Madaxweynaha Oo Casho Sharaf U Sameeyay Madaxda Qeybaha Ciidammada AMISOM

0
Sunday August 07, 2016 - 17:53:24 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 949
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Oo Casho Sharaf U Sameeyay Madaxda Qeybaha Ciidammada AMISOM

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xaley Xarunta Madaxtooyada casho sharaf ugu sameeyay taliyeyaasha qeybaha kala duwan ee Ciidammada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM u fadhiya Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xaley Xarunta Madaxtooyada casho sharaf ugu sameeyay taliyeyaasha qeybaha kala duwan ee Ciidammada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM u fadhiya Soomaaliya.
Casho sharaftan ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeybgaley danjireyaasha waddamada Afrika,

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya , Francisco Caetano Jose Madeira, xubno ka tirsan labada gole, taliyeyaasha ciidammada Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in loo baahan yahay wadashaqeyn dhow iyo istaraatijiyad mid ah oo ay yeeshaan ciidammada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, xilligan doorashada la isku diyaarinayo, si looga hortago dhagarta cadowga doonaya inuu fashiliyo horumarka uu dalka ku tallaabsadey.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Mr Madeira, oo isna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in kulankan lagu casuumay taliyeyaasha ciidammada AMISOM uu ka dhashey fikir uu hore u soo jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ahaa in la kobciyo wadashaqeynta iyo xiriirka AMISOM iyo Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya.


---------------------------------DHAMMAAD---------------------------

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip