MacKenzie Scott: Ninka dunida ugu taarjirsan ayeey ka raacday Macalin Iskuul

0
Monday March 08, 2021 - 12:08:34 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1087
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MacKenzie Scott: Ninka dunida ugu taarjirsan ayeey ka raacday Macalin Iskuul

    MacKenzie Scott, oo ahayd xaaskii hore ee Jeff Bezos oo mar ahaa ninka ugu taajirsan adduunka ayaa guursatay macallin saynis ka dhiga iskuulka ay carruurteeda dhigtaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MacKenzie Scott, oo ahayd xaaskii hore ee Jeff Bezos oo mar ahaa ninka ugu taajirsan adduunka ayaa guursatay macallin saynis ka dhiga iskuulka ay carruurteeda dhigtaan.
 

Ms Scott ayaa ka mid ah haweenka dunida ugu taajirsan waxayna bixisay in ka badan $ 4bn (£ 2.9bn) hantideeda.

Wararka la xiriira guurkeeda iyo Dan Jewett ayaa lagu shaaciyay website-ka hay'adda samafalka ee Giving Pledge.

"Dan waa nin aad u wanaagsan, waana ku faraxsanahay guurkooda," ayuu Mr Bezos ku yiri hadal uu soo saaray.


Ms Scott, oo hantideeda lagu qiyaaso $ 53bn sida ku cad Forbes, ayaa sheegtay inay dooneyso inay bixiso inta badan.

Tan iyo markii ay kala tageen iyada iyo seygeedii hore waxay bixisay lacag dhan 1.7 bilyan oo doollar oo kaalma ah.

Lacagahan ayay sheegtay in ay ku bixisay arrimo ay kamid yihiin goobo waxbarasho, wax ka qabashada isbadelka cimilada iyo arrimaha caafimmaadka.

Maxaad ka taqaannaa ninka cusub ee noqday qofka ugu taajirsan Adduunka?
Sababta uu taajir u sii noqonayo ninka dunida ugu qanisan
Haweeney ku deeqday lacag dhan 1.7 bilyan oo doollar
10 nin oo helay lacag tallaalka loogu iibin karo dhammaan dadka caalamka
Haweeneydan ayaa waxay is-guursadeen Bezos kahor inta aanu asaasin Amazon, waxayna mar kamid ahayd shaqaalaha shirkadda Amazon, haseyeeshee markii ay kala tageen ayaa waxay heshay boqolkiiba afar hantida shirkadda.

Boggeeda qoraaga Amazon ayey ku sheegtay inay "ku nooshahay Seattle iyada iyo afarteeda carruur ah iyo seygeeda Dan." Wuxuu wax ka dhigaa iskuulka ay dhigtaan caruurteeda.

MacKenzie Scott iyo Dan Jewett.
XIGASHADA SAWIRKA,GIVING PLEDGE
Qoraalka sawirka,
MacKenzie Scott and Dan Jewett.

Haweeneydan ayaa markii ay dalbatay furriinka waxay heshay hanti dhan 35.6bn bilyan oo doollaar, waxayna taas keentay in ay kamid noqoto haweenka adduunka ugu taajirsan iyadoo aanan wax dhib ah u marin helidda hantidaas.

35.6 bilyan waa lacagta keliya ee ay ka heshay asaasaha shirkadda Amazon oo ay kala tageen, waxaase la qiyaasayaa in lacag intaas ka badan ay leedahay.

Haweeneydan ayaa afar caruur ah u heysa madaxa shirkadda Amazon, waxayna aqal galeen sanadkii 1993.

Ms Scott waxay hada ku jirtaa kaalinta 22-aad ee qofka ugu taajirsan dunida halka Mr Bezos uu kaalinta koowaad ku jiro hantidiisa $ 177bn.

Waxyar kadib markii ay kala tageen Bezos, waxaa ay ku biirtay olole ballan qaad oo la sameynayay, kaas oo ay qeyb ka ahaayeen maalqabeeno sheegay in ay doonayaan in qeyb kamid ah hantidooda ay rabaan inay bixiyaan.

Website-ka The Giving Pledge waxaa loo sameeyay dadka bilyaneerada ah ee ballanqaada inay hantidooda qaar ka mid ah ugu deeqayaan hay'adaha samafalka.

Xigasho: BBC.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip