Maxaa kala socotaa Gunta hoose ee Qilaafka Alshabaab iyo Bilashada Firqada Cusub Milatu Ibraahim (Qormo Dhab ka hadal ah).

0
Sunday December 20, 2009 - 16:52:45 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1013
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa kala socotaa Gunta hoose ee Qilaafka Alshabaab iyo Bilashada Firqada Cusub Milatu Ibraahim (Qormo Dhab ka hadal ah).

    Xarakada Alshabaab oo indhawalaba caan ku aheyd laynta iyo barakicinta shacabka Somaliyeed ayaa waxa ay hogaanka uqabatay kooxaha ugu argagax iyo dilka badan shacabka dhibaatada la daala dhacaya ku dhawaad labaatanka sano.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarakada Alshabaab oo indhawalaba caan ku aheyd laynta iyo barakicinta shacabka Somaliyeed ayaa waxa ay hogaanka uqabatay kooxaha ugu argagax iyo dilka badan shacabka dhibaatada la daala dhacaya ku dhawaad labaatanka sano.

 

Isreeb reebka Hogaanka siyaasada somaliya ayaa waxa isusoo dhiibay rag badan oo magac siyaasiyiin ku doodayay balse wadanka dhibka iyo dhibaatada maanta  heesata ajirkeeda hibo u heesta kii dhintana neecaawdeeda qabriga oo ku helayo kan noolna looga dheehan karo dunida dusheeda.

Kadib qarixi balaarnaa ee sida weyn ugil gilay dunida caalamka gaar ahaan somaliya ayaa waxa isku qilaafay sheegashada qaraxa madaxda iyo horjoogayaasha cidanka xarakada alshabaab.

Falkaani ayaa koox uu hogaaminayay afhayeenka ururka alshabaab oo iminka la baxday Milatu Ibraahim waxa ay ka yaaq yaaqsadeen in ay ubareeraan sheegashada nafti huriyihi fuliyay qaraxi lagu hoobtay ee hotel Shaamow kaasi oo galaaftay nolosha Mas’uuliyiin isugu jirtay Wasiiro, Macalimiin, Taqaatiir, Waxgaradka katirsan bulshada qeybaheeda kala gedisan.

Kooxda alshabaab oo ah koox inta badan ku cibaadeesata dilka hadba qofki seefteeda dul saarantahay ayaa waxa ay ku adkeesteen in saxaafada laga sii daayo in ay xarakada ka dambeesay qarixi dhacay isla markaana oo liibaan aduunyo iyo mid aaqiro gacanta ku heesto nafti hurihi dhintay balse waxa taasi cod dheer ku diiday kooxda iminka goonida ubaxday ee Milatu ibraahim.

Kooxda wili baaqiga ku ah magaca xarakada Alshabaab ee wili ka amar qaadata ninka la yiraahdo Godane ayaa waxa ay ku adkeesteen hadii ay tahay  arin xaq ah oo ilaah loogu dhawaanayo  dilalka iyo dhibaatooyinka shacabka loo geysanayo ay yihiin cibaado walaalka is miidaamiyana aan aaminsahay in janada nooga hareeyo waa in aan banaanka dhignaa magaciisa waayo shuhadadiisa heli mayo inta aan qarineeno .

Sheekooyinka qayaaliga ah ee somalida ku sheekeesato ayaa sheeko kamid ahi waxa ay aheed laba wiil oo Somali ah ayaa waxa ay ku balameen nina in uu been sheego mid ka kalena oo ku raaco taasi oo maalin maalmaha kamid ah ninki beenta sheegayay yiri ‘ saaxib ma maqleesaa qeylida Xawaanka loo yaqaano Ayga ee ka yeereeso cirka ‘, markaas ayuu ku jawaabay ha wa suura galow lafaha iyo hilbaha uray Ayga ayaa cuno hadana waxa suura gal ah in ay Haada dafto Ayga macal lafihi oo cunayay sidaasna hawada sare Ayga uga qeylinayo ‘ markaa kadib ayuu waxa uu ku yiri saaxib been sheegida yeesan cirka naga gaarin inta kasukeeso waan kuu rumen karaa.

Milatu Ibraahim ayaa waxa ay la noqotay wax filan waa ah in ay sheegtaan qarax fuliyihiin iyo hadafka ay ka lahaayeen waayo marka nafti hurahaani falka fulinayay in badan meesan aqrin natiijada ka dhalin karto ee waxa ay uga dhagneed shaqsiyaad ay dhibsadeen oo halkaa ku qur baxayo, dadka qaar ayaa aaminsan in wiilasha is qarxiya iyo qaar badan oo aan wili is qarxin la saqraamiyo oo loo adeegsado sixir iyo waxyaabo lamid ah balse iminka qaarkood soo miyir laabteen sheegashadiina diideen.

Inkastoo qilaafka iyo tafaraaruqa ku dhacay alshabaab ay la wadaagaan qilaafyadii hore usoo dhax maray kooxaha hogaanka siyaasada somaliya oo midna maanta raadkisa la heenin qolo walibana qolada ka horeesay ay qireesay in qoladi hore ahlu jano tahay marka loo fiiriryo ficiladi ay la yimaadeen kooxaha danbe ayaa hadana waxa la dhihi karaa ducadi raagtay ee in badan shacabka ku qeylinayayeen ayaa miraheedi soo bidhaamayaan waxana daliil u ah wax kasta oo baadil ah in aysan waareen oo xaqa soo herayo waxana sidoo kale jirto murti somaliyeed oo oraneeso ( Labadi Xaq daro ku heshiisa , Xaq bey ku diriraan)

Qilaafka iyo burburka ku bilaawday alshabaab ayaa waxa markaati ka noqday dagaalo xiriir ah oo ku dhax maray Degmada dayniile oo iyada ah hooyada deegaamada ay ka taliso alshabaab ee gobolka Banaadir iyadoo dagaalki ugu balaarnaa dhacay habeenki xalay ahaa kaasi oo marka hore ay awooda la wareegeen Milatu ibraahim oo aad moodo in ay isu beehasanayaan qaab qabiil oo ay ku sharxan yihiin xubno badan oo reer konfur ah  ayaa marki danbe waxa deegaanka degmada dayniile dib uqabsaday kooxda wili baaqiga ku ah magaca alshabaab ee ilmo godane.

Hadaba Waa Su’aale Reer Milatu Ibraahim halkee joogaan Iminka ?

Warar lagu kalsoonaan karo oo laga helayo qaar kamid ah saraakiisha Milatu Ibraahim ayaa waxa ay sheegayaan in ay isku aruursanayaan xaga iyo deegaanada Waqooyiga Muqdisho iyadoo aroornimadi hore ee saakay la arkayay Afhayeenki Alshabaab sheekh Cali dheere iyo raxan tikniko ah oo iska abaabulayo Iskuul weyn oo ku yaalo Xaafada Arjantiin ee Degmada kaaraan halkaasi oo iminka ay ka dhigteen Fariisin ku meel gaar ah .

Dhacdadi ugu yaabka badneed ayaa waxa ay ka dhacday Deegaanka Waqooyiga Muqdisho kadib marki dhalinyaro ka tirsan kooxdaan soo go’day ee Milatu ibraahim ay goob fagaaro ah ay ka sheegeen in Kooxda alshabaab raga ku haray ay yihin Rag takfiir ahow danta iyo diinta shacabka aan ka shaqeyneen.

Kooxdi kale ee ku haray magaca alshabaab ayaa iyagana waxa ay afka lakala fureen in kooxdaan cusub ayagana yihiin ridadi afaraad oo islaamka ka baxday xaqooduna yahay in lagu cibaadeesto dilkooda .

Shacabka ku dhaqan degmooyinka dayniile iyo kaaraan ayaa waxa ay iminka yihiin kuwa farta ku haayo wadnaha waxa ayna baqdin ka qabaan duulaano is dhaaf ah in ay ka dhacaan deegaanadooda .

Inkastoo magaalada muqdisho ay caan ku aheyd fadhi kudirirada lagu qaxweeyo ayaa hadana tan iyo dhamaadki sanadki 2006da waxa joogsaday dhamaan fadhi kudirirkii kadib marki qof walba oo muqdisho ku nool lagu xukumay dil oosan ogeyn cid ku fulineeso iyo waqti lagu fulinayo balse fadhi kudirirada goobaha lagu qaxweeyo ee wadamada dariska ah ayaa somalida halkaa isugu timaado waxa hadal hayaan masrax kusoo biirida kooxda cusub ee Milatu Ibraahim. .

Faanoole Fara kama qodna Taariikhda Hogaanka Somaliya balse rajada eebe mar walba waa la filan karaa .

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip