CUTUBYADA 1AAD — 7AAD - Waxaan dadaal weyn u galay inaan Dadka Soomaalida ah iyo dadka kale ee daneeyo Arimaha Soomaaliya aan usoo bandhigo Xeerka (Dastuurka) Qabyo Qoraal ee la sheegay in la dhameystiray 20-kii Abriilo ee sanadka 2012, waxaana FAR WAA WEYN KU QORAY Qeybaha Leysku Dhagrayo Ee Ku Qoran Xeerkan (Dastuurkan), iyadoo aanan laga beensheegin xeerkan isla markaana ay xaq tahay in la tuso Dadka Soomaalida ah iyo dadka kale ee daneeyo Arimaha Soomaaliya, si loo helo garsoor (Cadaalad). Maxaa yeelay, in Qaranka Soomaaliya uu dumiyo waxaa keenay garsoor darro (Cadaalad darro) ee leysku sameynayey 21-dii sano ee uu Soomaaliya xooga ku haaystay Kelitaliye (Diktatoore) Maxamed Siyaad Barre iyo intii ku taageertay garsoor darrada (Cadaalad darrada) uu sameynayey. Sidaasi darteed, hoos ayaa lagu qoray Qeybaha Leysku Dhagrayo Ee Ku Qoran Xeerkan iyadoo FAR WAA WEYN AH ee hoos ka aqrista idinkoo aad iyo aad ugu mahadsan.
CUTUBKA 1AAD - (BAAQA JAMHUURIYADDA)
Qodobka 1aad - Mabaadi'da Asaasiga
1. Dastuurka Soomaaliya waxaa saldhig u ah Quraanka kariimka ah iyo
Sunnada Nabi Muxammed (scw), wuxuuna hormarinayaa maqaasidda shareecada
iyo cadaaladda bulshada.
2. Soomaaliya waa dal Islaam ah, DADKIISUNA KU ABTIRSADAAN DUNIDA
CARABTA IYO AFRIKAANKA?. Maxaa keenay in sidan la qoro ileyn Soomaali,
Soomaali uun bay tahay sida Carab ay Carab u yihiin, sida Afrikaan uu
Afrikaan u yahay? Soomaaliya, Soomaali baa leh, ayaa ku filan.
3. Dastuurka Soomaaliya wuxuu dhiirrigelinayaa xuquuqda aadanaha,
talinta sharciga, shuruudaha guud ee xeerka caalamiga ah, cadaaladda,
xukuumad loo dhan yahah oo ku dhisan wadatashi, kal-soocidda awoodaha
sharcidejinta, fulinta iyo garsoor madaxbanaan oo leh hannaan ku dhisan
la-xisaabtan iyo hufnaan oo ka jawaabaya danaha dadweynaha.
4. Haweenku waa in ay ka mid noqdaan dhammaan hay’adaha guud ee
qaranka, gaar ahaan jagooyinka laysu doorto iyo kuwa laysu magacaabo ee
saddexda laamood ee dowladda iyo Guddiyada madaxabannaan ee Qaranka.
Qodobka 2aad — Dowladda iyo Diinta
1. Islaamku waa Diinta Dowladda.
2. Diin aan ahayn Islaamka laguma faafin karo dalka.
3. Lama soo saari karo sharci aan waafaqsanayn Mabaadi’da Guud ee Shareecada Islaamka iyo Maqaasiddeeda (Ujeeddooyinkeeda).
Qodobka 3aad — Sarraynta Dastuurka
1. Dastuurka Soomaaliya oo ku salaysan mabaadii’da shareecada Islaamku
waa sharciga dalka ugu sarreeya, isaga ayay xukuumaddu u
hoggaansamaysaa, wuxuuna hagayaa siyaasaddaha iyo go’aannada qaybaha
xukuumadda oo dhan.
2. Sida ku xusan Cutubka tobnaad ee Dastuurka, maxkamad ayaa burin
karta sharci kasta ama tallaabo maamul oo ka soo horjeedda Dastuurka.
Qodobka 4aad — Gobannimada Jamhuuriyadda
1. Soomaaliya waa Jamhuuriyad Federaali ah oo gob ah, kuna dhisan matilaad dadweyne loo dhan yahay oo dimoqraaddi ah.
2. Shacbiga Soomaaliya waa hal, lamana kala qaybin karo.
3. Gobannimada Jamhuuriyadda Soomaaliya waa muqaddas laguma-xadgudbaan ah.
Qodobka 5aad — Afka Rasmiga ah
1. Afka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waa Af-soomaaliga oo ka
kooban: Maxaa tiri, MAAY TIRI IYO CARABI SIDA KU CAD JADWALKA?. Maxaa
keenay in Af Carabi oo af shisheeye ah la yiraahdo waa afka rasmiga Ee
Jamhuuriyadda Soomaaliya? Qodobkan waxaa ku cad in ujeedo gaar ah laga
leeyahay, taa oo hada lagu muujinayo waxa laga dhigi doono Dadka
Soomaaliyeed oo af u gaar hada leh. Waxaa la doonayaa in laga dhigo
Dadka Soomaaliya sida Dadka Waqooyiga Suudaan oo uu afkooda hooyo
haatan noqday Af Carabi, iyagoo markoodii hore lahaa af kale oo iyaga u
gaar ah. Sidaas darteed, lama qaadan karo oo waa meel kaga dhac. Tan
kale, Afka Maay, waa Afguri (Lahjo: Af Carabi) oo ay ku hadlaan Beel
Soomaali ah. Hadii marka Afguriga Beeleed uu Soomaaliya ka noqonayo af
rasmi ah, waxaa marka haboon in beel kastaa oo Soomaali ah in laga
dhigo afgurigeeda (Lahjodeeda) af rasmi ka ah ah Dalka Soomaaliya.
Dhinaca kale, waxaa qodobkan ku cad in laga dhigayo Dadka Soomaaliya
dad kala duwan, taana waxey irdaha u fureysaa iney u kala tegi karaan
ayaaha dambe sidii ay Jamhuuriyaddii Hore Ee Yuguslaafiya ay ugu kala
tagtay lixda qeybood.
Qodobka 6aad — Astaanka Qaranka
1. Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, sida lagu muujiyay qaybta A ee
jadwalka koowaad, WAALAYDI BULUUG FURAN AH? (Oo see ah?) oo dhexda kaga
taal xiddig cad oo shangees ah, madaxyo simanna leh.
2. Astaanta Jamhuuriyadda Soomaaliya, sida lagu muujiyey qaybta B ee
jadwalka koowaad, waxay ka kooban tahay gaashaan BULUUG AH? (Buluug
kee?) oo leh xiddaayad dahabi ah, dhexdana ku leh xiddig shangees ah oo
dheeh qalin ah leh. Gaashaanka dushiisa waxaa ku yaal RURKUMO CARBEED?
(Carbeed, maxaa loola jeedaa?) oo xardhan, lehna shan madax oo dahabi
ah oo labada geesba ku yaalliin ay kala qaaran yihiin. Hareeraha waxaa
ka haya laba shabeel oo isu tusmaysan, kuna kala taagan labo waran oo
isku weydaarsan caaradda hoose ee gaashaanka, ayna weheliyaan laba
caleen-cawbaar, diillin cadna ay ku qoofalan tahay.
3. Sharci gaar ah ayaa laga soo saarayaa Heesta Qaranka.
4. Sharci gaar ah ayaa laga soo saarayaa billadaha sharafta.
5. Baarlamaanka ayaa soo saaraya sharciga maamuuska ay mudan yihiin
calanka, heesta qaranka iyo billadaha sharafta ee Jamhuuriyadda
Federaalka ee Soomaaliya.
Qodoboka 7aad Dhulka Dowladda
1. Gobannimada Jamhuuriyadda soomaaliya waxay koobeysaa dhulka
Jamhuuriyadda oo idil, oo ay ku jiraan berriga, jasiiradaha, biyaha
goboleed, ururkooda, hawadooda iyo geyi-qaaradeedka.
2. Dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya waa laguma xad-gudbaan lamana qaybin karo.
3. Guddoon afri Qarameed oo keliya ayaa lagu oggolaan karaa waxkabeddelidda dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Qodobka 8aad — Magaalo Madaxda Qaranka
1. Muqdisho oo loo yaqaanno Xamar waa Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda
Soomaaliya. MAQAAMKA MAGAALO MADAXDU AY KU LEEDAHAY QAABDHISMEEDKA
FEDERAALKA EE JAMHUURIYADDA WUXUU KU XUSAN YAHAY CUTUBKA 7-AAD EE
DASTUURKA?. Maxaa keenay Mudisho oo loo yaqaan Xamar? Waxaa qodobkan ku
cad in Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya, Muqdisho laga
fogeynayo dadkii degenaa isla markaana loo sikinayo ama loo riixayo,
amaba loo durjinayo ‘Dad Kale’, iyadoo la cilmiyeeyay. Ujeedada ka
dambeyso marka, waxa waaye ama weeye in la sharciyeeyo in ‘Dad Kale’ ay
degenaayeen Muqdisho, si markaasi sedbursiga laga wada siman yahay uu
ugu hirgalo Qaswadayaasha Ku-qaraabto ‘Xeerka (Datuurka) Qabyo Qoraal’
ee weliba usii dacwoonayo Beesha Caalamka iyagoo gartana isa sii
siinayo.
Dalka Jarmalka waxaa ka dhacaday in ay Dad Soomaali ah u tagaan, iyagoo
ku andacoonayo iney yihiin ‘Asaligii Xamar’. Waxaa dhacday marka in
Dowladda Jarmalka ay runtii soo ogaato. Waxey Dowladda Jarmalka ay u
sheegtay dadkii sheeganayey ‘Asaligii Xamar’, in aysan iyaga aheyn
‘Asaligii Muqdisho, asiise ay ahaayeen ‘Reer Xamar’ isla markaana
Soomaaliya ku yimid kooytonimo xili aan sidaa u fogyn.
F.G. Maahi, nin qabiili ah. Ha yeeshee, waxaan ka gilgilanayaa
gardarada cadaan ah ee aanan geedka leysugu soo gamban oo ay u
bareereen ‘Qaswadayaasha Ku-qaraabanayo Xeer (Dastuur) Kusheega Qabyo
Qoraal’ oo weliba usii dacwoonayo Beesha Caalamka.
CUTUBKA 2AAD JINISIYADDA
Qodobka 9aad — Xuquuqda Gaarka ah ee Muwaaddiniinta
1. QOF KASTA OO KU DHASHA GUDAHA SOOMAALIYA, DHALASHO AHAAN WAA
SOOMAALI? (Faaffaahin dheeri ah ayaa QODOBKAN looga baahan yahay)
2. Muwaaddiniintu ayaga oo siman waxay leeyihiin:
a. Xuquuda, mudnaanta iyo faa’idooyin muwaaddinnimo; kuwaas oo Dastuurka ku xaddidan; iyo
b. Baasabboor Soomaali ah, dokumeenti diiwaangelineed iyo aqoon kasta oo ay dowladdu u soo saarto muwaaddiniinta.
3. Muwaadin kasta waxaa baasabboorka iyo dokumeentiga kale ee ku xusan
faqradda (1) (b) loogu diidi karaa ama looga laali karaa ama looga
qaadi karaa oo keliya sharci waafaqsan habraaca qodobka 43-aad.
Qodobka 10aad — Helidda iyo Haysadka Jinsiyadda
1. Jinsiyadda Soomaaliyeed waxaa lagu heli karaa dhalasho ama Soomaaliyeyn.
2. Qof jinsiyadda ku dhashay lagama qaadi karo jinsiyadda, xataa hadduu qaato jinsiyad dal kale.
3. Qof jinisiyadda ku dhashay ama la Soomaaliyeeyey iskii ayuu jinsiyadda Soomaaliyeed uga tanaasuli karaa.
4. Jinsiyadda laguma waayi karo guur ama furriin.
Qodobka 11aad — U-dhalashada Jinsiyadda
1. QOF KASTA OO KU DHASHA GUDAHA JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA, DHALASHO
AHAAN WAA SOOMAALIA? (Faaffaahin dheeri ah ayaa QODOBKAN looga baahan
yahay)
2. Qof kasta oo ku dhasha Soomaaliya dibaddeeda waa Soomaali dhalasho
ahaan, haddii ay hooyadii ama aabbihii ku dhashay Soomaaliya ama isir
ahaan Soomaali yihiin.
3. Qodobkani wuxuu si siman u saamaynayaa qof kasta oo dhashay taariikhda Dastuurka uu dhaqangalay ka hor ama kadib.
4. Ilmaha laga helo Soomaaliya oo ay da’diisu ka yar tahay siddeed-jir,
oo jinsiyaddiisa ama tan waalidkiisa aan la aqoon, waxaa loo
aqoonsanayaa inuu Soomaali yahay.
Qodobka 12aad — Muwaaddinnimada Lagu Helo Soomaaliyeynta
1. Qof kasta oo ay isqabeen ugu yaraan shan sano muwaaddin Soomaaliyeed wuxuu xaq u leeyahay inuu dalbado Soomaaliyeyn.
2. Ilmo aan muwaaddin ahayn, balse qof muwaaddin ahi soo korsaday, xaq
ayuu u leeyahay in la Soomaaliyeeyo. Waalidka korsanaya aa u dalbi kara
ama markuu 18 jirsado ayuu laftirkiisu weydiisan karaa Soomaaliyeyn.
3. Qof Shan sano oo taxane ah, si sharci ah Soomaaliya u degganaa,
buuxiyeyna shuruudaha sharciga jinsiyadda, xaq ayuu u leeyahay inuu
dalbado Soomaaliyeyn.
4. Shardiga shanta sano ee uu qofku xaq u yeelanayo in lagu
Soomaaliyeeyo guur ama degganaasho kuma xirna in uu buuxiyay ka hor ama
ka dib taariikhda dhaqangalka Dastuurka.
Qodobka 13aad — Kala-noqoshada Soomaaliyeynta
1. Qof jinsiyadda Soomaaliyeyn ku helay waa lagala noqon karaa
jinsiyadda haddii maxkamad awood sharciyeed u leh arrimahan ay ogaato
in:
a. Uu jinsiyadda ku helay been-abuur, isu-ekeynsiin wax uusan ahayn ama qarin xaqiiqo sugan;
b. In iyada oo uu dalku dagaal ku jiro, uu si aan sharci ahayn ula
ganacsado, la xiriiro, iskaashi hawleedna la yeesho cadawga oo ay
caddaato inuu si ogaal ah ugu taakuleeyey dagaalkaas;
c. Soomaaliyeyntiisa ka dib lagu xukumo khiyaano qaran ama denbi kale oo lagu mutaysan karo ugu yaraan toddobo sano oo xarig ah.
2 Qofka loo haystey in jinsiyadda uu ku helay dhalasho sida ku xusan
qodobka 11 (4), waa lagala noqon karaa jinsiyadda haddi maxkamad awood
sharci leh ay go’aamiso:
a. In uu jinsiyadda ku helay been-abuur, isu-ekeynsiin wax uusan ahayn ama qarin xaqiiqo sugan;
b. In isaga ama waalidkii dhalay la ogaado inay jinsiyad kale leeyihiin; ama
c. In da’diisu ay ka weyneyd siddeed jir markii dalka gudihiisa laga helay.
Qodobka 14aad — Sharci u Dejinta Muwaaddinnimada
1. Baarlamaanka ayaa soo saari kara sharci habeeya:-
a. Soo-gelidda dalka iyo degganaashaha dadka shisheeyaha ah;
b. Degganeyaasha joogta ah;
c. Sida qof shisheeye ku heli karo jinsiyad Soomaaliyeed;
d. Qaabka khiyaar-uga-tanaasulidda jinsiyadda;
e. Habraaca jinsiyadda Soomaaliyeynta ku timid loola noqon karo; iyo
f. Qaabka ay u dhaqan-gelayaan qodobadda ku xusan Cutubkan.
CUTUBKA 3AAD-XUQUUQDA AASAASIGA AH
Qodobka 15aad-Dhaqangelinta Xuquuqda Asaasiga Ah
1 Xuquuqda aas-aasiga ah iyo xorriyada lagu aqoonsaday cutubkan waa in
mar kasta la dhowraa marka sharci la dejinaayo, lana fulinaayo. Sidoo
kale, qof kasta, hay’adaha Dawladda ee heer kasta iyo hay’adaha gaarka
ah iyo saraakiisha dawladdu marka ay gudanayaan xilkooda waa in ay
ilaaliyaan xuquuqda ku xusan cutubkan.
2 Waajibaadka Dowladdu kuma koobna in ay dhawrto xuquuqda dadka, balse
waa in ay qaaddo tallaabooyin maangal ah oo lagu ilaalinayo in xadgudub
uga yimaado cid kale.
3 Xuquuqda lagu aqoonsaday cutubkan sharci uun baa lagu xadeyn karaa sida ku xusan Qodobka 43aad.
Qodobka 16aad-Karaamada Aadanaha
1 Xuquuqda aadanuhu waa deeq Ilaahay ugu deeqay qof kasta oo
banii’aadam ah, waana ifyaalka karaamada aadanaha. Sidaas daraadeed,
waa laguma-xadgudbaan, waana waajib saaran dadka oo dhan in ay dhowraan.
2 Awoodda Dawlada waa in aan marnaba loo adeegsan meel-uga-dhicidda karaamada aadanaha.
Qodobka 17aad-Sinnaanta
1. Dadka oo dhan sharciga waa u siman yihiin.
2 Dawladdu sinnaba qof uma takoori karto. Takooridda reebban waxaa ka
mid ah sinji, midab, qabiil, isir, qolo, asal bulshadeed, afguri ama
luqad, labnimo ama dheddignimo, meel lagu dhashay, naafannimo, diin,
siyaasad ama qabid ra’yi kale, xirfad iyo hanti.
3 Waa fal takoor ah haddi natijidiisu noqoto is-hortaag ama
ciriirigelin xaqa qofka, xataa haddii falka si ula kac ah aan loo
samayn.
4 Dowladdu uma aragto fal takoorid ah barnaamijyada loo qorsheeyey in
sinnaan buuxda lagu gaarsiiyo dad ama kooxo horay loogu geystey
takoorid ama tacaddi.
Qodobka 18aad-Xaqa Nolosha
Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay nolol.
Qodobka 19aad-Adoonsi, Midiidin iyo Ku-shaqaysi Qasab Ah
Sinnaba qof looma addoonsan karo, midiidin lagama dhigan karo, lagama ganacsan karo, qasabna looguma shaqaysan karo.
Qodobka 20aad-Xorriyada iyo Nabadgelinta Qofnimada
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay xorriyaddiisa shakhsiga ah.
2. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay nabagelyada qofnimadiisa.
Nabadgelyada qofnimo waxaa ka mid ah ka-bedbaadidda xarig sharcidarro
ah, qaab kasta oo gacan-ka-hadal ah oo uga iman kara dhinaca dawladda
ama dad gaar ah, qaab kasta oo jirdil ah iyo inuu ka nabadgalo qaab
kasta oo naxariisdarro ah, dhaqan lid ku ah aadaminnimada ama liidid ah
ama ciqaab ah.
3. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay bedqabka jirkiisa, lagumana xadgudbi
karo. Qofna laguma qasbi karo in lagu sameeyo tijaabo takhtareed ama
mid cilmibaariseed, haddii qofka ama xigtadiisa dhowi aynan oggolaanin
ama aysan jirin talo uu bixiyey xeeldheere caafimaad marka uusan qofku
sharciyan awood u lahayn inuu wax ogolaado.
4. Gudniinka Fircooniga ee haweenku waa arrin ka soo horjeedda Shareecada, waana reebban yahay.
5. Soo-rididda ilmuhu waa arrin ka soo horjedda Shareecada, waana
reebban tahay, waxaana la oggolaan karaa oo keliya marka ay
lagama-maarmaan tahay, gaar ahaan marka la bedbaadinayo nolosha hooyada.
Qodobka 21aad-Xorriyadda Abuuridda iyo Ka-mid-noqoshada Ururrada
Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu ku biiro dad kale ama urur.
Xaqaas waxaa ka mid ah inuu abaabulo ama ka mid noqdo ururro shaqaale.
Wuxuu kaloo xor u yahay in uusan cidna ku biirin, lagumana qasbi karo.
Qodobka 22aad-Xorriyadda Diinta iyo Caqiidada
1. Qof kastaa wuxuu xor u yahay in uu ku dhaqmo Diintiisa.
2. Qofka Muslimka ah kama bixi karo Diintiisa.
3. Diin aan ahayn Islaamka laguma faafin karo dalka.
Qodobka 23aad-Xorriyadda Ra’yiga
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu ra’yigiisa soo bandhigo iyo in uu qaab kasta u gudbiyo warka iyo afkaarta uu qabo.
2. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu raadsado, helana afkaar.
3. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu muujiyo hal-abuurkiisa faneed.
Qodobka 24aad-Xormada Hoyga iyo khusuusiyaadka
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in aan lagu xadgudbin hoygiisa iyo khusuusiyaadkiisa.
2. Xaqakani wuxuu qof kasta ka ilaalinayaa in baaris sharcidaro ah lagu
sameeyo hooygiisa, ama hantidiisa, ama in lagu soo duulo, ama
faraggelin iyo boob hantidiisa lagu sameeyo.
3. Xaqakani wuxuu qof kasta ka ilaalinayaa in sinnaba loo faraggeliyo war-isgaarsiintiisa iyo lahadalkiisa dadka kale.
Qodobka 25aad-Xorriyadda Kulanka, Bannaanbaxa, Cabashada iyo Codsi-wadareed
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu abaabulo, kana qayb-galo
kulammo ama bannaabax si xasilooni ah cabasho loogu muujinayo, iyada oo
aan oggolaansho loo baahnayn.
2. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu cabasho qoraal ah u gudbiyo hay’adaha Dawladda.
Qoobka 26aad-Xorriyadda Isu-socodka iyo Degitaanka
1. Qof kasta oo si sharci ah ku deggan dhulka Jumhuuriyaddu wuxuu xaq u
leeyahay in uu si xor ah u degi karo, ugu dhex-socon karo meel kasta oo
dalka ka mid ah, kana bixi karo.
2. Muwaaddin kasta wuxuu xaq u leeyahay soo-gelidda iyo joogitaanka waddanka iyo inuu helo Baasaboor.
Qodobka 27aad-Xaqa Ka-qaybgalka Siyaasadda
Muwaaddin kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu ka qayb-qaato arrimaha guud
ee dadweynaha. Xaqakan waxaa ka mid ah inuu samaysan karo xisbiyo
siyaasadeed iyo inuu ka qayb-qaadan karo hawlaha siyaasadeed ee
xisbiyada. Muwaaddinka qaangaarka ah waxaa intaa u dheer in uu si xor
ah oo caddaalad ah u dhiibto codkiisa doorashada.
Qodobka 28aad-Xorriyadda xirfadda, Shaqada iyo Mihnadda
Muwaaddin kastaa wuuxuu xaq u leeyahay in uu si xor ah u doorto xirfadda, shaqada ama mihnadda uu rabo.
Qodobka 29aad-Xiriirrada Shaqada
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo xiriir-shaqo oo caaddil ah.
2. Qof kasta oo shaqaale ahi wuxuu xaq u leeyahay inuu abuuro, kuna biiro urur shaqaale, kana qayb-galo hawlaha ururkaas.
3. Shaqaale kastaa wuxuu xaq u leeyahay shaqo-joojin.
4. Urur kasta oo shaqaale ah, mid loo-shaqeeye ah iyo shaaqealuhuba
waxay xaq u leeyihiin inay galaan gorgortan-wadareed ku saabsan
arrimaha shaqada.
Qodobka 30aad-Degaanka
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay degaan aan waxyeello u lahayn caafimaadkiisa iyo baraarihiisa nololeed.
2. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu helo degaan laga ilaaliyey wasakhda iyo waxyeellada.
3. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu wax ka helo kheyraadka
dabiiciga ah ee dalka, iyadoo laga ilaalinaayo ka-faa’ideysi xad-dhaaf
ah oo degaanka waxyeello u geysan kara.
Qodobka 31aad-Hanti
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahy in uu hanti yeesho, ku dhaqmo, kuna naalloodo.
2. Dawladdu waxay si qasab ah hanti kula wareegi kartaa marka ay jirto
dan guud, waana in la heloo magdhaw caaddil ah oo lagu heshiiyey, ama
ay maxkamadi go’aamisey.
3. Qof kasta oo hantidiisa dan guud awgeed loola wareegey wuxuu xaq u leeyahay in si degdeg ah magdhaw looga siiyo.
4. Faqradda 1, 2 iyo 3 ee qodobkan laguma dhaqayo arrimaha ku xusan qodobka 50.
Qodobka 32aad-Dhaqaalaha iyo Xuquuqda Bulshada
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay heer-nololeed habboon oo ay ka mid yihiin cunto ku filan, biyo nadiif ah iyo hoy.
2. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay dareyeel caafimaad.
3. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay daryeel bulsho oo dhammaystiran.
4. Xuquuqda lagu aqoonsaday qodobkan waxaa ka mid ah xaqa qof kastaa uu
u leeyahay inuu ilaashado, raadsado, si buuxdana xuquuqdaas u gaaro,
iyadoo aanay dawalddu ama cid kale ku soo faraggelin.
5. Xuquuqda lagu aqoonsaday qodobkan waxay dawladda ku waajibinayaan:
a. In ay hubiso inaan xuquuqdan cid kale aysan faraggelin ku yeelan; iyo
b. In ay dejiso barnaamaj hormarineed oo xuquuqdan lagu fulinaayo, hadba intii awooddeeda dhaqaale u suurraggelin karto.
Qodobka 33aad-Daryeelka Qoyska
1. Guurku waa aas-aaska qoyska, waana saldhigga bulshada, ilaalintiisuna waa waajib saaran Dawladda.
2. Dowladdu waa in ay daryeeshaa Hooyada iyo Dhallaanka.
3. Ubad kastaa wuxuu waalidkiis xaq ugu leeyahay xannaano ay ka mid
tahay waxbarasho iyo barbaarin. Haddiise xannaanadaas uu ka waayo
degaanka qoyskiisa waa in loo yeelo cid kale oo daryeesha. Isla
xuquuqdan oo kale ayay leeyihiin carruurta dariiq-joogga ah iyo kuwa
aan waalidkood la aqoonnin, Dawladda ayaana si gaar ah ugu xilsaaran
inay xuquuqdooda ilaaliso, si buuxdana ay u helaan.
4. Waalidka aan iskood isugu filnayni waxay dhashooda qaangaarka ah xaq ugu leeyihiin inay daryeelaan.
Qodobka 34aad-Caruurta
1. Ubad kastaa markuu dhasho wuxuu xaq u leeyahay inuu helo magac iyo jinsiyad.
2. Ubad kastaa wuxuu xaq u leeyahay in laga ilaaliyo dhaqan xumo, dayacaad, xadgudub ama liiditaan.
3. Carruurta looma diri karo inay qabtaan hawl, ama adeegyo aan ku
habboonayn da’dooda, ama halis gelin kara caafimaadkooda ama
koritaankooda.
4. Carruurta waxaa la xiri karaa oo keliya muddo gaaban markii la waayo
xal kale, lagumana hayn karo dadka waaweyn dhexdooda marka laga reebo
xigtada ugu dhow, waana in lagu hayaa xaalado ku habboon. Xigtada ugu
dhow carruurta waa in sida ugu dhaqsaha badan oo suurtogal ah loo
war-geliyaa.
5. Ubadku waxay xaq u lee yihiin inay helaan kaalmo qareennimo oo
kharajkeeda ay Dawladdu bixiso, si ay uga bedbaadaan dacwad kasta oo
caddaaladarro u keeni karta.
6. Carruurtu waxay xaq u lee yihiin in laga ilaaliyo, loona adeegsan dagaallada hubaysan.
7. Danta carruurta ayaa mar walba mudnaan leh markay joogto arrin kastoo maslaxaddooda khusaysa.
8. EREYGA "CARUUR" EE QODOBKAN KU XUSAN WAXAA LOOGA JEEDAA QOF DA'DIISA
KA YAR TAHAY 18 JIR? (Qeybtan laguma darin marki ay 15 jir, 16 jir, iyo
17 jir ay doonayaan iney guursadaan waxa la sameynayo).
Qodobka 35aad-Waxabarasho
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay waxbarasho.
2. XAQA WAXBARASHADA WAXAA KAMID AH TACLIIN LA RAACDO, IYADOO AY
DOWLADDU AMA CID KALE SOO FARAGELIN? (Sow dowladdu xil kama saarno iney
ogaato waxa la baranayo? Haddiise aysan dowladdu ogeyn, sow xil kama
saarno dadweynaha iney ogaadaan waxa la baranayo hadeysan ku habooneyn
in la barto isla markaana ay u gudbiso dowladdu?)
3. Dawladda waxaa ku waajib ah inay ilaaliso inaysan cid kale soo faragelin xaqa waxbarashada.
4. Dowladdu waa in ay xaqiijiso fulinta xaqa waxbarasaha carruurta ee
dugsiyada hoose/dhexe, qasabka iyo lacag la’aantana ah iyo in muwaddin
kastaa uu helo wabarasho aas-aasi ah. Waxbarashada Dugsiyada
hoose/dhexe ee Dawladda waa inay ka mid ahaadaan tacliinta Islaamka iyo
aqoonta guud.
5. Dawladda waxaa ku waajib ah inay dejiso barnaamj horumarineed oo
lagu fulinaayo xaqa waxbarashada, hadba intii awooddeeda dhaqaale
suurtogelin karto.
6. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu dhiso oo maamulo dugsiyo iyo
machadyo waxbarasho oo madax bannaan, kharajkoodana uu isagu isu qabo,
ha yeeshee hay’adaha noocaan ahi waa inay buuxiyaan shuruudaha
lagama-maarmaanka ah ee ay Dawladdu u dejisey.
Qodobak 36aad-Dhaqanka iyo Afka
1. QOF KASTA OO KAMID AH BULSHOOYINKA OO DHAQAN AHAAN AMA AF AHAAN LAGA
TIRO BADAN YAHAY WAXAY XAQ U LEEYIHIIN INAY KU DHAQMAAN HADBA DHAQANKA
AY DOOR-BIDAAN? (Sow ma haboono in qeybtan la raaciyo, iyadoo aanan
waxba loo dhimeyn Diinta Islaamka iyo Hidaha iyo Dhaqanka Soomaalida?)
2. Xuquuqda qodobkan ku xusan waa in loogu dhaqmaa si waafaqsan xuquuda aas-aasiga ah ee Dastuurkan lagu aqoonsaday.
Qodobka 37aad-Xaqa Xog-helidda
1. QOF KASTA WUXUU XAQ U LEEYAHAY IN UU HELO XOGTA AY DAWLADDU HAYSO?
(Sidee bey ku dhici kartaa in qof kasta uu helo xogta ay dowladdu
hayso? (Maxaa u qarsoonaanayo Jamhuuriyadda Soomaaliya marki qof kastaa
uu ogaado xogta ay dowladdu hayso? Waa in qeybtan dib loo eegaa)
2. QOF KASTA WUXUU XAQ U LEEYAHAY HELITAANKA XOGTA AY CID KALE HAYSO OO
LOOGU BAAHAN YAHAY IN LAGU FULIYO AMA LAGU ILAALIYO XAQ KASTA OO DAW
LOO LEEYAHAY? (Ma faahfaahsano waxa loola jeedo?)
3. Baarlamaanku waa in uu soo saaraa sharci lagu hirgelinayo xuquuqdan,
haddiise uusan jirin sharci noocaas ah, hay’adaha Dawladdu waa in ay
noqodan kuwo u illin-furan bixinta xogta looga baahan yahay intii
suurtogal ah.
Qodobka 38aad-Go’aannada Maamulka
Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay go’aannada maamul ee hay’adaha Dawladda inuu uga cawdo maxkamadaha si waafaqsan sharciga.
Qodobka 39aad-Xaqa Dacwadda iyo Isdifaaca
Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay garsoor madax bannaan, caaddil ah, aan
eex lahayn, laguna qaadayo maxkamad dadweynaha u furan, laguna galo
waqti macquul ah, ama golihii kale ee awood go’aan gaaris ah u leh:
a) Arrin kastoo ku saabsan xuquuqda iyo waajibaadka madaniga; ama
b) Fal dembiyeed kasta oo kale lagu soo oogay, ciqaabna lagu mutaysanayo.
Qodobka 40aad-Xarig, Xabsi iyo Eedayn Shakhsi
1. Qofna laguma qasbi karo dembi-qirasho.
2. Qof kasta oo la xiraa wuxuu xaq u leedahay in 48 saac gudahooda lagu horgeeyo maxkamad awood u leh.
3. Qof kasta oo xorriyaddiisa shakhsiga ah laga qaado waa in isla
markiiba la ogeysiiyaa dembiga lagu tuhunsan yahay, looguna sheegaa af
uu garanayo.
4. Qof kasta oo xorriyaddiisa shakhsiga ah laga qaadaa wuxuu xaq u leeyahay in uu helo qareen difaaca.
5. Qof kasta oo maxkamad lagu soo taagey tuhun fal dembi-ciqaabeed ahi waxa uu xaq u leeyahay garsoor caaddil ah.
6. Garsoor caaddil waxaa ka mid ah:——
(a) Eedaysanuhu wuxuu la mid yahay qof aan dembi gelin ilaa maxkamadi si kama-dambays ah ugu caddayso dembiga loo haysto;
(b) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in aan xukunkiisa saldhig looga dhigin qiraal lagu qasbay ;
(c) Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay qareen matala ;
(d) Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in uu goobjoog ka ahaado dacwaddiisa;
(e) Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in uu iska difaaco caddaymaha la soo hordhigay ee lidka ku ah.
(f) Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in loo qabto turjubaan haddii uusan garanayn afka maxkamadda laga isticmaalayo.
(g) Mas'uuliyada ciqaabatu waa shakhsi; qofna looma ciqaabi karo fal-dembiyeed uu galay qof kale.
(h) Qofna looma ciqaabi karo fal markii uu ku kacay uusan sharcigu
dembi u aqoonsaneyn, haddii uusan ahayn dembi ka soo horjeeda
banii’aadaminnimada, laguna caddeeyey qawaaniinta dawlaiga ah.
Qodobka 41aad-Isu-celinta Eedaysanayaasha iyo Dembiilayaasha
1. Waxaa dib loo celin karaa qof dembi ka soo galay dalkiisa ama dal
kale oo ku soo cararay dalka soomaaliyeed, haddii uu jiro heshiis
caalami ah oo ku waajibinaaya Dawladda Soomaaliyeed celinta eedaysanaha
ama dembiilaha.
2. Isu-celinta eedaysanaha iyo dembiilaha waa in ay ahaataa mid
waafaqasan dhaqanka iyo qaanuunka dawlaiga ah, waana in baarlamaanku
soo saaraa sharciga lagu maamulayo isu-celinta dembiilayaasha.
Qodobka 42aad-Qaxootiga iyo Magangelyada
1. Qof kasta oo Soomaaliya ku soo gala qaxootinnimo wuxuu xaq u
leeyahay in aan dib loo celin ama aan loo qaadin dal kale, haddii ay
jirto cabsi muuqata oo ah in uu la kulmayo ciqaab.
2. Baarlamaanku waa in uu soo saaraa sharci waafaqsan qaanuunka
Dawliaga ah; kaas oo nidaaminaaya qaxootiga ama magangelyo-doonka.
Qodobka 43aad-Xaddidaadda Xuquuqda
1. Xuquuqda lagu sheegay cutubkan waxaa xaddidi kara sharciga, waase
haddii sharcigaan uusan si gaar ah u bar-tilmaameedsanayn shakhsiyaad
ama kooxo.
2. Xuquuqdan waxaa xaddidaya sharciga, ama wax si gooniya looga soo
reebay ama arrimo gaar ah oo lagu xusay cutubkan, waase haddii
xaddidaaddaasi ay tahay maangal la caddayn karo, lana aqbali karo, si
waafaqasan qiyamka lagu qeexay Dastuurka.
3. Marka go’aan laga gaarayo in xadeynta xuquuqdu ay noqoto mid la
aqabali karo oo maangal ah, waa in la tixgeliyaa dhammaan arrimha la
xiriira xadeyntaas.
4. Arrimaha la xiriira waxaa ka mid ah dabeecadda iyo ahmiyadda
xuquuqda la xaddidey iyo muhimmadda ujeeddo la rabo in lagu gaaro
xaddidaadda; ha ahaato xadeyntaasi mid habboon in lagu gaaro ujeeddada
ama ha ahaato mid isla ujeeddadaas lagu gaari karaayey; iyadoo aan la
xaddidin xuquuqdaas.
5. Xaddididda suurtogalka ah ee xuquuqda aas-aasiga ah ee muwaaddinka xilliga xaaladda degdegga waxaa lagu sheegay Cutubka 15.
Qodobka 44-Sixitaanka Ku-xadgudubka Xuquuqda
1. Sharcigu waa in uu qeexaa habraac habboon oo lagu daweynayo xadgudubyada xaquuqda aadanaha.
2. Daweynta xadgudubyadaas waa in lagu galaa maxkamad ay dadku si fudud dacwad uga furan karaan.
3. Qof ama urur kastaa wuu tegi karaa maxkamad, si uu u difaaco
xuquuqda dadka kale ee aan awoodin in ay maxkamad tagaan, qof
ahaantooda.
Qodobka 45aad-Fasiraadda Xuquuqda Aas-aasiga Ah
1. Marka la fasiraayo xuquuqda ku xusan cutubkan waa in maxkamaddu
raacdaa waddo ay ku raadineyso in ay ku gaarto ujeeddooyinka xuquuqdaas
iyo qiyamka ay xambaarsan yihiin. Maxkamaddu waxay tixgelineysaa
shareecada iyo qaanuunka Dawliga ah. Maxkamaddu waxay, sidoo kale,
tixgelineysaa go’aannada ay gaaraan maxkamado dalal kale, in kastoo
aysan ku qasbanayn in ay raacdo.
2. Marka, guud ahaan, sharci la fasiraayo ama la dhaqan-gelinaayo,
maxkamad kasta ama madal kaleba waa in ay tixgelisaa muhimmada
qodobbada cutubkan, intii suurtagal ahna go’aannadeeda ka dhigto kuwo
la socon kara qodobbadaan.
3. Xuquuqda aas-aasiga ah ee ku xusan cutubkani kama hor-imaaan karaan
xuquuqda kale ee shareecada islaamku jideysey iyo xeer-dhaqanka la
jaanqaadi kara Shareecada iyo Dastuurka.
Qodobka 46aad-Guddiga Xuquuqda Aadanaha
1. Dawladdu waa in ay dhistaa guddi xuquuqda aadanaha u qaybsan oo ka
madax bannaan maamulka dawladda, lehna ilo dhaqaale oo uu si habsami
leh ugu fuliyo hawlihiisa.
2. Hawlaha guddiga xuquuqada aadanaha waa in ay ku jiraan horumarinta
aqoonta xuquuqda aadanaha iyo, gaar ahaan, Shareecada, ayaga oo u
dejinaaya xeerar lagu hirgelinaayo waajibaadka xuquuqda aadanaha;
dabagelidda xuquuqda aadanaha ee dalka gudihiisa iyo baarista eedaha la
xiriira xuquuqda aadanaha.
CUTUBKA 4AAD-WAAJIBAADKA JAMHUURIGA AH
Qodobka 47aad-Waajibaadka Muwaaddinka
(1) Shareecada Islaamku waxay ilaalinaysaa isu-dheelitirnaanta xuquuda iyo waajibaadka.
(2) Waajibaadka waddaniga ah sina loogama sooci karo ku-dhaqanka
sinnaanta, xorriyaadka iyo xuquuqda kale. Sidaas darteed, muwaaddin
kasta waxaa waajib ku ah :-
(a) In uu noqdo waddani daacad u ah horumarinta iyo wanaagga dalkiisa;
(b) In uu ka qayb-qaato hawlaha waxtarka u leh muwaaddinka, qoyska,
wanaagga guud iyo in uu ka qayb qaato horumarinta qaranka iyo bulshada
uu la nool yahay;
(c) In uu horumariyo mas’uuliyadda waalidnimo;
(d) In uu dhiiriggeliyo midnimada qaranka, isaga oo kaashanaya muwaaddiniinta kale;
(e) In uu horumariyo mabda’a la xisaabtanka iyo talinta sharciga;
(f) IN UU NOQDO QOF AQOON U LEH QODOBBADA DASTUURKA, SI DAACAD AHNA UU
U TAAGEERO, UNA DIFAACO DASTUURKA IYO SHURUUCDA DALKA? (Siduu qofka u
daacad ugu noqon karaa, u taageeri karaa, una difaaci karaa dastuur iyo
shuruuc wax ka qaldan isla markaana loo dejiyay Dalka Soomaaliya? Ma
sedbuursiyaa la taageeraa?
(g) In uu noqdo canshuur-bixiye wanaagsan, si uu uga qayb qaato
kharajka Dawladda si waafaqsan awooddiisa waxbixineed iyo sharciga;
(h) In uu difaaco dhulka Jamhuuriyadda.
CUTUBKA 5AAD-DHUL, HANTI IYO DEEGAAN
Qodobka 48aad-Dhulka
(1) Dhulku waa kheyraadka koowaad ee Soomaaliya iyo saldhigga nolosha dadka.
(2) Dhulka waa in loo haystaa, loo adeegsada, loona maamulaa si caddaalad ah, waxtar leh, waxsoosaar joogto ahna leh;
(3) Dawladda Federaalku, iyadoo la tashanaysa dawlad-goboleeyada iyo
ciddii kale oo ay khuseyso, waa in ay samaysaa siyaasad-dhuleed qaran
iyo hannaan loogu talo-galay maamulka iyo ku-dhaqanka dhulka
Jamhuuriyadda. Siyaasaddaas waa in lagu hirgeliyaa si waafaqsan
awoodaha lagu qoondeeyay Jadwalka 2 waana in ay sugtaa diiwaangelinta,
ku-dhaqanka, lahaanshaha, degmaysiga, xuquuqda maamulka, amniga, danaha
gaarka ah iyo warqadaha sharciga lahaanshaha.
(4) Dawladdu uma bixin karto SI ABADI AH QAYB KA MID AH DHULKA, BADDA
IYO HAWADA SOOMAALIYA?. (Qodobkan waxaa lagu sheegay in dowladdu aysan
si abadi ah u bixin karin qeyb kamid ah dhulka, badda iyo hawada
Soomaaliya. Waxaa marka (Qeybtan) ku qarsoon in dowladdu ay si kumeel
gaarka ah u bixin karto qeyb kamid ah dhulka, badda iyo hawada
Soomaaliya. Sidaas darteed, Heshiiskii SOOMAALIYA IYO KEENYA EE BADDA,
IYO HESHIISYADA KALE WAX BAA KA JIRO MAR HADII SIDAN WAX LOO QORAY).
(5) Baarlamaanku waa in uu soo saaraa sharci nidaaminaya kireynta iyo
arrimaha kale ee la xiriira dhulka Dawladda, badda ama hawada. Si loo
xaqiijiyo in heshiisyada arrimahaas la xiriiraa ay yihiin kuwo ay danta
guudi ku jirto waa in:
(a) Marka ay tahay heer federaal, waa in xeer-dejinta federaalku ay oggolaansho ku soo saartaa xeer arrinkan xakamaynaya.
(b) Marka ay tahay heer dawlad-goboleed, xeer-dejinta maamul-goboleedku oggolaansho ku soo saartaa xeer arinkan xakamaynaya.
Qodobka 49aad-Isu-celinta Hantida
(1) Xukuumadda federaalka oo kaashanaysa Dawlad-goboleedyadu waa in ay
u hawl-gashaa dib-u-soo-celinta hantida Dowladda oo si sharcidarro ah
ay dad kale ku haystaan.
(2) Xukuumadda federaalku, ayada oo kaashanaysa xukuumadaha
Dawlad-goboleedyada, waa in ay u guntataa dib-u-soo-celinta dhammaan
hantidii dadka; ha ahaato dhul ama hanti kale oo si sharcidarro ah ay
dad kale ku haystaan.
Qodobka 50aad-Khayraadka Dabiiciga iyo Deegaanka
(1) Khayraadka dabiiciga ah ee dalka sida macdanta, biyaha, dhirta,
daaqa iyo ugaartu waa hanti dadweyne. Waa in uu baarlamaanku dejiyaa
sharci tilmaamaya habka looga faa’ideysanayo khayraadkaas, si ay ku
jirto danta guud.
(2) Xukuumada federaalku waxay mudnaan siinaysaa ilaalinta, kaydinta
iyo dhawrista deegaanka, iyadoo laga ilaalinayo wax kasta oo wax u
dhimaya kala-duwanaanshaha noole ee dabiiciga ah iyo qaab-dhismeedka
deegaanka.
(3) Dhammaan dadka ku nool Jamhuuriyadda waxaa waajib ku ah ilaalinta
iyo kobcinta degaanka Iyo ka-qaybgalka horumarinta, fulinta, maaraynta,
xannaanaynta iyo dhawrista khayraadka dabiiciga ah iyo deegaanka.
(4) Xukuumadda Federaalka iyo xukuumadaha Dawlad-goboleedyada ee waxyeellada deegaanku ay saameeyeen waa in ay:
(a) Dhaqan-gelisaa tallaabooyin lagu nadiifinayo wasakhda iyo haraaga
sunta halista ah ee lagu shubay dhulka iyo biyaha Jamhuuriyadda;
(b) Dejisaa sharci, qaaddaana tallaabooyinka lagama-maarmaanka ah ee
looga hortegayo ku-daadinta wasakhdaas; taas oo ah xeer-jebin qaanuunka
dawliga ah iyo ku-xadgudub gobannimada Jamhuuriyadda.
(c) Qaaddaa tallaabooyinka lagamamaarmaanka u ah in laga qaado magdhaw
kuwa mas’uulka ka ah ku-aasidda wasakhada; ha joogeen Jamhuuriydda
gudaheeda ama meel kale.
(d) Qaaddaa tallaabooyinka lagama-maarmaanka u ah dib-u-noolaynta,
dib-u- dhiraynta, kor-u-qaadidda deegaanka iyo in laga hortago hawlaha
wixii waxyeellayn kara khayraadka dabiiciga ah iyo deegaanka dalka.
CUTUBKA 6 AAD-MATALAADDA SHACABKA
Qodobka 51aad-Mabaadi’da Guud ee Matalaadda
(1) Nidaamaka doorashadu waa in uu ku dhisnaadaa mabaadi’da soo socota:
(a) Ku-dhaqanka xuquuqda siyaasadda ee muwaaddiniintu waxay ku caddahay qodobka 27aad.
(b) In geeddisocodka doorashadu noqoto mid sahlan, la fahmi karo xeerarkiisa, qaababkiisa iyo habraacyadiisaba.
(c) Dadka gaarey da’da codbixinta oo dhammi xaq siman ayay u leeyihiin in ay codkooda
dhiibtaan;
(d) In dhammaan qaybaha bulshada Soomaaliya ay helaan matalaad caaddil ah.
(e) In codadka cod-bixiyayashu ay sinaadaan intii suurto gal ah.
(f) In laga hortago iska-hor’imaadyada iyo kicinta colaadaha, iyo
(g) In doorashooyinku ahaadaan xor iyo caddaalad , kuna dhacaan:
i. codbixin qarsoodi ah;
ii. si ka xor ah rabshado, handdidaad, musuqmaasuq iyo laaluush;
iii. si furan, laguna maamulo eex la’aan, dhexdhexaadnimo, hufnaan iyo qaab laxisaabtan leh.
(2) Baarlamaanku waa in uu soo saaraa sharci nidaaminaayo qabashada
doorashooyinka qaranka iyo Dawlad-goboleedyada. Sharcigaas inta
suurtogal ah waa in uu xaqiijiyaa:-
(a) In doorasho kasta codbixiyeyaashu ay helaan macluumaad ku filan oo
ku saabsan nidaamka doorashada, habraacyada iyo cidda ay dooranayaan;
(b) Muwaaddin kasta oo xaq u leh in uu codeeyo waa in uu isdiiwaan-geliyo, kaddibna codeeyo, is’hortaag iyo takoorid la’aan;
(c) Qof kasta oo codaynayaa in uu awood u leeyahay in uu codkiisa u
dhiibto si waafaqsan damiirkiisa, iyadoo uusan jirin cadaadis uga
imaanaya cid kale;
(d) Musharraxiinta iyo xisbiyada siyaasiga ah ee ku tartamaya
doorashooyinku waa in ay helaan fursado siman oo caddaalad ku dhisan,
xilliga u-ol’olaynta doorashada;
(e) IN LA XADDIDO SAAMEYNTA AY LACAGTU KU YEELAN KARTO NATIIJADA
DOORASHOOYINKA? (Halkan waxaa lagu cadeynayaa in lacag aan sidaa u
badneyn loo adeegsan karo natiijada doorashooyinka. Waa in la
faahfaahiyaa waxa loola jeedo oo dhaan.)
(f) Nidaamka codbixintu waa in uu ahaadaa mid sahlan oo hufan, la hubin karo, nabadgelyo leh, lala xisaabtami karo oo furfuran;
(g) In uu jiro nidaam iyo hab lagu xaqiijin karo xafidaadda agabka doorashooyinka, loogana hortegi karo maamulxumo; iyo
(h) In la diyaariyo qaab habboon oo lagu xalliyo murannada ka dhasha doorashooyinka.
Qodobka 52aad-Xisbiyada Siyaasiga Ah
(1) Xisbi siyaasadeed aan diiwaaan-gashanayni musharrax ma soo xuli karo.
(2) Baarlamaanku waa in uu soo saaro sharciga diiwaan-gelinta iyo
diiwaan-ka-saaridda xisbiyada siyaasadda. Waa in la diiwaan-geliyo
xisbigii buuxiya shuruudaha Dastuurkaan iyo halbeegayada kale ee lagu
xusay sharciga.
(3) Waxaa reebban in la diiwaan-geliyo xisbi-siyaasadeed ku dhisan hayb-qabiil iyo ujeeddo ciidan.
(4) Habraaca diiwaanka looga saarayo xisbi-siyaasadeed jebiyey
Dastuurka, sharciga ama xeerdhaqanku waa in uu xaqiijiyaa in ciqaabta
xisbigu ay u dhiganto xadgubka dhaqankiisa iyo in habraacu noqdo mid
cadaalad ah, kana madax bannaan Dawladda ama xisbi kale oo siyaasadeed
iyo faragelinno kale oo aan loo baahnayn.
(5) Sharciga lagu dhaqayo xisbiyada siyaasaddu waa in uu waajib uga
dhigaa xisbiyada in ay lahaadaan Dastuur iyo habraacyo ku dhisan
dimoqraaddinnimo iyo takoorid la’aan ah, si caadi ahna xisaabaadkooda
loo baari karo.
(6) Sharciga lagu dhaqayo xisbiyada siyaasaddu waa in uu waajib uga
dhigaa xisbiyadaasi in ay caddeeyaan, ilaa iyo xad, taageerada
maaliyadeed ee ay ka helaan ilaha qaarkood.
Qodobka 53aad-Xeer-dhaqanka Guud ee Xisbiyada Siyaasiga Ah
Guddiga doorashadu, isagoo la tashanaya hay’adaha iyo shakhsiyaadka ay
khuseyso, waa inuu diyaariyaa xeer-dhaqanka guud ee xisbiyada
siyaasadda.
Qodobka 54aad-Xeer-dhaqanka Waqtiyada Doorashada
Guddiga doorashadu, isagoo la tashanaya hay’adaha iyo shakhsiyaadka ay
khuseyso, waa in uu diyaariyaa xeer-dhaqanka xisbiyada siyaasadda,
musharraxiinta iyo warbaahinta, kaasoo nidaaminaya hab-dhaqanka
xisbiyada siyaasadda xilliga ay ku jiraan ol’olaha qabashada
doorashada, codaynta iyo wixii ka dambeeya.
CUTUB 7AAD-QAABDHISMEEDKA FEDERAALKA EE JAMHUURIYADDA
Qodobka 55aad-Qaabdhismeedka Jamhuuriyadda
(1) Soomaaliya waa Jamhuuriyad Federaali ah, taasoo dadku, si
dimoqraaddi ah, ay awood ugu leeyihiin in ay ugu dhaqmaan
madaxbannaanidooda heerarka kala duwan ee hay’adaha xukuumadda, iyadoo
loo marayo hay’ado iyo habab u qalma dhaqankooda iyo baahidooda. Waxaa
jira saddex heer oo dawladeed.
(a) Heerka degaanka oo hay’adaha iyo qaybaha bulshadu ay noqonayaan
asaaska xukuumadda, kana qaybgalyaan sameynta golayaasha dowladaha
hoose ee ay tahay in la dhsio.
(b) Heerka Dawlad-goboleed ku dhisan nidaam isdoorasho iyo isxisaabin
sida uu dhigayo Dastuurkan iyo dastuurrada dawlad-goboleedyada oo dhan.
(c) Heerka Dawladda Qaran ee Federaalka
(2) Waxaa dastuurkan lagu qeexayaa hay’adaha iyo nidaamyada xukuumadda ee heerka federaalka iyo hay’adaha qaranka.
Qodobka 56-Mabaadi’da Federaalka Jamhuuriyadda
(1) Heerarka kale duwan ee Xukuumaduhu marka ay dhexdooda ka
macaamilayaan iyo marka ay ku gudo-jiraan adeegsiga awoodda
sharci-dejinta iyo awoodaha kale, waa in ay ilaailyaan mabaadi’ida
federalinimada; kuwaas oo ah:
(a) Heerarka xukuumadda tu’walba oo kamid ahi inay haysato taageerada dadweynaha.
(b) Awoodda oo la siiyo heerka xukuumadeed ee si wax-ku-ool ah u gudan kara una isticmaali kara awooddaas.
(c) Xiriir iskaashi iyo istaageerid labo-dhinacle ah oo u dhexeeya
dawlad-goboleedyada dhexdooda iyo dawlad-goboleedyada iyo Dawladda
federaaliga ah, si uu u jiro dareen midnimo qaran.
(d) Qayb kasta oo Jamhuuriyadda ka tirsani in ay hesho isla adeegyada
ay kuwa kalena helaan iyo, sidoo kale, waxqabad xukuumadeed oo waxtar
leh.
(e) Khayraadka dalka oo si siman loo qaybsado.
(f) Dakhli-ururin oo laga sameeyo heerka ugu wax-ku-oolsan .
(g) Khilaafaadka oo wadahadal iyo heshiis-raadin laguxalliyo.
Qodobka 57aad-Xiriirrada u Dhexeeya Heerarka Dawladda
(1) DOWALD-GOBOLEED KASTAA WAA INAY KU DEDAASHAA XIRIIRI ISKAASHI KU
DHISAN INAY LAYEELATO XUKUUMADAHA AY ISKU HEERKA YIHIIN IYO KUWA
HEERARKA KALE. XUKUUMAD WALIBA WAA INAY ILAALISAA XUDUUDDA AWOODAHEEDA
IYO AWOODAHA KALE (1. SIDEE MARKA LOO AQOONSAN KARAA DOWLAD GOBOLEED
HAATAN BALAARSATAY XUDUUDAHEEDA SIDA PUNTLAND ISLA MARKAANA LOOGU
TAAGEERI KARAA INAY KU DADAASHO XIRIIR ISKAASHI KU DHISAN INAY LA
YEELATO XUKUUMADAHA AY ISKU HEERKA YIHIIN OO AANAN WELI LA HAAYN? MAXAA
LOOGA LEEX-LEEXANAYAA SOOHDIMIHII AMA XUDUUDDIHII SOOMAALIYA KA JIRAY
SIDA 8DII GOBOL: WAQOOYI GALBEED IYO WAQOOYI BARI 'SOMALILAND', BARI,
MUDUG, HIIRAAN, BANAADIR, JUBADA SARE IYO JUBADA HOOSE? ) 2. MAXAASE
LOOLA JEEDAA KUWA HEERARKA KALE AH?). Waa inay dhiirri-gelisaa xiriir
saaxiibtinnimo oo ay yeeshaan xukuumadaha ka jira meelaha kale ee dalka
iyo dadweynahooda. Xukuumad waliba waa inay hubisaa xukuumadaha kale
inay ku war- gelisey siyaasadaha amaba hawlaha gudaha xuduuddeeda ka
socda; kuwaas oo laga yaabo inay meelo kale saamayn ku yeelan karaan.
Meeshii ay suuraggal tahayna waa in xukuumaduhu si wadajir ah ay
mashaariic wadaag ah uga dhaqan-geliyaan.
(2) Si loo helo xiriir iskaashi, waa in sharcigu jideeyo
kulan-sannadeed ay isugu yimaadaan madaxda fulinta ee
dowlad-goboleedyada iyo Dowladda federalku, si ay uga xaajoodaan,
isuguna dubbo-ridaan qorshaha dawlad-goboleedyada iyo arrimaha la
xiriira taageerada dowlad goboleedyada.
(3) Waa waajib in la qabto kulannada masuuliinta heer dawlad-goboleed,
marka laga hadlayo arrimo saamaynaya wax ka badan hal dawlad-goboleed
sida biyaha, beeraha iyo waxbarashada.
(4) Dawlad-goboleedyadu waxay lageli karaan heshiis qoraal ah dawladda
Federaalka ah, iyaguna dhexdooda heshiis way kala saxiixan karaan. Hase
ahaatee, heshiisyadaasi ma laha awood sharci, waxaase looga jeedaa inay
noqdaan hab iskaashi oo keliya.
Qodobka 58aad-Wada-xaajoodyada Dawliga ah
(1) Iyadoo dareen iskaashi lagu shaqeynayo, waa in dawladda federalka
ahi ay dawlad- goboleedyada kala tashataa wada-xaajoodyada la xiriira
kaalmada dibedda, ganacsiga ama arrimaha kale ee muhiimka ah ee
heshiisyada dawliga ah ku saabsan.
(2) Halka ay wada xaajoodyadu ay si gaar ah u saamaynayaan danaha
gaarka ah ee dowlad- goboleedyada, dawladda federalku haddii ay
suurtagal tahay waa in ay ku dartaa ergada wada-xaajoodka gelaysa
wakiilo ka socda dawlad-goboleedkaas.
(3) Marka la gelayo wada-xaajoodyada, dawladda federaalka ahi waa inay
tixgelisaa inay tahay wakiil lagu aamminey danaha dawlad-goboleedyada.
Qodobka 59aad-Dawladda Hoose iyo Maamulka
(1) Dowladda federaalku waxay soo saaraysaa sharciyo lagu dhisayo qaabka iyo mabaadi’da hageysa dawladaha hoose.
(2) Dawlad-goboleed kastaa waa in ay abuurto nidaam dawlad hoose oo waafaqsan habraaca sharci-dejinta federaalka.
(3) Xukumadaha Dawlad-goboleedyadu waa in ay siiyaan dawladaha hoose
awood ay ku mamulaan sharciga iyo barnamijyadooda, si waafaqsan mabda’a
( b) ee mabaadi’da federaalka ah ee ku xusan qodobka 56(1). Hawlaha
waxaa loogu wareejinayaa goleyaasha dowladaha hoose si tartiib- tartiib
ah oo la socota hadba koritaanka kartidooda. Sharci federaali ah ayaa
tilmaami doona qaabdhismeedka ay u raaci doonaan dawlad-goboleedyadu
awood-wareejin kasta oo ay dawladaha hoose ku wareejinayso xilalka.
(4) Xukuumadda federaalka iyo kuwa dawlad-goboleedyadu waxay
masuuliyadda maamulka sharciga iyo barnaamijyada ku wareejin karaan
hay’adaha iyo bulshooyinka degaanka.
(5) Hey’adaha iyo bulshada degaanka waa in la dhiiri-geliyaa, la
taageeraa, lagana kaalmeeyaa sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadka uu
Dastuurku dusha ka saaray eek u saabsan dimoqraaddiyada iyo xuquuqda
aadanaha.
Qodobka 60aad-Qaybinta Awoodaha
(1) Dowladda federaalku waxa ay awood u leedahay in ay Jamhuuriyada
Soomaliya oo dhan u samayso sharciyo maamul-wanaagga ku saabsan, iyadoo
raacaysa xuduudaha Dastuurka iyo awoodaha maamulidda sharciyadaas.
(2) Dawlad-goboleed kastaa waxay awood u leedahay in ay samayso
sharciyo maamul- wanaag ah oo iyada ku eg, iyadoo raacaysa xuduudaha
Dastuurka iyo awoodaha maamulida sharciyadaas.
(3) Awoodaha waxaa lagu qaybiyey Jadwalka 2aad oo ka kooban tax lagu
muujinayo awoodaha la siiyey Dowladda federaalka, xukuumadaha
dawlad-goboleedka ama si wadajir ah loo siiyey federaalka iyo
dawlad-goboleedda.
(4) Taxa Awoodaha u gaarka ah Dawladda federaalka waxaa fulin karaya oo
keliya dawladda federaalka, haddii aanay cid kale u wakiilan sida ku
xusan qodob kale oo ku jira cutubkan.
(5) Taxa Awoodaha u gaarka aha Dawlad-goboleedka waxaa fulin karaya oo
keliya dawlad- goboleedka, haddii aanay cid kale u wakiilan sida ku
xusan qodob kale oo ku jira cutubkan.
(6) Taxa awoodaha wadaagga ah ee federaliga waxaa ku wada dhaqmi kara
dawladda federalka iyo dawlad-goboleedyada. Haddii ay dhacdo in khilaaf
ka dhex dhasho sharciyada dawladda federaliga iyo dawlad-goboleedyada
arrin kasta oo taxan ah waxaa awood leh sharciga federaalka.
