
Waraka ayaa intaasi ku daray in afar ka tirsan Malleeshiyada Al-shabaab ay halkaasi lagu dilay kadib markii ay ciidamada dawlada KMG weerar xoogan ku soo kadiyeen xeradaasi oo lagu tabari jiray maleeshiyooyinka Al-shabaab mana jiraan wax war ah oo ka soo baxay hor joogayaasha kooxda Al-shabaab.
Dagaalkan ayaa ku soo aadaya xili ay ciidamada dawlada abaabul xoogan ee mudooyinkan ka wadeen deegaano ka tirsan Gobalka Bakool, kaasi oo ay doonayaan inay gebi ahaanba Gobollada Bay iyo Bakool kaga sifeeyaan Maleeshiyooyinka ku soo duulay deegaanadaas, in kastoo ciidamada dawlada KMG ay dhowr jeer horay ula wareegeen deegaano hoos yimaada G/Bakool kadibna ay dib isaga laabteen.
Ciidamada Dowladda KMG ah ayaa horay u sheegay inay la wareegi doonaan deegaano fara badan oo ay heystaan xoogagga ka soo horjeeda, iyadoo Ciidamada Dowladda ay sheegeen inay yihiin kuwo tababaran oo awooda inay deegaano dhowr dib ugala wareegaan kooxaha ka soo horjeeda.
Ciidamda dawlada KMG ah oo dagaal ay la galeen kuwa Al-Shabaab kadib kula wareegay Deegaanka Rab-dhuure ee Gobolka Bakool.
Waraka ka imaanaya deegaanka Rab-dhuure ee Gobalka Bakool ayaa sheegaya in dagaal culus oo laisu adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ay maanta Ciidamada dawlada kula wareegeen Xero tababr oo ay lahaayeen Kooxda Al-shabaab, sidoo kalena gacanta ku