"Baahi" waa dareen adamigu ka wada siman yahay ; ahna kan ku kalifa in uu sameeyo dadaal iyo howgel si uu u helo xal iyo jid uu u maro gaarista baahida uu qabo. Dareenkaas oo leh wajiyo aad u kala duwan lehna ahdaaf iyo ujjeedooyin fog iyo kuwa dhow oo aan dhaafsiisneyn dhadhan waqti kooban ; baa ah kan xaqiijiya nolol iyo wadan uu ku gutto kuna ilaaliyo baahidiisa joogtada ah inta uu ka sareeyo dulka. Wadan waa baahida ogu weyne ee adami uusan marna ka maarmi karin ahna tan xaqiijisa jiritaankiisa noole iyo astaan. Dad aan laheyn wadan kama duwana geed aan laheyn xidid. Wadan waa dul xaddidan oo wadaag ah. Mas'uuliyadda xanaano ee wadan baa ah baahi jeel ka jeelna u adeeg isu adeeg mujtamac aasaas ahaan isleh. Si kasta iyo xaalad kasta midna ma bedesho illaalinta wadan oo ah lama huraan aan laheyn qiimo lagu bedesho. Abooriste Illaahey ee jiritaan iyo lahaansho wadan waa labo isku xirin oo aan marna kala harin. Mujtamac kama soorowdu umana soorowdu in uu gaaro isku filaansho nolol keenta in uu ka maarmo baahi qab wadan si kasta oo u gaaro buuxin dhaqaale iyo hanti muqaal. Dhigaal dhaqaale qadar kasta ha gaaree kama dhigu qof mid buuxiyey jiritaankiisa adaminimo ; qoxooti wadan kalana uma noqdo badeel wadankii hooyo. Musiibadu waa haddii bahida asal iyo jiritaan leh meerto jeel ka jeel lagu bedesho dhadhan waqti kooban.
Garashada dareen baahi qiimu ma sameeyo haddii u ku wareego baahi shaksinimo ; mana waaro hadaan loo sameyn loona dejin aqoon iyo isku duubni si loo helo dallad la hoos harsado laguna fuliyo dhamaan barnaamijyada gudashada baahideena. Dallad la hoos harsadu maanta hadaan Somali nahay ma eynu heyno. Inta yar ee lagu sheeko Puntland ama Somaliland labaduba dhadhan iyo buunbuuninta lagu dhisey baan aheyn mid ummad Somaliyeed laga dhex arki karo waana nasiib darro ; walow ey yihiin tahayna mahad Illaahey in la helo meelo ummad Somaaliyeed ku badbaadaan waana guul iyo jiritaan ; waa la heley ee lama hanan.
Qixii noo ahaa joogtada waxaa noo billowdey in maanta Somaali laga qixiyo Puntland laguna sheeko in eyan u dhalan Puntland. Ma ahaa doonista dareenka shacab ee waa mid ku xiran billow siyaasad la rabo in lagu fuliyo lagana dhaqan galiyo Puntland ayadoo loo marey nabad la'aanta Puntland. Waa cajiib in ummad dhan la xaaqo laguna eedeeya amaan la'aan ayagoo ka soo cararey amaan la'aan ku kaliftey imaanshaha Puntland. Ma kii geystey iyo kuwa geystey baa leh eedda nabad la'aanta marka ey ku caddaato mise inta itaalka yar oo aan laheyn cid kale ayaa leh loona arkey in ey ka gadisan yihiin reer Puntland.
Akhriste 11 sano ama labo maamul ka bacdi in maamulka Puntland calan sameystu maxaa daleel loo hayaa maxaase lagu muujin? Waxaa billowdey hirgelinta iyo udub u aaska maamul goboleed leh astaan qaran waxaana reexiya oo abaal ku qaba waa Ethopia iyo siyaasi Somaali ah oo rajo ku/ka qaba maamul. Waxaa aad loo meel marin deegaan sheegasho iyo u dhisid maamul inta isku deegaanka ah. Waa cajiib deegaan muxuu kaga duwan yahay xaafad dad somaali ah wada degaan marka loo feeriyo xaqiiqda ku dhalasho deegan ka mid ah deegamada Somaaliyeed? Muxuu/maxay ku kala duwan yihiin ku dhalash iyo degenaansho meel dul ka mid ah wadan weynaha Somalia? Akhriste xaafad Xamar ku taal maxay kaga duwan tahay mid ku taal Boosaaso ama Hargeysa ama Jigjiga???? Iga raali noqo akhriste maxaa ii geeyey Jigjig meeshii aan ku taagnaa baanan cagaha ku heyn kuna heyn waayey!!!!!! Erayga deegan soo ma ahaa muujin degenaansho meel waa haddii aan la siyaaseeyn erayga.
Maxaase macne ahaan ey ku kala duwan yihiin deegan iyo xaafad haddan la leexineyn?? Deeganka ama xaafadda xamarjajab iyo deegaan ka mid ah deeganada Puntland maxay ku kala duwanaan karaan marka loo feeriyo ku magacaabid meel ama qeyb-duleed oo ka mid ah dulka Somalia? Haddii si hoos ahaaneed loo feeriyo habka lagu wado Somalia in ey ku danbeyso waxaad ka arki kartaa siyaasiinteeda oo kala leexsadey kalana qeybiyey wadankii Somalia wadan ahaan kalana saarey ummaddii Somaaliyeed shacab ahaan.
Waxaa cajiib ah in jeelka annigu iyo inta la mid ahi lagu a'baabin jirey uu maanta yahay mid laga faano oo ahaa Somaalinimo iyo wadan loo wada siman yahay. Waxaa cajiib ah in cadow haddii la tilmaami jirey ey ummadda Somaliyeed gees ka gees taqaaney kan loola jeeday; maanta cadowgu la sheego uu yahay kan aan kula qabiil aheyn iyo deegan. Waxaa cajiib ah in ummadnimadii shaley la nalagu a'abaabiyey oo dugsiyada iyo sugaanta Somaliyeed lagu yiqiin taarikhdiida in maanta lagu sheeko jaahilnimo iyo fikrad khaldan oo gabowdey. Waxaa cajiib ah in la doorbidey loona hurey karaamo in ansaxin iyo oggolaansho laga doona Ethopia laguna loona mahad naqo.
Waxaa cajiib ah baahi hadey jirtey/jirto la nagu a'baabiyey in ey tahay ilaalinta iyo u adeega wadanka iyo ummadda Somaliyeed taasna lagu gaaro dhamaan baahi la qabo iyo sharaf karaameysan ee adduunka iyo aakhiro. Wallaahi wax badan baa la noo sheegi jirey lana bari jirey su'aasho wixii xagii bey ka baxeen?? Waa la yaabey lamana nasan loomana maqnaa ; waxaa xaqiiq ah haddii waqtigu sidaa ku socdu dhibkuna dheeraadu ummadduna qaxdu in la is weydiin doono meesha ummaddii iyo jamhuuriyadii Somalia ku dhanbeysey.
Akhriste feeri gaar ahaaneed 2006-dii abaabulkii dowlad u smaeyntii Somalia ee wadanka Kenya walow run ahantii wax aan Ethopia saxiixin aqbalin uusan ka hirgeli karin Geeska Africa. Waxaa la dhisey Dowlad Federal ah maxay kula tahay in areyga "Federal" loola jeedey yaase wattey? Xasuus intii aan la qaadan xuriyadda waa la soo hadal qaadey nidaam federal ah laakin waa la arkey lana fahmey ku fulintiisa Somalia.
Baahida Ethopia ka dowlad iyo jiritaan ba ah ku gabasho nidaam federal ah waana tan ey ku gaartey xuduud iyo dul eyan laheyn. Dowlad iyo xuriyad maqaar saar ah ayaa Somalidii Ethopia lagu qanciyey. Madaxweyne dad iyo dal leh oo hoose taga R/wasaare Ethopian ah sida kan Puntland , Somaliland iyo kan sheegta Somalia oo Dhan. Nidaamkaas oo Ethopia ka ah Federal waxay ku fuliyeen Somalia isagoo ah maamul goboleysi. Waxaa cajiib ah sida loo buunbiniyo wada shaqeynta dowladda Ethopia , deris wanaaga , walaaltanimada labada dal iyo dad , muhiimadda ganacsiga iyo inkalo baden. Waxay taasi keentey in jabhadihii ONL , OSF ,WSLF ...... ey waayaan gabbaad iyo garab balse lagu xirey Somalia loona doofiyey Ethopia in ey maanta Ethopia saf ogu jiraan sidii ey u aqbali laheyd loona sameyn lahaa astur lagu magacaabo heshiis dhex maray Ethopia iyo jabhadihii ka soo hurjeedey..............
Yaa kalifey soortana geliyey in baahidaas qiimaha weyn leh u hirgasho Ethopia? SSC oo maanta laga maqlo Puntland waa wajigii kowaad ee lagu qeybin lahaa Somaliland laguna dejin lahaa colaada qabiil ee Puntland iyo Somaliland. Ogow hurey ayey u jirtey SSC ogow sidii hurey loo caburiyey maantana la caburiyo lana ceyriyo siyaasinta ka soo jeeda Ssc ee jooga Puntland iyo sida labada cabburin u kala duwan yihiin. Ethopia ayaa buurka ka jafeysa una ololeyn doonta markii waqtigu oggolaadu si maamul goboleed ka madax bannaan Puntland iyo Somaliland loo dhiso ee ah Sscland.
Akhriste wali waxbaa dhiman mana sorowbeyso in Puntland iyo Somaliland ey u jiraan si wadan lagu tilmaami karo isbedel qoomiyadeedna keeni kara mustaqbalka waana muhiim in labada la yareeyo tayo dul iyo tiro dad. Sscland ama Seylacland hadaad maqashid ha nixin hana nixin haddaad maqashid bardacadland. Shaley waxaan maqley Waax iyo Waadland walina ma baarin mana aanan fahmin.
Ahlusunna waljamaaca ayaduna feeri sida loo kala qeybiyey maxaad ka felin godolada hoos taga.
Ethopia arrinteedu waa maanta maxaad qeybin oo aad qaban karta berina aad kaga hurtigi kartaa waana in samir iyo waqti la adeegsadaa watta ciyaarta Ethopia. U samir kuna dheere waqtiga colaada iyo dagaal joog sugna Alshabaad iyo wixii la mid ah.......................
Akhriste ogow marka aad qiyaasi weydid xadidi weydid baahida ku heysaa qiimaha ey kugu fariisan waxaad dhaxaasho musiibo ka weyn baahidii ku heysey ee aad u raadineysey xalka.
Markii qof waliba u cararey hurtiis doonis baahi na heysey/heysa waa tan nagu khasabtey in eynu qoxooti ugu/ku noqonnu gudaha wadanka iyo meelo baden oo kala duwan kalana fog . Ka carararka wadanka kuma eka badbaadin naf maxaa wacey ogaansho la'aanta khatarta iyo u bareerka xaalad qax iyo qaxootinimo ayaa ah ayaduna mid wadatta halaag iyo geeri. Qaadashada go'aan ah in la qaxo kuma koobna baahi qab qaxootinimo laakin waa mib la isku khasbey xeendaabkuna yahay helitaan nabed iyo gabaad nasiimo. Maanta haddan Somali nahay kuwa jooga wadankii qax kama baxaan kuwa bannaank ku noolna dayac nafsaane ah oo leh faaruq qalbi oo eyan aqoon buuxinteed kama baxaan iyo dayac ilmo iyo.............. Fulinta iyo garashada in qax baahi loo qabo la garey lana fuleh ; laakinse waxaa cajiib ah in ummaddu fahmi weydey kana midoobi weydey baahida ka hurtagga musiibada iyo burburka iyo baahida in nabed lagu joogu wadanka. Ka sii darane in is aaminta una hurta naftooda ummad la waa.............
Musiibadu waa markii ey baahidu ka itaal roonato adamiga ama qofka noqotana aragti gaaban oo hagta garashadiisa caqli ee fahan nolol iyo dareen hawo aduun oo ku kooban shakhsi ahaantiisa.
Wadanka gudihiisa ogu hureyn xaqqiqdu waa in xaaladdu isu rogtey balwo nafeed ama qancin naf oo aan laheyn xad xira. Waqtiga dheer ee halaaga lagu jirey iyo niyad jabka joogta ah baa ka dhigey ummad mid aan kalsooni ku qabin mustaqbil wadan waana musiibada ogu culus ee ummadi ka dhaxasho dagaal sukeeye iyo hogaan xumada siyaasinta oo joogta ah.
Haddii shacabku qax aaminey kan/kuwa siyaasi isku sheega Somaaliya ma ahaa kuwa ku xiran hadaf dheer iyo aragtida musiibada ummade ee waa mid ku kooban naftiisa u meel helid iyo dhaqaale doon. Heliste dhaqaale laga helo camal siyaasad waa camalka kali ah ee si joogta ah u hirgeley haddii kan hantey uu leeyahay cudud qabiil ama ciidan u dhifaaca. Camalka labaad ee hirgeley waa NGO-yada kii/kuwa wax ka heley una hirgeshey ha noqdaan dugsiyo iyo wixii la mid ah ; waa markii la feeriyo danta guud wax u qabashadeed.
Siyaasiga Somaliyeed baahidiis iyo baahida ummadda uu sheegto in uu mas'uul ka yahay aad bey u kala fog yihiin; maxaa wacay ma hanan karo u adeeg ummadeed madaama uusan ka soo dhex bixin ummadda dhibaateysan ee uu laakin yahay kan/kuwa abuurey dhibaatada iyo halaaga. Runtu waxay tahay in siyaasiga Somalia maanta uu aad u og-yahay una aaminsan yahay in uusan u adeegi karin ummadda una huri karin ka hurmarinta tiisa ; sababto ah kuma qabo kalsooni in uu ka heli karo ummadda tageero iyo garab istaag. Hurta si u soo baxaa siyaasi dhowrsi ma ku leeyihiin shacab weynaha Somaliyeed? Akhriste ila jalleec hab dhiska siyaasinteena iyo sida ey ku soo baxeen una hanteen hoggaanka siyaasadda ; ila arag ka hur xaaladda ey ku jireen iyo in ey ahaayeen kuwa u adeegi jirey : taa haddi la waayo ma yihiin kuwa ka fog kana dheer akhlaaq ahaan ku wareega iyo dhifaaca mansab iyo kooxeysi ku dhisan in isku dan ah iskuna nool. Siyaasintii hure ee qurba-joog iyo wadanka ha tirsan ; inta aad ku aragtid agagaarka siyaasinta cusub ee hana qaadey 1992 waa kuwa la mid ah kuwa ey hoos harsadaan. Maanta ma lahaa ummaddu siayaasiin hoos harsada ummadda ey mathalaan.
Akhriste habka lagu noqdu siyaasi Somalia laguna hantu hogaan la mood leh awood cudud waa la'haanshaha koox hubeysan. Kuliyadda ama jamacadda uu ka soo baxo siyaasi ama hoggaamiye maanta Somalia waa lahaansho koox hubeysan iyo awood diidmo arrin ama baaq isla markaasna uu leh awood dagaal iyo diig daata. Political platform-ka ayaa ah ma ridi kartaa xabad waxna ma diidi kartaa?
Waxaad aragtaa in laga maarmey in ummadda laga doono dhismo dowladeed; waxaad aragtaa in dhaqaalaha lagu dhisu laguna howl geliyo dowlad laga helo bannaanka, dhamaan mushaar , hub iyo shidaal. Waxaad aragta in jiritaan maamul uu yahay mid ku xirin rabitaanka bannaanka siiba Ethopia , iyo Un-ka oo lagu sharciyeestu maamulista Somalia iyo dowlad u dhisideeda. Waxaad aragta xanuunka iyo dooda ugu adag siyaasinteena ey tahay mushaar la'aanta dhowr billood siiba baarlamaanka. Beenta iyo ballan qaadka aan dhamaan oo ah mid ku xiran dagaal gal iyo xureyn magalaada xamar oo joogta ah ; yaase laga xureyn yaase loo xureyn? Isu tanaasul la'aanta walow ey maanta inta sheegatta dowladnimada iyo inta ku ridda xabadu ey ahaayeen walaal islahaa siyaasiyan iyo mabda'a ku dhiqadda ummadda shareecada Islaamka. Waa cajiib in baahidu tahay dareen laakin baahi qabahu uu yahay kan xakameeya hagana baahidiisa. Waxaa cajiib ah in isbedelku ka yimaadu qofka ee uusan ka imaan dareenka baahidisa runta ah oo ah qarannimo iyo badbaadinta ummadda iyo dalka Somalia; maxaa wacey waxaad u baahan tahay waad taqaan waana taqaan waxa fiican waxaa xun waxay ey kala yihiin.
Waxaa aad u xanuun baden oo aan lala seexan karin fursadda la siiyey Ethopia loona siiyey in ey Somalia gacanteeda gasho.
Markaan feeriyey hammiga iyo u hallac taaga siyaasinteena doonista mansab aan laheyn mudnaan iyo howl fulin sida loogu qamaamo : kii maanta ahaa mucaarid uu yahay muxaafad heley mansab isla markaasna ah tageere fuliya siyaasad iyo afkaar uu shaley ku ahaa mucaard. Waxaan dareemey in dowladnimo iyo sharaf qaran lagu bedeley rabitaan gaaris dhadhan gaaban kana aan gadisneyn marqaan jaad. Waxaad mudaa in la wada marqaasan yahay oo aan laga feersan hadal shaley la yiri iyo mowqif la muujiyey laguna dagaalamey sidii loo fulin lahaa. Waxaa cajiib ah hilmaanka shaley iyo u indha cadeynta mowqifka maanta. Waxaa ka sii daran in shacabkii shaley laga gadey mowqif karameysan aan la kala jecleyn lana hubo in shacab wax bedeli kara uusan jirin xasuusna eyan qiimo sameyn. Fulinta xararadd siyaseedka siyaasiga musiibadiisu kama duwana balwada qaad cunaha. Akhriste ha ila yaabin ee maanta musiibaada balwadu nagu heysu waxaad ka aragta qaadku xaaladda u na gaarsiiyey iyo baaba'inta dhamaan asaaska mujtamac taaso u gudubtey baaba'a ummadnimo. Waxaan shaki ku jirin in balwada qaadku nagu kaliftey in eynu iib geyno ilmahiina mustaqbalkooda ee cafimaad kurimo iyo mustaqbal waxbarasho oo aan loo hurin madaama helista qaadku ey tahay mid ku xiran dhaqaale loo huro ; ka waran helista mansab siyaasi maanta soo laguma iibsan lumin dhamaan sharafta ummadda iyo mustaqbalkooda dhamaan waxbarasho , caafimaad iyo.............?
Dhaqaale helista ayaa ah ayaduna mid wadatta musiibo mar haddii eysan jirin hab iyo nidaam lagu ilaaliyo laguna tabco maaliyad ama dhaqaale. La'aanta nidaam waa kan/tan ku kaliftey kan hayaa dhaqaale iyo kan doonista ogu jira in ey wada mareen/maraan xaalad kasta iyo dulinimo dulmi si loo hanto dhaqaale lagu fuliyo baahi qadar iyo qimo ahaan aad u hooseysa ee waqti kooban oo aan dhaafsiisneyn xaaladda marka uu ku jiro ; ka waran siyaasiga maanta su ku helo mansab wuxuu u maraa meel aan doofarku marin?
Ka hadalka balwada qaadku aad bey muhiim u tahay marka aad fiirisid sida mujtamaca loogu kala furfuro logana jeediyo halaaga ey ku jiraan laguna arooriyo in aan wax tar laheyn laakin geysta dhib walina ah ciidamo fuliyo xabad joogta ah iyo cudud lagu sheegto mas'uuliyad. Sido kale ayaa siyaasiinteena iyo inta isku mab'da ah logu kala furfuraa mansab laguna arooriya in yar oo an wax tar laheyn si aan loo helin wax isheysta oo leh hadaf mideysan Kala furfurka mujtamaca waa ka qattu dheeryahay wadanka gudihiisa ee waa mid fulinta laga abaabulo labada wadan ee ku qabo faa'ido dhaqaale iyo mid siyaasadeed. Waa hubal in Somalia ka hirgeshey baahi caameysey oo la noqdey mujtamac aad u liita; kuna mashqoolsan helista in yar; isla markaasna siyaasin ku sheeguna ka fa'ideystaan. Waxa la abuurey baahi joogta ah iyo doonis dhaqaale oo aan loo heyn camal la qabto Howl la qabtu iyo camal baa lagu hanan karaa baahi.
Macno ma lahaa mar haddii nolol doonisteed ey noqotu maalin dereg mana noqottu mid buuxisa baahidiisa kan dooney maalin dereg ; sidoo kale qooxti ku noqo wadan kale ama agagaarka gurigaaga ama wadanka gudihiisa mana xallisu musiibada laga wada cararey. Taasi waxay furtaa/furtey in mujtamac dhan oo buuxa garasho iyo muqaal ey u xirmaan in yar oo aan laheyn rajo badba'din leh ama garasho musiibada lagu jiro. Waxaa cajiib ah haddaan nahay somali eynu nahay ummad meel u fiyoobi eyan jirin maxaa wacay baahi xumade na heysaa waxaa noo racaa xishoodkii oo eynu ka tagney. Waxaan rajeynayaa Akhriste in aadan ila yaabin ee ila feeri hoos ahaan sida eynu nahay iyo sida eynaan isugu turin kuna faraxno halaag haleeley qeyb inaga mid ah iyo ku faanka inta la deley oo leh carruur iyo waayeel lana sheegtey in janno lagu heley dilkooda iyo qaxooda. Xishoodku waa asturka adami kana qaalisan dharka la xirto ee la isku asturo. Xishoodku waa asturka runta ah waana akhlaaq ; akhlaaqi waa xishood ; xishood kii hela helyey dhamaan baahi aduun iyo mid akhiro. Xishoodku waa buuxin nidaam isu dheeli-tirsan oo leh qadarin iyo maamuus ha noqottu xaalad dagaal ama mid nabadeed. Mar haddii xishood la waayo waa bubaal aan shaki laheyn in is dhaxyaac iyo fowdu caameysa ey tahay bedelka la fi'sho loona magan galo.
Ogu dhambeyn Illaahey wuxuu aadamiga ugu manna sheegtaa labada waqti ee ah maalinta iyo habeenka. Maxa wacay waa waqti kan laga fa'ideystu laguna caabadu Illaahey ; waa waqti kan huromar laga sameeyo laguna sameeyo ; waa waqti ka ah wareega cumri ee aadami tirsadu intey u gaartaba ; waana waqti kan Illaahey noo qabtey isla markaasna uu nagu xisaabin doono sida aan ka yeelney una dhaqan gelineyn itaal iyo aqoon cilmi iyo waayo aragnimo la kasbadey. Waxaan shaki ku jirin in eynu soo marney waqti dheer oo cadaab ah laakinse eynaan ka fa'ideysan kana weecan jidkii iyo nidaamkii na dhaxal siiyey halaaga iyo baaba'a. Waxaan shaki laheyn in qof walba oo somaali ah ka buuxa ka hadalka iyo tillmaamin musiibada na heysa isla markaasna uu u leeyahay awood sheegid xal u helid. Waxaa aad u adag u istaaqa iyo hergelinta soo saas ma ahaa akhriste? Ka hur imaanshaha kuwa wada kana danbeeya musiibada ayaa lagu arkaa indho iyo fahan kala gedisan walow isku si dabku u gaarey dhamaan.
Allow sahal nin aan saxiib nahay baa qorey " Dadku wax walba wey ogyihiin dhamaantood ha joogan wadan ama baanaanka, dibane ha ahaadu ama usan aheyn, faqiir ama curyaan indho la', wuxuu rabo ha ahaadu aqoonyahan ama jaahil dhamaanteyn diyaar uma nihin in wax isdelelaan sababto ah meel baan u kala xaglineynaa isku ujjeedu manahin walow eynu isku xanuun nahay.
Wa Billaahi Towfiiq
Dhoore
Maqaal "HURTA UMMADDA IYO SIYAASINTEEDU MA IS KU BAAHI BAA??"