(7) Taxa awoodaha wadaagga ee Dawlad-goboleedyada waxaa ku wada dhaqmi
kara dawladda federaalka iyo dawlad-goboleedyadaba. Haddi ay dhacdo in
khilaaf ka dhex dhasho sharciyada dawladda federaaliga iyo
dawlad-goboleedyada arrin kasta oo taxan ah, waxaa mudnaanta leh
sharciga dawlad-goboleedyada.
(8) Dawladda federaalku waxa ay sharci ka samayn kartaa arrin kasta oo aan lagu xusin taxda jadwalka 2aad.
Qodobka 61aad-Dhaqangellinta Awoodaha wadaagga ah ee sharcidejinta ee dawlad-goboleedyada
(1) Si loo xoojiyo wada-shaqaynta,dawlad-goboleeddii doonaysa inay ka
soo saarto sharci arrin kasta oo soo gelaysa Taxa awoodaha la wadaago
ee federaalka ama Taxa awoodaha la wadaago ee dawlad-goboleedda waa in
ay la tashataa dawladda federalka ah.
(2) Waa in la soo saaro sharci federaali ah si loo dejiyo habraac
dawlad-goboleedyada siinaya masuuliyad ay ku samaysan karaan sharci
kasta oo ku saabsan arrimaha hoos-imaanaya taxa awoodaha la wadaago ee
dawlad-goboleedyada. Habraaca noocaas ahi waa in uu ku lug-lahaado
qiimaynta awoodda dawlad-goboleedyadu ku qaadi karaan masuuliyadda
soo-saaridda iyo maamulida sharci ku saabsan arrintaas.
Qodobka 62aad-Igmashada Awoodaha
(1) Xukuumad kastaa waxay u xilsaaran kartaa awood mamul iyo
masuuliyado dawlad ama dawlado kale oo heer kale ah, iyadoo raacaysa
habraac ay wadatashi kula yeelanayso dawladdaas.
(2) Dawladda federaalku waxay u xilsaaran kartaa mid ama ka badan
xukuumadaha dawlad- goleedyada awood ay sharci ugu sameeyaan arrin ka
mid ah awoodda xeerdejinta Dawlada federaalka oo looga gol leeyahay dan
guud ama mid gaar ah.
(3) Haddii Dawladda federaalku u xilsaarato awood sharci mid ama
dhammaan dawlad- goboleedyada, waa in ay xaqiijisaa in
dawlad-goboleeddaas hesho ama loo ogolaado in ay urursato dhaqaalaha
lagama-maarmaanka u ah fulinta hawsha dawladda federaalku u igmatay.
(4) Dowladda federaalku haddii loo baahdo way kala noqon kartaa
awoodaha ay cid kale ugu xilsaaaratay qodobkan, iyadoo ogeysiineysa
waqtiga ugu habboon dawlad- goboleedda ama dawlad-goboleedyada ay
khusayso.
(5) Mid ama ka badan dawlad-goboleedyadu waxay ka codsan karaan
dawladda federaalka in ay qaaddo masuuliyadda ah in ay ka soo saarto
sharci arrin gaar ah oo ka mid ah awoodaha xukuumadaha
dawlad-goboleedyada.
Qodobka 63aad-Arimha Maaliyadeed
(1) Awoodaha dakhli-uruurinta ee heerarka kala duwan ee xukuumaddu waxay ku xusan yihiin Jadwalka 2aad.
(2) Xukuumadda federaalku waxay awood u leedahay in ay ku bixiso
kharash ujeeddo kasta oo sharciga waafaqasan, ha ahaato mid ay siisay
awooddeeda sharci-dejineed ama yaysan ahaane.
(3) Mabaadi’da iyo habka loogu qaybinaayo hantida maaliyadeed heerarka
kala duwan ee xukuumadaha waxaa lgu qeexayaa Cutubka 14aad.
Qodobka 64aad-Maxkamadaha
(1) Jamhuuriyada Soomaaliya waxaa ka jira nidaam garsoor midaysan, sida kucad Cutubka10aad.
(2) Ka sokow faqrada (1) khilaafaadka lagu xalliyo xeer-dhaqameed waa
lagu sii dhaqmi karaa haddii aysan ka hor’imaaneynin Shareecada ama
Dastuurka dalka.
Qodobka 65aad-Shaqada Dawladda ee Rayidka ah
(1) Xukuumadda federaalka iyo dawlad-goboleedyadu waxay shaqaalasanayaan hawl- wadeennadooda.
(2) Gudigga Shaqaalaha Rayidka ee Dawladda Federaalku wuxuu dejinayaa
mabaadi’da, xeerarka iyo shuruudaha shaqo-qorista iyo arrimaha kale ee
khuseeya shaqada dawladda ee heer kasta.
(3) Dawladda federaalka iyo maamul-goboleedyadu waxay iska kaashanayaan
ka-wada- faa’ideysiga hawl-wadeennada heerarka kala duwan, si loo
xaqiijiyo khibradda iyo waayo’aragnimadu in ay noqdaan mid laga heli
karo heer kasta oo looga baahan yahay, iyada oo taasna lagu
horumarinaayo midnimada qaranka.
Qodobka 66aad-Awoodaha Xukuumada Federaalka ee Taageera Nidaamka Federaalka
(1) Haddii xukuumad dowlad-goboleed ay gudan kari waydo xilkeeda ama ay
ku kacdo maamul xumo maaliyadeed, masuuliyada koowaad ee xukuumada
federaalku waa in ku taageerto xukuumada dowlad-goboleedda sidii ay wax
uga qaban laheyd xad-gudubyadaas, ayna qaado talaabo kasta oo lagama
maar maan ah oo dowlad-goboleedda u suurto galinaya in ay xilkeeda u
gudato si wax ku ool ah.
(2) Haddii dawlad-goboleed gudan weydo waajibaadkeeda dastuuriga ah ama
sharci kale oo federaal ahi u xilsaaray, xukuumadda federaalku waa in
ay qaadaa tallaabooyinka lagama maarmaanka ah oo ay ku meel marineyso
fulinta waajibaadkaa. Talaabooyinkaas waxaa ka mid ah in xukuumada
federaalku farto dowlad-goboleedda dhaqan-galinta arimaha ay gabtay,
dawlad-goboleedduna waa in ay amarkaas u huggaansataa. Hasa yeeshee,
awaamirta noocaas lama bixin karo haddii aysan ogolaan kala bar xubnaha
Aqalka Wakiillada Dawlad- Goboleedyadu marka laga reebo wakiillada
dawlada-goboleedda waajibaadkeeda dastuuriga ah gabtay.
Qodobka 67aad-Magaala-madaxda Qaranka
Fiiro: Maqaamka Muqdisho (Xamar), (MAXAA KEENAY IN EREYGA 'XAMAR' LALA
MEEL DHIGO MUQDISHO? WAXAA QODOBKAN KU CAD IN MAGAALO MADAXDA
JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA, MUQDISHO LAGA FOGEYNAYO DADKII DEGENAA ISLA
MARKAANA LOO SIKINAYO AMA LOO RIIXAYO, AMABA LOO DURJINAYO 'DAD KALE',
IYADOO SI AAD AH LOO CILMEEYAY. UJEEDADA KA DAMBEYSO MARKA, WAXAA
WAAYEE AMA WEEYE IN LA SHARCIYEEYO IN 'DAD KALE' AY DEGANAAYEEN
MUQDISHO, SI MARKAASI SEDBUURSIGA LAGA WADA SIMAN YAHAY UU UGU HIRGALO
QASWADAYAASHA KU QARAABANAYEY 'XEERKA (DASTUURKA) QABYO QORAAL' EE
WELIBA USII DACWOONAYO BEESHA CAALAMKA MARKI LAGA GILGISHO SIDA AY WAX
U DHAGRAYAAN. , oo ah Magaala-madaxda Jamhuuriyada waxaa loo habeyn
karaa sedaxda hab ee soo socoda mid kood, hase yeeshee go’aanka kama
dambeysta ah waxaa lagu saleyn doonaa talooyinka dadweynuhu ka
dhiibtaan Dastuurka qabyada ah xiliga latashiga dadka
XULASHADA 1aad ( Caasimad Ku-dhextaal Dawlad-Goboleed)
(1) Caasimada magaala madaxda federaalku waxay ahaanaysaa magaalo ku dhextaal dowlad goboleed.
(2) Xukuumadda dawlad-goboleedda ay magaala madaxdu ku dhextaal, iyadoo
la tashatay Dowladda Fedelaaka waa in ay soo saartaa sharci gaar ah oo
qeexaya maqaamka Caasimada Federaalka.
(3) Golaha maamul ee Caasimada Federaalka iyo xukuumada federaalku waa
in ay ilaaliyaan mabaadi’da xiriir iskaashiyeedka ee uu dhigayo
dastuurku, waana in ay si gaar ah uga heshiiyaan arimaha canshuuraha,
xeerarka kale ee nidaaminaya dhulalka iyo dhismooyinka ay leedahay ama
ay degentahay xukuumada federaalku ee ku dhexyaal magaala madaxda.
XULASHADA 2aad(Degmada Caasimadda Federaalka)
(1) Muqdisho waxay noqoneysaa degmo magaalo madax u ah Dowladda Federaalka.
(2) Degmada magaala-madaxda federaalku kama mid noqon karto qayb ka mid
ah dowlad-goboleed. (MUQDISHO WAXEY AHEYD WELIGEED AHEYD MAGAALO
MADAXDA JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA, WAANA INEY KAMID NOQOTO DOWLAD
GOBOLEEDYADA IYADOO LA MIDOOBEYSO SHABEELAHA DHEXE, BANAADIR/MUQDISHO,
IYO SHABEELAHA HOOSE ISLA MARKAANA NOQONEYSO 'DOWLAD GOBOLEEDKA
BANAADIR' MAADAAMA UU GOBOLKA BANAADIRTII HORE UU SEDDEX U KALA
QEYBIYAY KELITALIYIHII/DIKTATOORKII SOOMAALIYA MAXAMED SIYAAD BARRE
SANADKII 1971DII, WAA HADDII WANAAG LA DOONAYO.
(3) Xukuumada federaalku waa in ay soo saarto sharci gaar ah oo
nidaamiya is-xukun dimuqaraadi ah oo lagu maamulo degmada
magaala-madaxda federaalka (MAXAA KEENAY IN XUKUUMADDA FEDERAALIGA AY
SHARCIGA GAARKA AH U KEENTO MUQDISHO? WAXAA MEESHAN KU CAD IN UJEEDO
GAAR AH LAGA LEEYAHAY MAGAALO MADAXDA JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA EE
MUQDISHO MARKA LOO EEGO MAGAALOOYINKA KALE EE SOOMAALIYA. HADDII MARKA
AYSAN UJEEDO GAAR AH JIRIN WAA IN MAGAALO KASTA AY XUKUUMADDA
FEDERAALIGA AY SHARCI GAAR AH U SAMEYSAA. UGU DAMBEYSTII, WAA IN
SHARCIGA GAARKA AH MEESHA KA BAXAA HADDII WANAAG LA DOONAYO.
(4) Sharciga doorashooyinka federaalku waa in uu siiyaa muwaadiniinta
degan degmada magaala-madaxda xaq ay ku dooran karaan wakiilo u matala
Golaha Shacabka (WAA SAX IN SHARCIGA DOORASHOOYINKA FEDERAALKU UU
SIIYAA MUWAADINIINTA DEGAN DEGMADA MAGAALA-MADAXDA XAQ AY KU DOORAN
KARAAN WAKIILO U MATALA GOLAHA SHACABKA. , waana in aysan matalaadaas
ku waayin deganaanshada ay deganyihiin degmada magaala-madaxda Dowlada
Federaalka awgeed (HASE AHAATEE, WAA INEY MEESHA KA BAXDAA QEYBTAN
DAMBE OO AH: 'waana in aysan matalaadaas ku waayin deganaanshada ay
deganyihiin degmada magaala-madaxda Dowlada Federaalka awgeed).
(5) Dadweynaha degan degmada magaala-madaxda federaalku kuma
yeelanayaan wakiilo Aqalka Wakiilada dowlad-goboleedyada (TAN SOCON
MEYSO OO WAA SEDBUURSI, WAXEYNA KAMID TAHAY WAXYAABIHII DUMIYAY
QARANKII SOOMAALIYA. MARKA WAA INEY MEESHA KA BAXDAA).
(6) Xukuumada federaalku waxay awood u leedahay in ay dejiso shuruuc
ayna maamusho dhamaan arimaha magaalo-madaxda iyadoo adeegsaneysa
taxaha awoodaha la siiyay magaala-madaxda federaalka hase yeeshee waxay
awoodaheeda u xilsaaran kartaa golaha maamul ee caasimada federaalka si
la mid ah sida ay ugu xilasaaran karto dowlad-goboleedyada sida ku cad
qodobka 62aad ee Cutubkan (SIADAN SOCON MEYSO, WAANA IN DIB LOO EEGAA).
(7) Golaha maamul ee magaala-madaxda federaalka iyo xukuumada
federaalku waa inay dhowraan mabaadi’da xiriirka iskaashi ee ku xusan
dastuurkan (SUURTA GAL MAAHA IN LA DHOWRAA WAX SIDAN OO KALE LOO
DIYARSADAY).
XULASHADA 3aad (Caasimad ah Dawlad-Goboleed)
(1) Magaala-madaxda federaalku waxay noqonaysaa dowlad-goboleed;
(MAGAALO MADAXDA WAA INEY CAASIMAD U AHAATAA SIDII AY CAASIMAD UGU
AHAAN JIRTAY JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA ISLA MARKAANA AY CAASIMAD UGU
AHAAN JIRTAY 'EX BANADIR: GOBOLKII HORE EE BANAADIR INTII UUSAN KALA
QEYBIN KELITALIYE/DIKTATOORE MAXAMED SIYAAD BARRE);
(2) Magaala-madaxda federaalku kuma biiri karto gobol kale ma noqon
karto qayb dowlada-goboleed kale ku dhul ballaarsato (MUQDISHO WAA
LAGAMA MAARMAAN IN LOO CELIYO SIDII AY AHAAN JIRTAY INTII UUSAN FARAHA
LA GELIN KELITALIYE/DIKATOORE MAXAMED SIYAAD BARRE, TAAS OO AHEYD INEY
KAMID AHEYD 'EX BANADIR': SHABEELAHA DHEXE, BANAADIR/MUQDISHO, IYO
SHABEELAHA HOOSE').
(3) Golaha maamul eemagaala-madaxda federaalka iyo xukuumada federaalku
waa inay dhowraan mabaadi’da xiriirka iskaashiga ee ku xusan
dastuurkan. Waa in ay si gaar ah ugu heshiiyaan arimaha canshuuraha iyo
xeerarka kale ee nidaaminaya dhulalka iyo dhismooyinka ay leedahay ama
ay deggantahay xukuumada federaalku ee ku dhexyaal magaala-madaxda.
Qodobka 68aad-Xalinta Khilaafaadka
(1) Mabada’ ahaan khilaafyada u dhexeeya dawladaha waa in lagu xalliyaa
hab wadaxaajood iyo dhexdhexaadin ku dhisan iskaashi iyo niyadsami.
(2) Dawlada federaalka iyo xukuumadaha dowlad-goboleedyadu way ku
heshiin karaan in ay dhistaan maxkamad gaar ah oo lagu xaliyo
khilaafaadka dhaxsada dowladaha.
(3) Khilaafka u dhexeeya dowladaha ee lagu xallinwaayo dhexdhexaadin
iyo wadaxaajood waa in loo gudbiyaa Makamada Dastuuriga oo go’aan ka
gaaraysa.
Qodobka 69aad-Xuduudaha Gobollada
(1) Guddiga Xadeynta Xuduudaha Gobollada ayaa xallin doona dhammaan
murannada hadda taagan iyo kuwa mustaqbalka ee la xariira xuduudaha
iyagoo raacaya sharciga laga dejin doono arrimahaas
(2) Guddiga Madaxa Bannaan Dastuurka iyo arrimaha Federaalka ama ciddii
bedesha ayaa iyaga oo la tashanaya guddiyada kale ee qaran ka caawin
doona Dawladda Federaalka go’aaminta tirada ugu yar iyo tan ugu badan
ee dawlad-goboleedyada la sameynayo.
(3) Xuduudaha Dawlad-goboleedyadu waxay ku saleysnaan doonaan
xuduudihii gobollada ee jiray 1990-kii ka hor dagaalkii ahliga ahaa
(XUDDOODAHA DOWLAD GOBOLEEDYADA WAA INEY KU SALEYSNAADAAN XUDUUDDIHII
JIRAAY KAHOR INTII UU SOOMAALIYA XOOGA KU QABSAN KELITALIYE/DIKTATOORE
MAXAMED SIYAAD BARRE SANADKII 1969KII).
(4) Laba gobol ama wax ka badan ayaa ku midoobi kara dawlad-goboleed
iyaga xor u ah go’aankooda (GOBOLKA HIIRAAN OO AH GOBOLKA KELIYA EE
UUSAN KALA QEYBIN KELITALIYE/DIKTATOORE MAXAMED SIYAAD BARRE MAXAA KA
QUSEEYO QODOBKAN? WAA IN SIDIISA LOOGU AQOONSADAA GOBOLKA HIIRAAN
DOWLAD GOBOLEED IYADOO AANAN LALA MEEL DHIGIN GOBOLADII KALE UU KALA
QEYBIYAY KELITALIYE/DIKTATOORE MAXAMED SIYAAD BARRE SANADIHII
1970-NOOYADII).
Qodobka 70aad-Samaynta Dawlad-Goboleedyo Cusub
1) Ugu yaraan laba gobol ama ka badan oo si xor ah isugu tagay ayaa
sameysan kara dawlad- goboleed (QODOBKAN MA QUSEEYO 'GOBOLKA HIIRAAN'
MARKI UU DOWLAD GOBOLEED SAMEYSANAYO, SAA MABA LA KALA GOYNE);
2) Dawlad-goboleed cusub ayay sameysan karaan dawlad-goboleedyo jiray
hadii tiro macquul ah oo ah hal iyo wax ka badan oo ka mid ah
dawlad-goboleedyadaas ay doonayaan in ay sameystaan dawlad-goboleed
ayna sameynta dawlad-goboleedkaas tahay sida kaliya ee ay ku gaari
karaan danaha guud ee ay wadaagaan
3) Dawlad-goboleed cusub waxaa la samayn karaa hadii arrintaas ay taageersanyihiin aqlabiyada dadka:
(a) Degengobolladasameysanayadawlad-goboleedkacusub
(b) Deggangobolladaaysaameynaysosameyntadawlad-goboleedkacusub;
(c) Haddii aysan samenta dawlad-goboleedkaas aysan ka hor imaanayn danta qaranka;
(d) Isla markaana aysan khatar gelinayn midnimada qaran ee federaalka
4) Sameynta dawlad-goboleed cusub lama ogolaan karo haddii aysan awood
u yeelan doonin in ay fuliso waajibaadka iyo hawlaha laga rabo
dawlad-goboleed ka tirsan federaalka sida dhawridda xuquuqda asaasiga
ah ee muwaadiniinta ku nool dawlad goboleedka, aysana lahayn isku-
filnaansho dhaqaale ay ku fidiyaan adeegyada asaasiga ah. Baarlamaanka
ayaa meelmarinaya sharciga sameynta dawlad-goboleedyada cusub.
5) Haddii laba iyo wax ka badan dawlad-goboleedyada deriska ahi ay ku
heshiiyaan in ay badalaan xuduudaha ay wadaagaan, Golaha Shacabku waa
in uu ansixiyaa haddii saddex dalool laba dalool ka mid ah goloyaasha
degmooyinku ogolaadaan xuduud bedelidda
Qodobka 71aad-Oggolaanshaha Ku- soo-biiritaanka Jamhuuriyadda
1) Hannaanka Federaalaynta waa in loo maraa wadahdal iyo iskaashi.
2) Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa
maamuladda doonaya in ay kusoo biiraan Federaalka, waxayna
dhiirigelinaysaa ku-soo-biiritaan qaab nabadeed loo marayo.
Waxaa Diyaariyay Abdulkadir Abukar Spinato
aa_spinato@hotmail.com
Cutubyada 1aad-7aad- Qeybaha leysku dhagrayo ee Dastuurka Qabyo Qoraalka
CUTUBYADA 1AAD — 7AAD - Waxaan dadaal weyn u galay inaan Dadka Soomaalida ah iyo dadka kale ee daneeyo Arimaha Soomaaliya aan usoo bandhigo Xeerka (Dastuurka) Qabyo Qoraal ee la sheegay in la dhameystiray 20-kii Abriilo ee sanadka 2012, waxaana