Tababare Wenger oo ku sii jeeda Ac Milan Xili Cayaareedka Danbe

0
Wednesday September 10, 2008 - 13:56:13 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1189
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababare Wenger oo ku sii jeeda Ac Milan Xili Cayaareedka Danbe

    Tababaraha Naadiga Kubadda Cagta ee Arsenal Arsen Wenger ayaa la sheegay inuu aadaayo Naadiga Milan Sanadka danbe, wararka ka imaanaaya Magaalada Milano ayaa sheegayo Tababaraha hada layliyo Carlo Ancelota waxa uu qarka usaaranyahay katagista Naadiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha Naadiga Kubadda Cagta ee Arsenal Arsen Wenger ayaa la sheegay inuu aadaayo Naadiga Milan Sanadka danbe, wararka ka imaanaaya Magaalada Milano ayaa sheegayo Tababaraha hada layliyo Carlo Ancelota waxa uu qarka usaaranyahay katagista Naadiga Milan.


 
Mialn ayaa raadineyso Badalka Ancelota iyada oo codsi udirtay dhowr Macalin waxaana Liiska ugu danbeeyay Tababarahaan Arsenal Arsen Wenger iyada oo lasoo sheegaayo in uu sii xumaanaayo maalinba maalinta ka danbeyso xiriirka udhaxeeyo Wenger iyo Milkiilayaasha Arsenal.
 
waxaa kale oo Liiska Ac Milan ku jiro Labada Macalin ee hore ugu ciyaari jiray Milan Van Basten iyo Rijkard balse la arke doonee cidi ay doorto.
 
waxaa beryahaan danbe xiriir xaga kala iibsiga ka dhaxeeyay labada naadi Milan iyo Arsenal iyada oo Milan laga iibiyay labada ciyaaryahan Flamini iyo Sendros hadana waxey dooneysaa Macalinka Wenger.
 
waxaa Macalinkaan hore Dalab ugu dirsaday Naadiga ay Milan isku magaalada yihiin ee Inter inta uusan qabanin Macalinka gaarsiiyay Guulihi isdaba jooga ahaa ee Robert Mancini.
 
Hassan Omar Osman
xasanjuungal@hotmail.com
Moqdisho Somalia

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip