Dastuurka Cusub Ee Maamulka Hirshabeelle Oo Maanta La Ansixiyay

0
Wednesday October 05, 2016 - 15:03:52 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1248
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dastuurka Cusub Ee Maamulka Hirshabeelle Oo Maanta La Ansixiyay

    Ergada shirka Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa maanta ansixisay Dastuurka Cusub ee uu yeelanaayo dowlada Goboleedka Hirshabeelle ee dhismihiisu wali ay ka socoto magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ergada shirka Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa maanta ansixisay Dastuurka Cusub ee uu yeelanaayo dowlada Goboleedka Hirshabeelle ee dhismihiisu wali ay ka socoto magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ergada kulanka soo xaadirtay ayaa la sheegay in ay ahaayeen 202 xubnood, waxaana cod gacan taag ah dastuurka ku ansixiyay 186 xubnood, waxaa ka maamustay 10 xubnood halka 6 xubnood ay diiday Ergadii codeeysay.

Goobta dastuurka lagu meel mariyay ayaa waxaa ka hadlay mas’uuliyiin ka socoto wasaaradda arimaha gudaha waxa ayna sheegeen in dhawaan la soo dhameystiri doono dhismaha maamulka Hirshabeelle ee ay ku midoobeen gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip