Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha "Haweenka Waa In Ay Helaan Qoondada Ku Xusan Dastuurka" + Sawirro

0
Sunday June 05, 2016 - 21:02:29 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1102
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha "Haweenka Waa In Ay Helaan Qoondada Ku Xusan Dastuurka" + Sawirro

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra'iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma'arke ayaa xarunta Madaxtooyada kula kulmey Guddiga Xaqiijinta Qoondada 30% ee Haweenka Soomaaliyeed ee matalaadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra'iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma'arke ayaa xarunta Madaxtooyada kula kulmey Guddiga Xaqiijinta Qoondada 30% ee Haweenka Soomaaliyeed ee matalaadda Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa guddigan u sheegay in dowladda ay ka go’an tahay sidii loo xaqiijin lahaa in haweenka ay goleyaasha qaranka ka helaan qoondada ku xusan dastuurka, ayna la yimaadaan dadaal arinkaasi lagu dhaqan-gelinayo.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha guddigaasi ugu baaqey inay sameeyaan wacyigelin, culeys-saar iyo qaab hufan oo matalaadda haweenka la xiriirta, isagoo dhanka kale u xaqiijiyey in madaxda dowladda ay garab taagan yihiin in haweenka qoondadooda ay helaan.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke ayaa isna guddigaasi ka codsadey inay degdeg u hawlgalaan, kana shaqeeyaan nidaamka ugu habboon ee loo dhaqan-gelin karo matalaadda haweenka sida ku cad dasuurka KMG ee Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale kulankaasi hadal ka jeedisay Wasiirka Haweenka, Marwo Sahro Maxamed Cali Samantar.

Guddiga Xaqiijinta Qoondada 30% ee Haweenka Soomaaliyeed ee matalaadda Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya, ayaa waxaa bishii May, 29-keeda lagu aasaasey Xeer Madaxweyne oo nambarkiisu yahay 40, dhaqan-galna noqday isla maalintaasi.

----------------DHAMMAAD-----------------

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip