Waxaa shalay Galab Magaalada Amsterdam ee Dalka holland lagu soo gaba-gabeeyay Ciyaarihii Xiisaha badnaa ee loogu magacdaray WK AMSTERDAM CUP. kaasi oo ah mid sanad waliba xilliyadaani oo kale loo qabto dhamaan jaaliyadaha kala gedisan ee ku nool wadanka Holland.
Ciyaarahaani ayaa waxaa sanadkaani wacdaro la yaab leh ka dhigay Kooxda Soomalida oo iyagu la soo baxay farsamo iyo hanaan ka gedisan qorshoyinkii lagu yaqiinay Sanadihii hore taasoo suura galisay in ay guulo wax ku ool ah ka soo hoyan tartankaani.
Ciyaartoyda Soomaalida ayaa Sanadkaan waxa ay la ciyaartay Wadamo Magac ku leh Dunida kuwaasoo ay u dhigtay Casharo la yaab leh oo dhanka sportiga ah iyadoona soo wada jiitay dhamaan indhaha shacabkii kala gedisanaa ee u soo daawasho tagay Ciyaarahahaasi.
Ciyaarahaani oo bilawday 05-06-2010, lana soo gabagabeeyay 06-06-2010, ayaa kulamadii ugu horeeyay ee maalintii sabtida la ciyaaray waxa ay u dhacday sida tan.
Somalia Vs Rusia, 1-1.... waxa ay guusha raacday Somali.
Nebal Vs somali, 4-0... Waxaa guusha hantay Somalia.
Egwador Vs Somalia 1-0... Waxaa Guusha Hantay Somalia.
Tunisia Vs Somali 0-0.. waxa ay ku dhamaatay bar bar dhac.
Somali Vs Turkia 0-1.. Waxaa markii ugu horeesay Dhinaca
Dhulka loo dhigay Somalia.
Maalin nimadii shalay ee lagu balan sanaa ciyaarihii ugu danbeeyay ee kuwataro Finalka Ayaa Waxaa Buuq iyo Sawaxan hareereeyay Qaar ka mid ah heįdaha Dhanka Sportiga u qaabilsan Soomaalida iyo Ciyaaryahanada Soomaalida ee u soo shartagay in ay guulo ka keenaan kulamadoodaugu danbeeyay, taasoo la xarirtay dhanka tasiilaadka Ciyaaryahanada.
isku dhacaasi iyo Xurguftaasi dhex martay Ciyaartoyda iyo Hey'adaha soomaalida ee dhanka Sportiga qaabilsan ayaa Waxa ay dhalisay in ciyaartoydii ee garonka un lugta geeyaan ee aan wax guulo ah ka soo hoynin ciyaarihi loo hanweynaa ee la filaayay in ay guulo ka keenaan.
Ciyaarihii ugu danbeeyay ee wareegii kuwataro Finalka ayaa kooxda soomaalida waxa ay la ciyaartay Wadanka loo yaqaan Aruba 1-0 taasoo dhinaca dhulka loo dhigay kooxda soomalida. iyadoona Kulankooda ugu danbeeyay oo ay ugu soo bixi lahaayeen wareegii sama finalka la ciyaaray Wadanka Duitsland. waxeyna ku soo gaba gaboobday 0-0 taasoo Ciyaartoyda soomaaliyeed Gool tirsi guusha loogu qaaday guusha, halkaasina ay ku hareen.
Waxaana nasiib Darro iyo layaab ku noqotay bahda Sportiga kolka ay hal mar wada dareereen Ciyaartoyda iyo mas,uuliyiintaba iyagoo isku careesan goobtii xafladana laga waayay Mas,uul la guddoon siiyo bilad.
Saraakiil sport oo magac ku leh Saaxada sportiga soomalida ee Wadanka holland oo kulan ciyaareedkaasi goob joog ka ahaa ayaa waxa ay aad u dhaliileen qaabkii ciyartoyda u wajaheen garonka xilli ay qilaaf dhex martay ka hor bilawga ciyaartaasi Mas,uuliyiinta hey,adaha somalida ay ka jira dalka holland qaarkood..
"Runtii ma ahan in Ciyaartoyda Soomaaliyeed sidii la doona laga sameesta magaca iyo Dhaqaalaha mar waliba waxaa haboon in la hor mariyo magaca" Taasina waxaa yiri mid ka mid ah macalimiinta Qibrada Sporti ku bixiya qaar ka mid ah koxaha soomaalida ee ka dhisan dalka Holland.
Asigoona sii racsaday "Dhowr jeer oo horey ayee dhacday in Tasiiladka Ciyaartoyda la lunsado taasina waxa ay sababtaa In Sharafta iyo Sumcada soomaalida ee sii liicdo maadaama ay ciyaartoyda iyagoo buuq ku furan dhacaankoodana la lunsaday ee garoonka galaan"
Ma ahan markii ugu horeesay ee kooxaha ka dhisan Wadanka Holland ee Soomalida ah iyo hey'adaha soomaalida ee Qaabilsan Dhanka sportiga muran nuucaani oo kale ah dhex maro iyadoona muranada soo noq noqda ee dhex mara bahda sportiga uu sababo in magaca sharafta iyo karaamada Somali weyn uu dhulka sii galo.
Hey'adaha soomaalida ee ka dhisan qaar ka mid ah wadamada Qurbaha ayaa had iyo jeer caado u noqotay in ay Dhaqaalo ku soo qaataan magaca soomaali taasoo aynan wax qabad ku sameenin iyadoona is qab qabsiyada kolka ay yimaadaan ay ku fashilmaan dhowr arrimood oo dhanka hormarinta, ah.
WK AMSTERDAM CUP. oo la soo gaba gabeeyay, Somalia oo kuwataro Finalka (Sawiro)