Sawirro:-Duqa Muqdisho oo shaaciyay xiliga lagu Cayaari doono Stadium Muqdisho

0
Tuesday October 02, 2018 - 18:50:35 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1332
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:-Duqa Muqdisho oo shaaciyay xiliga lagu Cayaari doono Stadium Muqdisho

    Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa boggaadiyey dar-darta ay ku socoto howlaha dib loogu hagaajinayo Garoonka Cayaaraha ee Staadiyo Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa boggaadiyey dar-darta ay ku socoto howlaha dib loogu hagaajinayo Garoonka Cayaaraha ee Staadiyo Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galay barnaamij qeyb ka ah Ololaha Is-xilqaan oo 100 dumar ah shaqo loogu abuuray, si ay u dar-dargeliyaan nadaafadda iyo dib u habeynta Garoonka.

Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa sheegay muddo labo bilood gudahood ah in lagu dhameystirayo wajiga koowaad howlaha dib u habeynta garoonka oo qeyb ka tahay Nadaafadda iyo nalayn lagu sameynayo si loogu qabto Cayaaraha Maamullada ee dhowaan nagu soo fool-leh.

"Howshan dar-darta ku socota ee dib loogu hagaajinayo garoonka StadiumMuqdisho waxay qeyb ka tahay qorshaha noo dagsan oo muddo labo bilood gudahood ah lagu dhameystirayo qeybta hore ee dib u howlgelinta Garoonka si loogu qabto Cayaaraha Maamullada Gobollada iyo Gobolka Banaadir”.

Ololaha Is-xilqaan ee laga sameeyay Garoonka Cayaaraha ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye-ku-xigeenka Arrimaha Bulshada, Guddoomiye-xigeenka Howllaha Guud, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Waaberi iyo Warta-Nabadda, Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare iyo 100-ka qof ee shaqo abuurka loo sameeyey si ay nadaafadda Garoonka u dar-dargeliyaan.





 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip