Intaa kaddib, waxa aan doodda ku darsanayaa in dhibaatada na haysata salkeedu yahay xaqiraadda la xaqiray hooyada soomaaliyeed, kaddib markii qabiilku yahay xidid ku aroora aabbaha ilaa nabi aadam CSW, xididkii hooyadu ku arooraysey ee Abti iyo Habaryarna ilaa Abooto xaawo ilaahay raalli ha ka noqdee la cidleeyey oo weliba laga dhigay inay yihiin Ajnebi, kaddibna si joogto ah loo gumaado, ilaa gumaadkii hooyo soo gaaray xididkii aabbe oo hadba labada wada joogtaahi kala jufo noqoto, kaddibna ay ka sii dhalatay is xaqiraad iyo isma guursanno iyo magacyo sheydaan noo laqimay ama afka noo geliyey.
Haddii hooyada iyo ehelkeeda la qiimeeyo waxa meesha ka baxaysa wax cadaw la yiraahdo ama soomaali isu cadow ah amaba isu shisheeye ah waayo hooyadu waa Network, waxaanna hubaa haddii inta shirka ka soo qayb gashay dhanka xididka aabbe ku arooro la eego inay kala qabiillo yihiin, haddii xididka hooyo la eegana ay gebigoodba walaalo yihiin, haddaad doontaanna dib isu weydiiya qof kasta oo shirka ka mid ah 2 diisa ayeeyo 3dooda magac weydiiya, (macnaha aabbaha hooyadiis iyo ayeydiis sidoo kale hooyada hooyadeed iyo ayeydeed), waxadna arki doontaan inaad halkaad si soomaalinimmo ah u shirayseen aad isku oydaan oo aad isi sii jeclaataan, wixii diriri jireyna waxay weynayaan magac ay ku diriraan oo ayku yiraahdaan reer hebel iyo reer hebel intii adeegsan jirtay ee xaabada ku shidan jirtay dhallinta soomaaliyeedna way ku shaqo beelayaan.
Haddii aan su'aal yar doodda soo dhex dhigto, suurto gal ma tahay iyada oo hooyadey maalin walba ooyeyso ama tacsi aannu sababteeda aniga iyo aabbahay leennahay u taallo, caqliga ma gashaa in ilaahay ii gargaaro oo aan farxad ku noolaado mise ilaahay caradi baan ku nolaanayaa? haddii jawaabtu tahay waa caro ilaahay, aan su'aal 2aad raacsadee suurto gal ma tahay iyada oo aan caro ilaahey ku sugannahay in shirar nabadeed aan isugu nimaadnaa xal keenaan waxan filayaa inay MAYA tahay.
Haddaba haddii aanay dooddaasi ka mid ahayn doodaha ma dhalayska ah ee la isugu yimaado ha lagaa sheego ama warbaahintu ha sheegto hadda ula jeedoo waa iga tusaalee, in aan dib looga dhicin oo doodda loo jiheeyo sidii dadka loogu sheegi lahaa inaysan cadow ahayne ehel iyo qaraabo yihiin, qaabka loo wajahayana waa mid taladeedu noo wada taal, qaybta aan ku leeyahayna: in idaacadaha dadka looga furo barnaamij la yiraahdo labadaada ayeeyo 3 ama 4 magac ka sheeg, Jaraa'idda iyo Website-yadase way ku caytamayaane in qaab kale loo diyaariyo taasna idinkaa iigaga fara dhuudhuuban oo ay hawshiinnii tahay.
Waxa aan uga baxayaa Oday baan beri ku iri: war arrintan yaan la iska fiirsane ha loo dhaqaaqo markaa buu sii jeestay isaga oo ay ka muuqato inuusan hadalku ku socon ama uusan culays badan la lahayn, markaa baan u raaciyey haddaba waxba cirka ha eegine meel fog baad ka dooni doontaa, kaddibna markii ay madaafiic is daba joog ah hareeraha uga dhacday oo ubadkii iyo xaaskii ku selaleen ayuu isku darsamay uuna daldalay ereyo ay ka mid ahaayeen ma waxan oo kale baa la arkay ...., anna ku iri adeer waa waxaad samaysatee adkayso,
"Allahayow maxaan nin da'a waaniyoo danihi dhaamaaya, dabadeed is maahiyey siduu dabaqyo eegaayo, oo waxan ka digey maalintuu joogo degelkeeda, isagoo dhareer daadinoo weliba daan daama, igu yiri anaa daacadow yaab i dooriyaye, maxaa helay dareenkii dadkoo diley damiirkoodi?"
Wabillaahi Tawfiiq.
Maxamed Cabdi Aadam
Puchong - Selangor, Malaysia.
Email: aamaguul@gmail.com
Tix raaca Dooda Saxaafada ( By: Maxamed Cabdi Aadam )
A/s Calaykum W.W.Tacaalaa, salaan kaddib aniga oo tix raacaya Doodda doorka saxaafadda iyo nabadeynta somaaliya ayaan marka hore idiin kugu hambalyeynayaa maadaama dooddu tahay halka aan ka dhimannay ee aan ku beddelney Gacan ka hadal.