Qunsulka Wadanka Somaliya ufadhiya China oo lakulmay Arday Somali ah (Sawiro)

0
Thursday May 06, 2010 - 16:40:57 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1043
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qunsulka Wadanka Somaliya ufadhiya China oo lakulmay Arday Somali ah (Sawiro)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qunsulka Soomaaliya ee dalka Shiinaha (China) Mudane Cawaale Cali Kullane oo la kulmay Ardeyda iyo Ganacsatada Somaliyeed ee dagan dalka Shiinaha.
 
Qunsulka waxaa uu ka qeybgalay shir-weyn oo ey soo qaban qaabiyeen Gudiga ardeyda wax ka dhigata Gobalka Hubai magaalada Wuhan, ardeyda wax ku barato gobolka Wuhan ayaa waxay dhanyihiin ku dhawaad sadex boqol oo ardey oo Soomaali ah oo ka kala yimid qurbaha intooda badana waxay bartaan Kulliyadda caafimaadka.


 
Qunsulka ayaa waxaa uu dhamaan Soomaalida shirka isugu yimid ku dhiira geliyey inay iskaashadaan oo ay wada shaqeeyaan qunsulka ayaa si gaar ah ugu mahad celiyey ganacsatada Soomaaliyeed oo idil iyo Dr Hussein Abshir oo ah dhaqtar wax ku daweeya magaalada wuhan, ahna ninkii curiyey kana shaqeeyey in ay dhalinyarada Soomaaliyeed ay ka faa’iidaystaan waxbarashada qiimaha badan oo lagu dhiganayo qarash qiima yar.
 
Qunsulka ayaa sidoo kale si gaar ah ugu mahad celiyey gudiga ganacsatada Soomaaliyeed ee Yiwu oo muda dheer tageerayey ardayda iyo isku xirnaanta dhamaan Soomaalida joogta Shiinaha,



 
Gudiga ganacsatada Soomaaliyeed ee Yiwu oo uu hogaaminayay Gudoomiye kuxigeenka mudane Saciid Jamac Mire oo ah ardeydii labaatan sano ka hor u timid dalka shiinaha inay wax ka bartaan, ayaa waxaa u yiri “Mudo labaatan sano ka badan ayaan ku soo noqnoqanayey dalka Shiinaha,  waana markii iigu horeysay aan la kulmo Qunsul ama Safiir  u soo safro kana qeybgalo barnaamijyada ardeyda, dhiirigalina ku sameeyo ardeyda iyo Ganacsatada”
 
Waxaa kale oo halkaa qudbad ka jeediyey Gudoomiyaha ardeyda Wuhan Mudane Maxamed Cabdiraxmaan (Qoodje)  oo yiri, “ Qunsul Cawaale Cali Kullane  aad ayuu ugu mahadsanyahay tageerada iyo garab istaaga” waxaa kale uu yiri “Runtii walaaltinimada xushmada, talada iyo dhirigelinta uu na tusay Qunsulka ayaa ah mid aad u dhiiri galinayso hamigii aan ka laheyn shirka oo ahaa Soomalida Shiinaha oo wada shaqeyso, tageerana sharafta iyo wax tarka dalkeeni hooyo ee Soomaaliya”



 
Waxaa kale oo goobta joogay ganacsatada gobolka Guangzhou oo ayagana bilaabey inay tageeraan ardeyda Soomaaliyeed ayna si buuxda ula qeybsadaan waxqabadka Ganacsatada Yiwu, ganacsatada  Guangzhou ayaa waxay soo dirsadeen wakiilo uga qeyb galo shirka Wuhan, Ganacsatada Guangzhou oo uu hogaaminaayo  Cali Macow Xaaji, iyo ergada oo kala ah  Cali Catoosh, Cabdulcasiis Macallin Arwaax, Cabdullahi Mumin -Cabdiraxmaan Jeylani,
 
Qunsul Cawaale ayaa waxaa uu markale mudo bil gudaheeda ugu laaban doono Wuhan, asaga oo la kulmi doono dhamaan ardeyda wax ka barata jaamacadaha gobolka, Waxaa kale oo uu qunsulka tagi doona gobolka Jilin oo ay ayaguma dhigtaan ku dhawaad sideetan 80 ardey Soomaaliyeed ah, Qunsulka ayaa si gaar ah ula kulmay gudiga ardeyda Jilin oo uu hogaaminaayo Maxamed Rashaad Sheikh, srdeyds Jilinoo si heersare ah u wada shaqeeyo iskuguna xiran.
 
Mr. Cawaale waxaa u rajeynaya in jamacadaha dalka sida jaamacada Camuud, East Africa University, Muqdisho University, Banadir University iyo SIMAD Management uu ku soo xiro jaamacadaha dalka Shiinaha si ay u abuuranto wada shaqeeyn iyo aqoon is weydaarsi, Qunsulka ayaa durbaba la xiriiray Wasaarada Tacliin sare ee Soomaaliya iyo aqoonyahano ka shaqeeyo xiriirkaa, oo la rajeynayo inay curiso wada shaqeyn qiimo badan.
 
Qunsul Cawaale Cali Kullane ayaa wuxuu yiri “Waxaan rajeynaynaa in Soomaaliya aan lagu xasuusan dhibka ka jiro laakiin lagu xasuusto sida ay u soo kabsatey”.
 
 
 
Maxamed Cabdi Goobe, Wuhan, China
cgoobe@gmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip