Madaxweynaha Oo Kulamo La Qaatey Qeybaha Bulshada Ee Magaalada Baydhabo + Sawiiro

0
Tuesday October 04, 2016 - 20:23:22 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1185
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Oo Kulamo La Qaatey Qeybaha Bulshada Ee Magaalada Baydhabo + Sawiiro

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed Soomaaliya ayaa weli ku guda jira kulamadii u la yeelanayey qeybaha kala

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed Soomaaliya ayaa weli ku guda jira kulamadii u la yeelanayey qeybaha kala duwan ee bulshada degaannadaasi.

Madaxweynaha oo ujeedka socdaalkiisa uu yahay dardar-gelinta hawlaha doorashada, xaqiijinta qoondada dumarka ee labada aqal iyo in shacabku uu taageero hannaanka dowladnimo, ayaa kulamadii ugu dambeeyay waxaa uu la qaatey madaxda jaamacadaha, aqoonyannada, ardayda jaamacadaha, Ciidanka Qalabka Sida, ururrada haweenka, dhalinyarada, siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka, madaxda maamulka Koonfuur Galbeed iyo culumada diinta.

Madaxweynaha ayaa qeybahaasi u la kulmay uga warbixiyey hannaanka dhismaha Soomaaliyada cusub oo ku saleysan dimoqraadiyad iyo horumar dalku uu ku tallaabsado.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu qeybahani kala duwan ee bulshada ee uu la kulmay ugu baaqey inay gacan weyn ka geystaan dib u heshiisiinta iyo nabadeynta oo sal u ah dhismaha qaran Soomaaliyeed oo isku tashan kara.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha kulan gaar ah la yeeshay Guddiga Doorashada Dowlada Goboleedka Koonfuur Galbeed oo uu ku ammaanay waxqabadkooda, dhanka kalena ka codsadey inay daah-furnaan ku shaqeeyaan.



———————————-DHAMMAAD————————-
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip