan oo naftiia qayba?.
Somali heesta Dhalashada Wadanka Talyaani oo kasoo goostay Alshabaab
Dowladda Somalia ayaa sheegtay in uu soo gaaray wiil 19 jir ah oo soomaali ah oo ku koray dalka Talyaaniga, oo ka soo goostay kooxda Shabaab ee dagaalka ka wadda Somalia.