Kulanka wadatashiga maamulka Degmada Warsheekh iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo ka dhacay Xarunta Degmada. (Sawiro)
- Visits: 2732
-




(Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
- 0 0
-
Share
Kulan dibuheshiisiin iyo wadatashi ah oo uu gogoshiisi dhigay gudoomiyaha degmada Warsheekh Mudane Axmed Xuseen Axmed (Shiidka) eena si siman uga soo wada qeybgaleen dhamaan odoyaasha dhaqanka ee beelaha wada dega degmada Warsheekh ayaa waxa lagu qabtay xarunta degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelada dhexe.
Kulankaani oo ahaa kii ugu horeeyay oo gudoomiyaha cusub ee degmada uu isugu keeno hogaanka dhaqanka beelaha wada dega degmada, kaasi ayaa lagu daah furay garnaqsi iyo is cafin wallaalaha gacantooda is gaartay ee wada dega degmada gaar ahaan tuulooyinka Gumarow iyo galka Muungaab.
Goob joogayaasha shirka ayaa waxa kamid ahaa, Gudoomiyhi hore ee Degmada Balcad Maxamud Axmed Xuseen Gudbaaye iyo Sheekh C/raxmaan Macalim Axmed Gudoomiyihii hore ee Degmada Warsheekh, Nabadoon Xuseen Cali Nuur Nabadoonka Beesha Mataan Cabdulle, Nabadonka Beelaha Celli Cumar Xaaji Xasan Axmed Nuur, Nabdoon Xirsi Maxamed Dhagey, Nabadoon Ow Xuseen Cali Maxamed Jeelle, Nabadoon Maxamud Cabdi Maxamud Xuseen.
Kulankaani oo ahaa mid aad muhiim u ah ayaa sidoo kale odoyaashi dhaqanka ee kasoo qeybgalay waxa kamid ahaa, nabadoon Iidow Maxamed Axmed Iigmadoobe, Nabadoon Sheekh Muriidi Cabduqadir Ow Nuur, Nabadoon Xaaji Hadaafow Firte, Nabadoon Dhicisow Nuur Cabdi, Nabadoon Cali Nuur Kobajaan, Nabadoon Wehliye Cambuure,
Nabadoon Idiris Cabdulle Macalim Xasan iyo qaar kale oo oo aan halkaan lagu soo koobi karin.
Gabagabadi kulanka ayaa waxa kasoo qeybgalay Sheekha baladka Sheekh Qaasim Sheekh C-raxman oo duco iyo dar daaran aad uqiimo badan madasha uga soo jeediyay waxgaradki kasoo qeybgalay kulanka isagoo tilmaamay muhiimada ee shareecada islaamka siineyso dhax dhaxaadinta iyo joojinta colaadaha udhaxeeyo dad walaalo ah ee wada Muslim ah, wuxuuna ku baaqay in kulamada suluxa ah ee sidaan oo kale leesugu keenaayo waxgaradka la joogteeyo .
Kulanka ayaa kusoo gaba gaboobay jawi wanaagsan, iyadoo gudoomiyiha degmada Warsheekh mudane Axmed Xuseen Axmed iyo waxgaradki matalayay beelaha wada dega deegaanka ee balan qaadeen iney qabsoomi doonaan kulamo kale oo laga sii amba qaadayo wadahadalada iyo dibuheshiisiinta maanta bilaabatay.
Xafiiska Shabakada Warsheekh ee gobolka Shabeelada dhexe ayaa waxa uu xooga saarayaa sida uu shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan jaaliyadaha dibada ee degmada Warsheekh oo had iyo jeer ugu soo gudbin lahaa dhacdooyinka xaqiiqada ah ee kajira gudaha degmadooda una soo dhigi doono isha baarkeeda.
Xafiiska Shabakada Warsheekh ee Degmada Warsheekh
E-Mail: warsheekh10@hotmail.com
Kulanka wadatashiga maamulka Degmada Warsheekh iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo ka dhacay Xarunta Degmada. (Sawiro)
Kulan dibuheshiisiin iyo wadatashi ah oo uu gogoshiisi dhigay gudoomiyaha degmada Warsheekh Mudane Axmed Xuseen Axmed (Shiidka) eena si siman uga soo wada qeybgaleen dhamaan odoyaasha dhaqanka ee beelaha wada dega degmada Warsheekh ayaa waxa lagu qab