Dinbiilayaal wanted u noqday saxafiyiinta soomaliyed iyo gud ahaan shacabka ka qayb qaado raadinta, maxlamadayntoodaba (Radiyo Muqdisho)‏

0
Thursday May 06, 2010 - 17:03:46 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 7261
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dinbiilayaal wanted u noqday saxafiyiinta soomaliyed iyo gud ahaan shacabka ka qayb qaado raadinta, maxlamadayntoodaba (Radiyo Muqdisho)‏

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

 

 

 

 

Maxaad ka taqaannaa raggii dilay Wariye Sheekh Nuur Abkey?

 

Xasan Xanafi (Bidix) waxa uu ka dambeeyay dilka
wariyayaal badan oo Muqdisho lagu khaarijiyay.
 

Allaha u naxariistee Sheikh Nuur Maxamed Abkey waxa uu u dambeeyay wariyayaal Soomaaliyeed oo kooxda Alshabaab ay si gar darro ah u dileen.

Shalay oo Talaado ahayd ayay maleeshiyada Shabaab Sheikh Nuur Abkey si xun ugu  toogteen degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.

Shabaab, waxay leedahay waax warbaahinta u qaabilsan oo ka shaqeysa khaarijinta wariyayaasha iyo shakhsiyaadka nabadda iyo arrimaha bulshada ka shaqeeya.

Waaxda warfaafinta ee Shabaab, waxaa xubno ka ah , dhallin yaro horay uga soo shaqeeyay qaar ka mid ah Warbaahinta Magaalada Muqdisho.oo iyagu far muqa isla markaana khaarijiya Saxafiyiinta Shabaabku u arkaan kuwo ka hor jeeda siyaasadohooda ama dadka gaarsiinaya farriin ka gaddisan afkaarta qalloocan ee ay shabaabku dalka soo galiyeen .

Ragga sida tooska ah ugu dambeeyay dilka Sheikh Nuur Abkey waxaa ugu horreeya nin lagu magacaabo Xasan Xanafi Xaaji .

Xasan Xanafi Xaaji, waxa uu ku dhashay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan Sanadkii 1983-kii.
sagaashamaadkii ayay reerkiisu u soo guureen magaalada Muqdisho.
Waxa uu deggan yahay meel dhowr mitir u jirta Suuqa Cirtoogte ee magaalada Muqdisho.
Qoyskiisa isaga oo kaliya ayaa ka jooga Somalia, Labadiisa Waalid waxa ay hadda ku nool yihiin Kenya, halka qaar ka mid ah walaalihiisna ay ku sugan yihiin Yurub.

Xanafi ma lahan taariikh Waxbarasho haba yaraatee.

Sanadkii 2003 ayuu si tijaabo ah ugu biiray Idaacadda Quraanka ee Muqdisho, sidoo kale 2006-dii ayuu muddo dhowr bilood ah la shaqeeyay Website-ka Goobjoog.com , ka dibna waxa uu ku faraq xirtay rag ka tirsan ururka Shabaab , waxa uuna idaacadaha Muqdisho soo gaarsiin jiray farriimaha Shabaabka iyo dagaalyahannada Shisheeye.

Xasan Xanafi Xaaji, waxa uu ka dambeeyay dilkii wariyayaal badan oo Muqdisho lagu dilay wixii ka dambeeyay sanadkii 2006-dii.

Waxa uu si toos ah u soo maleegay dilkii Mahad Axmed Cilmi agaasimihii idaacadda Capital Voice iyo Cali Iimaan Sharma’arke.

 

