Cabdiweli Cali Cilmi Yare oo ku geeriyooday weerar ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

0
Monday November 26, 2018 - 08:57:05 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 2210
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdiweli Cali Cilmi Yare oo ku geeriyooday weerar ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

    Weerar ku bilowday Qaraxyo iyo rasaas xoogan ayaa saakay waaberigii hore lagu qaaday Xarun oo Magaalada Gaalkacyo uu ku leeyahay Nin lagu Magacaabo Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar ku bilowday Qaraxyo iyo rasaas xoogan ayaa saakay waaberigii hore lagu qaaday Xarun oo Magaalada Gaalkacyo uu ku leeyahay Nin lagu Magacaabo Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare.

Dadka Magaalada Gaalkacyo ayaa saakay ku soo toosay Qaraxyo iyo rasaas xooggan oo ku hoobanaya Xarun uu Koonfurta Magalada Gaalkacyo ku leeyahay Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare,waxaana weerarkaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Warar ayaa intaas ku daraya in weerarka uu ku geeriyooday  Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare iyo qaar kamid ah dhalinyaro isaga taageersanaa.

Ugu yaraan 20 ruux ayaa ku dhimatay Weerar halka tiro kale ay ku dhaawacmeen,kadib weerarkii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

War kooban oo lagu daabacy baraha ay ku leeyihiin internet-ka Al-shabaab ayaa waxa ay ku sheegteen Mas’uuliyadda weerarkii lagu dilay Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare,kaasi oo ay ku sheegeen in uu ahaa Ninkii sheegtay Nebinimada.

Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare ayaa tiro dhowr jeer oo horey waxa uu soo duubay Muuqaalo uu gef ugu geysanaayo Nebigeena Muxamed (NNKH).

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip