Kursigan Anagaa iska leh, Korkiisa waxaa Qoran, Nin kale Ma Fadhiisan Karo
Waxaan doonayaa inaan fekerka dadwaynaha qaarkood halkan ku soo bandhigo qaabka
Ay u kala fog yihiin iyo sida ay afkaartoodu u kala
duwantahay qolo walibana waxay ku salayso hadafkeeda siyaasadeed iyo
nololeed. Waxay sheekadadani u dhacaysaa qaab wada sheekaysiya
Oo shaqsiyadaad metelayaa gobolada dalka ama deegaaamada
waxaana ay u dhacday sidan:-
Dareen ku joog :- Areey ma maqashay in igaarkii
ra, iisal wasaaraha ahaa xilkii iska casilay oo ninkii madaxweynaha
ahaana ka dhoofay beledka oo cariga maraykanka ka raadshay
ra,iisal wasaare cusub oo uu soo magacaabo.
Dood u joog :-War heedheh ama ha
tago ama ha joogee meeshan waxaa yaala wa 4.5 kursigana anagaa iska
leh magacayaaga ku qoran , haddee haday is fahmi waayeen ninkii hore
madaxweynaha way dhici jirtay balse sidii ragii hore yeelay waa inuu
keena nin beesha ah
Hadii kale waxaan kala noqonaynaa kalsoonida meeshayadana wax
taageero ah ka heli mahayo
Mid kale ayaan u keenaynaa mana u laha xaq inuu maraykanka ka
doono ee halkan bay dhooban yihiin nayroobi iyo emaraatka ayaa ka dhaw ee
maxaa keenay in maraykan laga raadsho
Mide kale anagu maamul ayaan leenahay maamulka ayaa soo
gudbinayaa qofka xilkaa noo qabanayaa haddee dadka wax isuguma
darsana kursigana anagaa iska leh.
Dagaal u joog:- War bal dhagaysta qoodhiin iyo
xaradiin ninkaas waxuu leeyahay ma kursiga soomaali oodhan dhexyaal ayaad
leedahay waxaa ku qorayn magacayga teeda kale 4.5 ma keligiinbaad
noqoteen mid ka mida saw magaca beeshiina laydinlama wadaago maxaad umada
u duudsiyaysaan
Anigu waxaan qabaa in madaxweynuhu maanta qorshihii
ilaa lixdankii ee
Oo ka dhigo , gedo iyo muqdiho ,ama burco iyo muqdihso , ama
boorame iyo muqdisho
ama laascaanood iyo muqdisho meelahaas kale hadduu
wax fahmayo
Diidmo u joog : Waxaasi waa waxaan soomaali
oo dhan inaan ka goosano nagu kelifay nin meel iska calaamadsanayaa ama u
haysta inuu xaq u leeyahay aniga kolay ima qusaysa balse waxaan odhan lahaa
bahasha madaxnimada ah hala wareejiyo oo miilo halaga dhigo ileen umada
soomaaliyeed waa isku mide anigaa mudan iyo anigaa madax iyo anigaa meel
haystana halayska daayo waa talo walaalnimo.
Dab u joog : Anigu waxaan meel kala soo
jeedaa ninkaa Dood u joog ee kursiga calaamadsaday isku qayb baan
nahay kumana raacsani oo waxaan taaganahay ilaa lixdankii ayaad na
hor fadhideena saaka waa maalintayadii haddii uu madaxweynuhu soo magaacaabo
nin idinka midana dowladaba ma taageerayno waxaana ku biiraynaa kooxaha
ka soo horjeedaa ileen meel aanan xaqayga ka helay waxaa dhaanta meesha aan
xaqayga ka helayo.
Dulmi u joog :- Anigu waxaan taageersanahay
fekerka saaxibkay Dab u joog oo anagana waxaa xaqayagii
qaatay ninkan madaxweynaha ah beeshiisa weligayo indhaha maanaan saarin
madaxnimo haddii waqtigiisu dhamaado oo aan qaybtayada heli wayno
hadaba angaa ugu badan kooxaha ka soo horjeedee waan sii laba jibaaraynaa
ileen nin aan xaqayga ii ogolayn inaan taageero waxaa iiga fiican ninka
xaqeyga ii ogol.
Diidmo u joog :- Waryaadhaheen soomaaliweyn
anigu waxaan idin odhan lahaa bahasha horta dagaalka ka daayaa oo qaab
kale wax ku doonaa nin waliba intuu bulshada dhexgalo ama lacag ama cod ama
qabiil ama qorshe kale haku kasbado sidaa aan hada ku dhaqano hadaan nahay reer
somaliland ka dib cod wax ku raadiyaa intaad reer hebel idinkaga dhegan
tahay u malayn maayo inaad horumar gaadhaysaan , dadkii wuu
dhamaaday dalkiina wuu burburay anaga dabkiinu waa na soo gaadhaya
oo wadnahaan farta ku haynaa .
Dood u joog : Horta adigu Diidmo u joog ha
hadlin waxaad tahay soomaali diid arintana shuqul kuma lihid waxaad kow ka
tahay dalka iyo dadka waxaa dhibka ka wada haddee nimankan kale
kuma yaqaanan ee anigaa ku garanayaa ee meeshaada joogto iska joog
intaad maqan tahay dantaydaa ku jirta oo booskan aan hada haystaad muran iga
gelin lahayde .
Dareen u joog : Areey anigu waxaan qabaa Diidmo
u joog in doorkan maanta ah Ra, iisal wasaaraha laga dhigo maxaa yeelay
bari iyo koonfur Xal soomaali nabad ku noqoto waa keeni waayeen
waayoo 20 sano ayaan raadinayay nabad waa la waayay , waxan raadinay heshiis
waa la waayay waxaan raadinay xal waa la waayay waxaan raadinay is fahan
waa la waayay markii baaritaan la sameeyay qaybtaasoo dhan waxaa la maqan
Ninkaa Diidmo u jooga markaa hal sano oo jaanis ah na siiyaa oo bal
talada adiga kaa maqan walaalkaa bay ku jirtaa baala yiri Dood u joogwaan aragnoo xaalkiisu waa kaygana anigaayska leh kaagana kula lihi
arinkaasina waxba wuu soo kordhin waayay, ee adiga ayaa lagu tijaabinayaa
markaaga hadaad keento wanaagna waqtigaa ku xusaayaa hadaad seegto
wadadana waqtigaa ku xusayaa.
Dagaal u joog : waligaa Dareen u joogoowtalo aan kugu raaco oo aan taa aad maanta sheegtay ahayn ma jirto
alaylehe waa inaan Diidmo u joog talada wax ka wadaajinaaa Dood
u joog waan aragnay aniguna hore ayaan isu naqaanay adigaan kaa
furfuri waayay maahee 20 sano waxaan isku haysanay Dareen u joogoowninkaa Dood u joog inaga daa dadka kale oo dhan baa
dhaama waxba inooma hayee hadaadse maanta ila aragtay waligaaba
goordanbe ayaad i fahmi jirtee waa ilaahay mahadii
Dayac u joog : asal waxaa nii waydiiyay aniga
wadanka wax kuma lihi miyaa idinka lee bes miyaa wax laga waydiihaa
aniga waxaa qaatay xaqaygii , Daldal u joog darajada sadexaad ilaa
lixdankii nimankaas ayaa iska haysta cid kalena ma u ogola haddii
isbedel la rabo darajada koowaadna hala wareejiyo tan labaadna Diidmo
u Joog waa ku taageersanahay , tan sadexaadna waxaa la
joogaa markaygii , aniga wax ma dilin, wax ma dhicin, dhib ma gaysan ,
hanti ma boobin yaa iga muwaadinsan, wax lay gaysto maahee waxba cid uma gaysan
, saasay tahayna
cid walba waxaan leeyahay cafi iyo musaamax waxaan rabaa
meel nabada aan beertayda ku fasho , gaari gacankayga ku wato muufaydayda ku
cunoo oo nabada ee ma laydinka helayaa soomaliweyneey.
Diidmo u joog : Nimanyahoow Go,aankaaan
qaatayna kama noqon karo oo meeshaan tegay way fogtahay maaha
meel ciyaar ciyaar looga soo noqon karo , nimankiinan aan arkona
mar labaad wax kuma darsan karo dhibkiinana ma eegi karo oo way i
dhibaysaa , waan ka soo tashanayaa waxaanse ka baqayaa inaad wali suuldaaradii
lixdankii wadaan ee bal waa inoo kulankeena danbe iyo soomaaliyeey.
Dulmi u joog : anigu waxaan qabaa in
saaxiibkay Diidmo u joog ka dhawaajiyay hada layska dhaafo oo aan la
dhibaatayn waa nabdoonyahay, balse jagada nimanka kale loo dhiibo
hadhoowna haddii isbedel yimaado Diidmo u joog jagadiisaa sidaas
ku qaato , Dood u joogna isagana waa walaalkeen ee uu samro intii
loo soo samray oo 50 sano sugo ileen nus qarni ayuu safka hore
ahaaye Dareen u joogna hadduu maanta ka dego
isaguna nusqarni kale sugo ileen waa ka dhergee
Dagaal u joogna 10 sano sugo ileen wuu arkay
ninka booskaas u banaanyahay waa aniga iyo nin kale oo maqan hada haddii
aan madaxweynaha helnona waxaad ogaataan cid danbe is khilaafi mayso
Daldal u joog :- aniga kursigaygaa shan sano
ayaa u hartay mana ku jiro gorgortan ee Dayac u joog waxaanh ku
dhihi lahaa meel kale raadso maxaa tayda ku tusay oo kuu diiday
jagooyinka kale ee laysku haysto.
Dadkii madaxuu isla galay
Doodiina cirkay jirtaa
Damacuna waa xad dhaaf
Dalkiina wali dowlad ma leh
Dadkii dibaduu u qaxay
Duunyaa lagu muransan yahay
Darajiyo magac aanan jirin
Dab iyo qalabay sitaan
Dagaal bay wali wadaan
Nin daacada lagama helo
Mid diin wada lagama helo
Mid daahira hadalkii daa
Dawakhuu wuu sii kordhoo
Dooduna wali waa sidii
Dawgii wali looma helin
Dadkeenu u degi lahaa
Dalkeenu ku degi lahaa
Dadnimo lagu hanan lahaa
Dowlad ugu iman lahayd.
Fiiro Gaara :- ma jirto cid gaara oo aan
qoraalkan ugu danleeyahay balse waa afkaar aan uruuriyay iyo qolo walba iyo
koox walba iyo deegaan walba fekerka uu qabo oo aan qoraal ahaan ku muujiiyay
Waxii khalada ee ku jira waxaan u ahay diyaar
sixitaankeeda waxii feker ah ee laygu soo biiraninayona waxaan u ahay
diyaar .
La Soco Qaybaha Danbe
Waa Qalinkii
C/raxiim Hilowle Galayr
Galayr1977@hotmail.com
Qoraal ruwayaded oo ka Hadlayaa ismandhaafka siyasada Som