Madaxweynaha Soomaaliya oo khadka telfoonka kula hadlay Amiirka Qatar

0
Tuesday November 27, 2018 - 14:08:47 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 2574
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Soomaaliya oo khadka telfoonka kula hadlay Amiirka Qatar

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Khadka Telfoonka kula xiriiray Amiirka Qatar, Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani, iyagoo isla soo qaaday Arrimo khuseeya Labada Dal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Khadka Telfoonka kula xiriiray Amiirka Qatar, Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani, iyagoo isla soo qaaday Arrimo khuseeya Labada Dal.

Madaxweynaha iyo Amiirka Qatar ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka Labada Dal iyo sidii loo xoojin lahaa taagerada Dowladda Qatar ay ka geeysanayso dib u dhiska dalka, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo laamaha dowladda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Amiirka Qatar la wadaagay Horumarada ay Dowlada Federaalka Soomaaliya ku talaabsatay muddadii la soo dhaafay..

Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, ayaa ballan qaaday in Dowladdiisu ay Soomaaliya garab taagan tahay, gacanna ka geeysan doonto kobcinta dhaqaalaha dalka, dib u dhiska iyo horumarinta kaabeyaasha nolasha.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyey dadaalka ay ugu jiraan diblumaasiyiinta labada dal sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal loona gaari lahaa iskaashi dhammaystiran oo ah dhammaan dhinacyada horumarka.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip