Madaxweyne Farmaajo Oo La Kulmay Warbaahinta Madaxa Bannaan + Sawirro

0
Sunday March 05, 2017 - 15:42:20 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1570
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo Oo La Kulmay Warbaahinta Madaxa Bannaan + Sawirro

    Madaxweynaha Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay maamulka iyo tifaftireyaasha warbaahinta madaxa bannaan ee dalka iyo ururrada ay ku midaysanyihiin suxufiyiinta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay maamulka iyo tifaftireyaasha warbaahinta madaxa bannaan ee dalka iyo ururrada ay ku midaysanyihiin suxufiyiinta.

Madaxweynaha oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in warbaahinta madaxa bannaan ay kusoo shaqeeysay duruufo aad u adag, isaga oo uga mahadceliyay sidii ay u garab istaageen xilligii uu ahaa Ra’iisul Wasaaraha, oo ay xukuumaddiisa dagaal adag kula jirtay kooxda argagixisada ah ee Al Shabaab .

Dagalkaas ayaa markii dambe looga xorreeyey argagixisada magaalada Muqdisho iyo gobollada qaar.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray eheladda iyo qaraabada saxafiyiintii Soomaliyeed ee naftooda u waayey sidii dalkan u gaari lahaa nabad, islamarkaanna dhallinyarada Soomaaliyeed looga wacyigelin lahaa afkaaraha gurracan ee kooxaha aragagixisada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri "Waxaa xaqiiqo ah inaad dhibaatooyin badan la kulanteen si la idinka hor istaago inaad bulshada u gudbisaan runta.

Masuuliyad iyo waajibaad idin saaran ayaa jira, dowladdana masuuliyad iyo waajibaad saaran baa jira sidaad darteed waa inaan iska kaashannaa sidii aan dalkeenna u nabadeyn lahayn.”

Madaxweynaha ayaa u ballan qaaday bahda saxaafadda in ay dowladdiisu diyaar u tahay in ay wada shaqeyn buuxda la yeelato, waxa uuna ka codsaday in ay dhankooda kaalin mug leh ka qaataan wacyigelinta bulshada ee xagjirnimada, abaaraha iyo la dagaallanka musuqmaasuqa.”

-Dhammaad-

Shador Haji
Agaasimaha Warfaafinta
Madaxtooyada Soomaaliya
E-mail: shadorhaji@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip