waxaan halkaan idinkugu soogudbinaynaa gabay qaali ah oo uu tiriyay abwaanka magaciisa layiraahdo c/qaadir cali gureey waxaana latiriyay taariikhdu markii ay ahayd 25/12/2009 gabaygaan magaciisa waxaa layraahdaa (Macbuud)
1)Maahmaahda gabaygaaga waa lagu macneeyaaye .
bal aan mariyo maantoo kalaa madar lakeenaaye .
mushkilooyinkaan muuqda iyo taladaan meelweyday ?
2) Meermeerka beentiyo xarkahaan la isku saynsaabay
maskaxdaan shisheeyuhu watoo nalaku miineeyay
mabda eenii diineedna waa marin habowsheene ?
3) Misxafkii illaahey ragbaa meelkale urogaye
mabda ay ayagu doonayaan diinta wow marine
maxaa muxamed loosoodiray oo qureysh lagaga soo doortay ?
4) Musaliga masaajidka kujira yaa mus u istaagay
masaluu fasiray igu lidi ah yaa kudilay madar intuu keenay
mabda ooda maahee yaa waxkale diinta kamamnuucay ?
5) Misxafkiyo minhaajkii masalaan meelna kaga oolin
yaa miiska soodhigay iyagoo magac kudoonaaya
masaladaan ma,arag shiikha yiri yaa marqura miino kuqataaray ?
6) Marhadaan ismagacaabayeen madaxna doonaayo
masalada sharciga madaxtinimo diintu marineyso
waa muslinkoo intey madar tagaan caadil mida doortay
7) Midka aan sidaas soomareyn madaxna doonaaya
musuqmaasuq weeyaanqabaa aan macno laheyne
misxafkaan macbuudkii dajiyaan marag uheystaaye ?
8) Milatari sidiisii ayay wax umaroorshaane
muslinkaa intaas kugu qoray qarashkudoontaane
ma,awoodo ruuxiiyiraah gowracsuge weeye ?
9) Macbuudoow sidaas waan qabnaa waana samirnaaye
marhadey su,aaltaagantahay sabab la,aantaanu
marhadey dadkii sirirayaan sun iyo baaruuda ?
10) Marhadaanu samirnee indhaha sare utaageyno
marhadaan sareeyaheena guud saarnay taladeena
mardhow waxaan sugeynaa inuu sahanku roobsheego ?
11)Marhadaan aqoonsaday raboow kali ahaantaada
marhadaan adeecoon aqbalay amarkii aadkeentay
adoonkaa hadaan ahay maxaa lay asmiciwaayay ?
12) Maalintay amxaarada madoow xamar mushaaxeysay
maalintii rag magacdoonayaa madaxa sooduubtay
ma ninkii siyaas magangalaa diin umagacsheegtay ?
13) Maxamuud siyaad iyo sidii faarax mow mariyay
cali baashi miduu marshiyo midabo mowyeelay
mohoniga ismaaciil miriyo cali malaymooday?
14) Murtidii intaan miim kadayay meel maqabadsiiyay
Ragbaa gabayga meermeeriyee marin dhac mawdiiday
madab aygu meeshuu ahaa madane mawyeelay ?
Abwaan C/qaadir Gurey oo Gabaygiisi "Macbuud" ku Cabiray Xaqiiqada Xalka Somaliya