Q.M. Oo Daboolka ka qaaday in aysan suura gal aheyn ciidan loo diro Somaliya

0
Sunday January 31, 2010 - 11:55:51 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 574
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Q.M. Oo Daboolka ka qaaday in aysan suura gal aheyn ciidan loo diro Somaliya

    Xog’haya guud ee Qaramadda Midoobay Ban Ki Moon oo saxaafadda kula hadlay magaalada Addis-Ababa ee xarunta wadanka Ethiopia ayaa waxaa uu sheegay inaysan xilligaan suuro gal aheyn in ciidamo Q,M ka socda o nabad illaalineed u soo dirayaan dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xog’haya guud ee Qaramadda Midoobay Ban Ki Moon oo saxaafadda kula hadlay magaalada Addis-Ababa ee xarunta wadanka Ethiopia ayaa waxaa uu sheegay inaysan xilligaan suuro gal aheyn in ciidamo Q,M ka socda o nabad illaalineed u soo dirayaan dalka Somalia waxaana uu sheegay in xilligaan dalka Somalia aysan ka jirin Nabad illaaliyo o ay xasarado xoogan ka jiraan taasoo keeneysa in laga fiirsado ciidamo dalka Somalia lo soo diro.

Ban Ki Moon waxaa uu sheegay inaysan marnaba suro gal aheyn inay ciidamo u soo dirtaan dalka Somalia oo uu sheegay inay abuuri karaan xalad kacsanaan ah o dalka Somalia ka sii kacda sida uu hadalka u yiri, waxaana u ku baaqay in qilaafaadka Somaliada udhaxeeya dartiis aysan marba u suuro galeyn Q,M inay ciidamo Somalia keenaan.
 
“Waxaa loo baahan yahay in marka hore ay jirto Nabad la ilaalin karo laakiin hadda Somalia nabadba kama jirto” ayuu hadalkiisa ku yiri Ban Ki Moon Xog’haya guud ee Q,M.
 
Ban waxaa uu sheegay Q,M ay aqoonsatahay dawlada KMGS isla markaana ay taageersan tahay hanaanka ay ku shaqeyso iyo doorka ciidamada AMISOM ay Somalia ka wadaan.
 
Hadalkaan ka soo baxay xog’haya guud ee Q,M Ban Ki Moon waxa uu ku soo beegmaya xilli dalka Somalia ay joogaan dhawr kun oo askari kuwaasoo ka socda Midawga Africa kuna hawl gala inay Somalia u joogaan hawlo nabad illaalineed, iyo iyadoo dhawr mar madaxda ururka Midawga Africa ay ka codsadeen Q,M inay ciidsamo nabad illaalined u soo diraan dalka Somalia.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip