Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay Sh. C/raxmaan Sh. Muxudiin Celi oo hogaaminaayey wafdiga ka yimid dalka Sweden isla markaana ka soo jeeda qoys ahlu diin ah. Sheekh C/raxamaan oo naf ahaantiisa ka mid culumada iyo aqoonyahanada cilmigooda aad loogu qadariyo ayaa halkaas ummadii shirka ka soo qeyb gashay si diiniyan iyo maadiba ugu tusaaleeyey waxa waajibku ku ah in shaqsiga uu kaga qeyb qaadan karo dib u agaasinka iyo midnimada dadka uu ka dhashay.
Sidoo kale waxaa hadalka lagu wareejiyey Injineer Max’ud Xuseen Moogge (Captain Moghe) oo ka mid ahaa wafdiga ka yimid Sweden. Wuxuuna aad ugu nuux nuuxsaday qiimaha ay midnimo Mudulood leedahay, wuxuuna ka dhawaajiyey in dhibaatada hadda dalka ka jirta ay tahay miraha tafaraaruqa hoose iyo is fiirsashada Muduloddod dhexdiisa ee 20 kii sanno ee u dambeysay dhaqanka noqotay:
”Hadda waxaa loo baahan yahay inta faraaruqa laga gudbo loona gudbo sida loo mideeyn lahaa fikirka guud ee Mudulood , mar walbana la qaato fikrad walba oo wanaag ah oo ka fiican tii hore loo heystay. Waa in fikir mideynta Mudulood aan qofna marti ka noqon qofna loo martin. Haddii taas la qaato waxaa halkaas ka soo baxaaya natiijo waarta oo umadda oo dhan u riyaaqaan” ayuu yiri Kabtan Mooge.
Barnaamijka qeybtiisa gebagebada ayaa codbaahiyaha lagu wareejiyey C/risaaaq Xuseen Jeeyte oo hogaaminaayey ergada ka timid Jarmalka isla markaana ahaa isku xiraha guud ee ka soo shaqeeyey hirgelinta kulankan. Mudane Jeeyte ayaa isla mar ahaantaa khadka taleefanka ee dalka Jarmalka ku soo xiray Ugaaska Beesha Mudulood oo ah Duubka labaad ee lagu qadariyo caado dhaqameedka soo jireen ka ah. Cali Ugaas Cabdulle ayaa salaan ka dib dadkii goobta fadhiyey ku guubaabiyey in shaqsi walba xil iska saaro sida lagu heli karo midnimo, wuxuu ka loo sheegay in midnimada hoos laga soo bilaabaa ay wada saameeyn doonto iinsha llaah dhamaan dalka soomaaliyeed ka dibna wuxuu si guud ugu duceeyey in Soomaaliya dhibaatada uu Alle ka qaado.
Intaas ka dib Cabdirisaaq Jeeyte wuxuu qalin weyn hoosta kaga xariiqay inaan Mudulood kala maarmin: Wuxuu yiri haddii la rabo in la ciribtiro murugada hadda dalka ka jirta waa in shaqsi walba oo talaabo wanaagsan qaaday lagu biiriyo fikirka mideynta Mudulood oo siduu hadalka u dhigay la yiraa ”Eebow waa laguu baahan yahay la’aantaa Mudulood naf malaha adiga uu Mudulood wax ku yahay ee walaalkeeyoow fikirka noo mideey” ayuu yiri Mudane jeeyte. Wuxuu kaloona sii raaciyey in Mudulood oo horumar gaaraa ay imaanneyso markii dib loo soo celiyo is xurmeyntii iyo is cizayntii shacabka dhexdiisa taaley.
Jeeyte wuxuu tusaale u soo qaatay in isla shirkaan gacmo furan loogu fidiyo walaalaha qaaday taalaabooyin horumar leh. Wuxuuna yiri ”Walaalaha isu xilqaamay in Mudulood loo sameeyo maamul goboleed sida Waax & Waadi, Banadir State, BanaadirLand iyo haddii ay jiraan kuwa kale oo jidka ku soo jira waxay qaadeen talaabo geesinimo leh oo ay ku badbaadin karaan shacabka la duleysaday. ”Dhamaantoodna waxay mudan yihiin billad sharaf ee hadda anagaan madashan fadhiya hambalyo iyo bogaadin kal iyo laab ah ma u dirnaa”, ayuu yiri Mudane Jeeyte.
Hal mar ayaa sawaxan iyo guux weyn goobtii shirku ka socday wada hareereeyey. Guul maamul goboleed Mudulood loo sameeyo, guul fikir mideynta Mudulood iyo ereyo kale ayaa la isla jiibiyey.
Gebagabadii waxaa lagu heshiiyey in la isla wada qaado howsha ah fikir mideynta Mudulood. Waxaana goobta shirka uu ka dhacay lagu magaacaabay guddi loogu wanqalay: Contactgroup
Guddi la magacaabay oo ah lix xubnood ayaa kala ah:
1-Sheekh Muuse Nuur Sheekh Muuse ”Muuse Cade”………..Tel: 0031684632504 Holland
2-Sheekh C/raxmaan Sh. Muxudiin Celi………………………Tel: 0046704450782 Sweden
3-C/risaaq Xuseen Jeeyte………………………………………Tel: 004989-3203206 Germany
4-Xaaji Axmed Cabdulle ”Ciil Moogge”………………………Tel: 004553536999 Denmark
5-Islow Cumar Maxamed Sheekh………………………………Tel: 004526638136 Denmark
6-Xubinta Haweenka Way Banaan Tahay
Guddiga ”Contactgroup” howshoodu waa diyaarinta iyo hirgelinta sida lagu mideyn lahaa fikirka ku aadan sameynta maamul goboleed. Intaan taas la gaarin waa in guddiga ay iyagoo kaashanaaya walaalaha kor ku xusan ee talaabooyinka qaaday marka hore la xiriiraan cid walba oo wanaag ku biirin karta fikir mideynta Mudulood. Hal heyska howsha fikir mideynta Mudulood waa:
QOF MARTI AH MAJIRTO QOF LOO SOO MARTIYEYNA MA JIRTO
Go’aanadda shirka lagu qaatay oo la qodobeeyey ayaa ah:
-Dhamaan qurbajoogta waxaa loogu baaqaa inay guud ahaan ka qeyb qaataan samatabixinta dalka hooyo.
-Walaalaha kor ku xusan ee qaaday talaaboyinka wanaagsan waxa iyagana loogu baaqaa in la qabto kalafadhi weyn oo ulajeedadiisu tahay mideynta fikirka ku aadan samatabixinta dalka hooyo.
-Jaalliyada Mudulood ee Denmark waxay balan qaadaysaa marti gelinta kalafadhi loo wada dhan yahay.
-Iclaaminta kalafadhiga waxay imaan kartaa ka dib markii fikradaha la soo wada aruuriyo lana sameeyo wada tashi loo wada dhan yahay.
Warbixinta waxaa diyaariyey
Daa’uud Xuseen Ciidangale
Aarhus/Denmark
Qeybti.2aad ee Kulanka Beeha Mudulood ee Denmark