Madaxweynaha cusub ee dalka Masar Max’ed Mursi oo ka hadlayay siyaasadda Dowladda Masar kaga aaddan qaaradda Afrika ayaa waxaa uu si wayn ugu hadlay dowrka Dowladda Masar ay ku yeellan karto bad baadinta qaranka Soomaaliyeed.

Max’ed Mursi ayaa waxa uu tibaaxay in Masar ay garab taagan tahay Dowladda Soomaaliya islamarkaana ay ka qeyb qaadanayso sidii loo xallin lahaa dhibaatooyinka isugu jira siyaasadda iyo ammaan darrida ka taagan Soomaaliya.
“Soomaaliya oo midowda islamarkaana yeelata Dowlad midnimo qaran waxay la micno tahay, Soomaalida ku hoos nool gobolada ay Maamulaan dalalka Ethiopia iyo Kenya oo laga dul qaaday dhibaatada haysata” sidaasi waxa yiri Madaxweyne Mursi.
Sidoo kale Madaxweyanaha ayaa waxa uu tibaaxay in Soomaaliya loo baahan yahay in laga taageero dhinacyada ammaanka iyo dhaqaalaha, islamarkaana Beesha Caalamka ay ka hortagto sidii aysan qas iyo jahwareer u dhicin xilliga Kala-guurka ah.
Ugu dambeyn Dowladda Masar ayaa waxa ay qeyb ka tahay dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya islamarkaana ka qeyb qaadatay dhibaatadii bini’aadannimo ee ku dhufatay Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Madaxweyne Mursi Oo Kahadlay Siyasada Somaliya