Habeenimadii xalay ayaa waxaa dhacay qaar kulamada is reeb reeb-ka ee lugta koowaad iyadoo caawana qeybta kale oo iyana lugta koowad ah
Kulamadii xalay dhacay iyo sida looga kala badiyey
Zenit St.Petersburg 1-0 Auxerre. kooxda Zenit daqiiqadii sadaxaad ee ciyaarta waxaa goolka guusha u dhaliyey ciyaaryahaan Kerzhove lugta waxaa uu ka dhici doonaa xaafada kooxda Auxerre.
Dynamo Kyiv 1-1 Ajax Amestardam. goolasha waxaa u kala dhaliyey ciyaaryahaanada J.Vertonghen oo Ajax ah oo daqiiqadii 57-aaad ciyaarta kooxdiisa u dhaliyey dhinaca kalena ciyaaryahaan O Gusev ayaa waxa uu kooxdiisa Dynamo Kyive u dhaliyey goolka bareejada daqiiqadii 66-aad ee ciyaarta waxa ciyaarta kaara cas qaatay ciyaaryahaan Garmash oo Kyive ka tirsan lugta labaad waxa ay ka dhici doontaa xaafada Ajax.
Rosenborg 2-1 FC Copenhegen. Rosenborg waxaa labada gool u kala dhaliyey daqiiqadihii 23-aad iyo 57-aad ciyarnada kala ah S.Iversen iyo M.Hemriksen dhinaca kalena waxaa goolka qura u dhaliyey J.Gronkjear lugta xigta guriga Copnenhegen oo ka dhici doonaa
Sparta Prague 0-2 Zilina. kooxda Zilina waxaa labada gool u kala dhaliyey M Ceesey daqiiqadii 51-aad iyo T.Oravec oo isna daqiiqadii 73 ciyaarta soo qatimay lugta xigta xaafada Zilina ayaa lagu ballansan yahay
Young Boys Bern 3-2 Tottenham. kooxda Young Boys waxaa sadaxda gool ukala dhaliyey daqiiqadihii 4-aad,13-aad iyo 29-aad ciyaaryahaanada kala ah S.lulic, H.Bienvenu iyo X. Hochstrasser dhinaca Tottenham waxaa u kala dhaliyey S. Bassong iyo R. Pavlyuchenko daqiiqadihii 42-aad iyo 83-aad lugta xigtana waxaa lagu ballansanyahay hoyga Tottenham
Qeybta caawa ballansan
Basel Vs Fc Sheriff
Braga Vs Sevilla
Partizan Belgrade Vs Anderlecht
RB Salzburg Vs Hapoel Tel Aviv
Werder Bremen Vs Sampadoria
Kooxda bremen waxaa ay caawa wajihi doontaa Sampadoria iyadoo uusan uusaneyn ciyaaryahaan Mesut Ozil oo uwareegitaankiisa Real Madrid la dhameystiray.
Ciyaartoyda ay macquulka tahay in ay labada koox ee Bremen iyo Sampadoria caawa u kala saftaan
Bremen: Wiese; Fritz, Mertesacker, Pasanen, Boenisch; Bargfrede, Frings, Hunt, Marin; Almeida iyo Pizarro
Sampadoria: Curci; Stankevicius, Lucchini, Gastaldello, Ziegler; Semioli, Tissone, Palombo, Mannini; Cassano; Pazzini
Kulamadaan dhamaan waxa ay soo galayaan saacada geeska Africa marka ay tahay 11-ka fiidnimo oo rubi dhiman 10:45 natijooyinka kulamadaan kala soco warsheekh.com
Qoray
cali Sh Axmed (Caliyare)
Natiijooyinka kulamadii Is reeb reebka Champion-ka ee xalay dhacay iyo kulamada caawa dhacayo
Is reeb reebka Champion-ka Yurub oo ay aalaaba ciyaaraan kooxaha aan sida tooska ah u aadin Champions League Yurub sida dalalka afarta koox ee usoo baxaan champion-ka Talyaaniga , Spain iyo Ingiriiska oo kooxaha kaalinta faraad ka gala ay is reeb ree