Xog’hayaha xafiiska la socodka arrimaha Africa ee dawlada Mareykanka Donald Yamamoto ayaa wax lagu qaldamay waxaa uu ku tilmaamay hawl galkii ay ciidamada dawlada Ethiopia ka sameeyeen gudaha dalka Somalia mudadii 2 sano aheyd ee ay Somalia joogeen.
Donald Yamamoto waxa uu hadalkiisa ku sheegay inay walad weyn oo la galay ay aheyn markii ay ciidamada Ethiopia loo ogolaaday inay Somalia galaan oo ay hawl galo ka sameeyeen
“Runtii waxay aheyd wax lagu qaldamay oo aanu sameynay waxaana qaladkai yimid markii la ogolaaday in ciidamo Ethiopia ah ay Somalia galaan oo ayhawl galo ka sameeyaan” ayuu yiri madaxa xafiiska la socodka arrimaha Africa ee dalka Mareykan Donald Yamamoto oo ka hadlay kulan ka dhacay magaalada wQashington ee xarunta wadanka Mareykanka oo ay goob ka ahaayeen dad Somalia ah loogana hadlayay arrimaha amaan ee qaaradda Africa.
Yamamoto waxaa u sheegay in qaladkaasi dhjacay uu yahay mid loo baahan yahay in haatan la saxo waxaana u sheegay inay qalad ku aheyd golaha amaanka ee Q,M inay ogolaadan in ciidamada Ethiopia ay awood Military u adeegsadaan xoogaga Somalia ka dagaalama waxaana uu sidoo kale eed dusha ka saaray m/mulkii madaxweyne Bush oo uu sheegay inuu taageero xad dhaaf ah siiyay dulaankii Ethiopia ee Somalia oo xilligaasi taageerayay dawladii KMGS ee madaxweynaha ka ahaa Col C/llahi Yuusuf Axmed.
Sarkaal madaxda ka ah xafiiska la socodka arrimaha Africa ee Mareykanka ayaa waxaa uu sheegay in Mareykanku doonayo Somalida oo Midawda oo dhisata dawlada loo dhan yahay oo ka madax banaan fara galin shisheeye sida uu hadalka u dhigay.
Ciidamadii Ethiopia ee Somalia so galay Sanadii 2006 xilli ay taageero siinayeen ciidamada dawlada KMGS ee uu madaxweynaha ka ahaa Col C/llahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa lagu eedeeyaa inay xasuuq ba’aan u geysteen dadka Somalied iyagoona iska cabin xoogan kala kulmay xoogagii muqaawamada oo uu ka mid ahaa madaxweynaha xilligaan ee dawlada KMG ah ee Soomaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Donald Yamamoto " Gelidi Ciidamada Ethiopia ee Gudaha Somaliya waxa uu ahaa Mid lagu Qaldamay"