Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa ka warbixiyay wada hadal ay la bilaabeen xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Max'ed Siilaanyo oo mudooyinkii u danbeeyay khilaaf iyo muran ka dhex aloosanaa.
Wada Hadalka ayaa ka danbeeyay ka dib markii dhawaan mudo kordhin loo sameeyay Golaha xukuumada Somaliland ay ka gadoodeen qaar ka mid ah Shacabka iyo Xisbiyada Mucaaradka ee ka jira maamulkaasi,taasi oo sababtay xitaa in xabsiga loo dhigo mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiga Wadane.
Feysal Cali Waraabe gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID Eng: Feysal Cali Waraabe oo ka hadlay wada hadalada ay la bilaabeen xukuumada Somaliland ayaa ka muujiyay inay ka soo bixi karaan waxyaabo mira dhal ah xalna u noqon kara muranka haatan ka dhex jira xuukuumada uu hogaamiyo Siilaanyo iyo Xisbiyada mucaaradka.
Wuxuu sheegay in haatan meel wanaagsan ay wax marayaan,islamarkaana maalinta sabtida la rajeynayo in go’aamo wax ku ool ah laga soo saaro.
Dhageeyso:-Faysal Cali Waraabe''Wadahal Ma Jiro waa Muruq leysku sheeganaayo''
Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa ka warbixiyay wada hadal ay la bilaabeen xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Max'ed Siilaanyo oo mudooyinkii u danbeeyay khilaaf iyo muran ka dhex aloosanaa.