Xuseen Maxamed Caydiid, waxa uu sheegay in xaaladda dalka ay uga sii darayaan faragelinta shisheeyaha ay ku hayaan Soomaalida oo kala qeybiyay, tiiyoo ay ka habowday Soomaalida inay danaheeda ka shaqeyso, wuxuuna Xuseen Caydiid soo jeediyay talooyin arrimahaasi ku saabsan.
"Dhibaatooyinka ka dhacaya dalka gudihiisa waxaa ka dambeeya Soomaalida dhexdeeda iyo mid dibadda uga imaaneysa, dhammaantoodna waa isku xiran yihiin" ayuu yiri Xuseen Max'ed Caydiid oo ku booriyay Soomaalida inay ku heshiiyaan haday tahay mucaarad iyo muxaafidba kana fekeraan danahooda.
Waxa uu sheegay Xuseen Max'ed Caydiid mushkiladda Soomaaliya inaan marnaba lagu xalin karin qori caaradiis, sidaasi darteedna looga baahan yahay dhinacyada isku haya talada dalka inay muujiyaan tanaasul iyo inay wadajir uga shaqeeyaan aayahooda.
"Faragelinta shisheeyaha way sii ballaaratay, mana xalismeyso ilaa Soomaalida ay dhexdeeda ka heshiiso" ayuu yiri Xuseen Max'ed Caydiid oo haatan ku sugan magaalada London ee wadanka Ingiriiska, isagoo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo horjeeda Dowladda KMG ah ee lagu soo dhisay dalka Jabuuti.
Dhinaca kale ammaan u jeediyay maamulka Idaacadda Radio Muqdisho, isagoo sheegay in badbaadada idaacadaasi uu door weyn ku lahaa isaga iyo aabihii Jan. Max'ed Faarax Caydiid, kaddibna uu ku wareejiyay Dowladdii ay Soomaalida ku soo dhisatay dalka Kenya.
Xuseen Caydiid: "Faragelinta shisheeyaha way sii ballaaratay, mana xalismeyso ilaa Soomaalida ay dhexdeeda ka heshiiso"
Guddoomiye K/Xigeenka Isbaheysiga Asmara Xuseen Maxamed Caydiid ayaa ka hadlay xaaladda uu dalku marayo iyo caqabadaha Soomaalida ka heysta inay la jaan qaaddo dalalka asaageed ah ee ku tallaabsaday kala dambeynta iyo dowlad wanaagga.