Xanafi isaga ayaa Mahad u tilmaamay ragga dilay, oo waxa uuna goob joog ahaa halkii lagu dilay Marxuum Mahad Axmed CIlmi.
Intaa kuma ekeysan ee waxaa raacay Janaazadii Mahad, isagoo rag Shabaab ka tirsanna kula ballamay in ay Miino ku aasaan jidka, si ay u khaarijiyaan agaasimihii Horn Afrik Cali Iimaan Sharma’arke, oo markii uu ka soo laabtay duugtii Mahad Axmed Cilmi lala qarxiyay gaarigii uu saarnaa, halkaasna ku geeryooday.
Dilka labadaas wariye ka dib Xanafi waa la dallacsiiyay, waxaana laga dhigay madaxa warfaafinta ee Shabaabka, markaas ayayna u suurto gashay in uu khaarijiyo wariyayaal badan.
Wariyayaasha Xanafi dilkooda soo maleegay waxaa ka mid ahaa allaha u naxariistee agaasimihii Idaacadda Horn Afrik Saciid Tahaliil Axmed, oo lagu dilay gudaha Bakaaraha 1 february , isagoo ku sii socday Shir been ahaa oo Shabaabku saxaafadda isugu yeereen.
Marxuum Saciid Tahaliil waxaa dabinkaas u dhigay Xasan Xanafi,oo Saciid u far muqay raggii dili lahaa oo horay loogu soo diyaariyay, ka dibna uga dhex baxay.
7-dii July 2008 waxaa magaalada Kismayo lagu toogtay allaha u naxariistee Nasteex Daahir Faarax wariyihii Idaacadda bbc-da iyo wakaallada Reuters ee magaalada Kismayo, dilka Nasteex waxaa ka soo shaqeeyay rag ka tirsan Shabaab oo uu Xasan Xanafi hormuud ka ahaa.

Sidoo Kale Xanafi iyo rag kale oo ka tirsan Alshabaab ayaa fuliyay falkii lagu dilay allaha u naxariistee Agaasimihii idaacadda Shabelle Mukhtaar Maxamed Hiraabe oo laguna dhaawacay wariye Axmed Cumar Xaashi (Axmed Taajir) oo isla shabelle ka tirsanaa taariikhdu markey ahayd 7-dii July 2009

Ismaaciil Isltiila

Waa canug 18 jir ah oo rajaynimo ku soo koray, hooyadiis waxa ay dhimatay isagoo yar, waxaa degganyahay degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.

Istiila waxa uu idaacadda Simba ku biiray sanadkii 2007, isagoo ka soo jeedin jiray barnaamijka maaweelada carruurta, waxa uuna si hoose ula shaqeyn jiray Shabaab.

Rag la soo shaqeeyay oo Radio Muqdisho la hadlay, ayaa sheegay in Istiilla uu Bastoolad wadan jiray xitaa intii uu ka shaqeynayay Idaacadda Simba, dhowr jeer ayuuna wariyayaal ugu hanjabay in uu dilayo ka dib markii ay ku murmeen arrimo shaqada la xiriira.

Istiilla waxaa uu wax ka aasay miinadii lagu qarxiyay haween nadaafadda ka shaqeynayay meel ku dhow masjidka Biya maalow 2007-dii, isaga ayaana Remote-ka u hayay miinadii lagu laayay haweenkaas xoogsatada ahaa.

Ismaciil Istiilla waxa isaga iyo Xasan Xanafi ay hal maalin ku wada dhaawacmeen dagaal ay ka qeyb galeen oo ka dhacay xaafadda African Village ee degmada Hodon, waxa ay ahayd horraantii 2009.

Istiilla intii uusan caddeysan in uu Shabaab ku biiray, waxa uu si basaasnimo ah u iman jiray xarumaha dowladda sida Wasaaradda Warfaafinta,Xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo xarunta madaxtooyada.

 

Waxa uu marar badan telefoon ugu hanjabay wariyayaal badan oo uu gaalo ku tilmaamay uguna hanjabay in uu dili doono.

Markii uu u baxayay Kismayo oo uu ka shaqeeyo idaacad da Shabaabka ee Andalus, waxa uu eheladiisa u sheegay in uu u safrayo Kenya, si uu Shabaab uga baxsado.

Ka hor markii ay gacanta ku dhigeen wariye Sheikh Nuur Abkey intii aan la dilin Istiilla waxa uu la soo xiriiray qaar ka tirsan Shaqaalaha Radio Muqdisho isagoo ku war galiyay in ay maydka Shiikh Nuur Abkey saacado ka dib soo dhigi doonaan masjidka Alkhaaliq ee degmada Wardhiigley, dhowr daqiiqo ka dibna Marxuum Abkey waxaa la soo dhigay goobtii uu Istiilla tilmaamay.

Ka dib waxa uu Istiilla si farxadi ku jirto u sheegay in ay iyagu dileen Abkey ayna sii wadi doonaan ugaarsiga iyo dilka saxafiyiinta Radio Muqdisho .

 Xigasho: Radiyo Muqdisho.net

 

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip