Warbixinadi ugu dambeeyay ee kulanka Madasha Qaranka

0
Tuesday May 25, 2021 - 21:07:41 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 952
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixinadi ugu dambeeyay ee kulanka Madasha Qaranka

    Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee arrimaha Doorashooyinka oo uu shir guddoominayo Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Wasaare Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa galay maalintiisi afraad, waxaana laga gaaray natiijo wanaagsan, iy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee arrimaha Doorashooyinka oo uu shir guddoominayo Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Wasaare Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa galay maalintiisi afraad, waxaana laga gaaray natiijo wanaagsan, iyadoo lagu wado in shirka la soo xiro maalinta Khamiista ah ee soo aadan.


Af-hayeenka Xukuumadda Mudane Maxamed Ibraahim Macallimuu, oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey shirka wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka oo galay maalintii afraad, waxaana uu sheegay in madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiya gobolka Banaadir ay muujiyeen biseyl sida ay u doonayaan in heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka.


"Ra’iisul wasaaraha oo had iyo jeer xudun u ahaa wadahadaladana waxaa uu ahaa qofka habeen iyo maalin ka shaqaynayey in shirku uu guuleysto” ayuu yiri Af-hayeenka Xukuumadda Mudane Maxamed Ibraahim Macallimuu.

Shirkan oo bilowday Sabtidii aynu ka soo gudubnay ayaa loogaga hadlay qodobo muddo dheer soo jiitamayay in heshiis laga gaaro waxaana haatan muuqata in shirka laga gaarayo heshiis buuxda.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip