Al-shabab Waa Gaalo U Gargaar Muslim Xasuuq (By, Hirabe)

0
Wednesday September 29, 2010 - 09:12:05 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1435
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-shabab Waa Gaalo U Gargaar Muslim Xasuuq (By, Hirabe)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa xaqiiq ah in gargaarkii shacabka u baahnaa al-xasuuq diiday iyada oo eey ujeedada tahay gumaad dadban,halka aad arkeeyso in hubka eey wataan uu u yahay xooga kaliya ee suurtageliyay in eey gumaadaan shacabka Somalia,ma dhabaa in al-xasuuq la dagaalamayo Gaalo ?? mise Gaalada ayeey u gargaaraan oo hubka ayeey ka soo iibsadaan si muslimka Somaliga eey ugu gumaadaan??


Akhritow weli maskaxdaada ma gelisay in al-xasuuq gumaadayo shacabka 20 sanno ku dhex jiray burbur iyo xasuuq,xiligaana al-xasuuq huwado diinta islaamka iyada oo la ogyahay in eey hantidooda eey ku raadinayaan sidii eey hub kaga soo gadan lahaayeen caalamka hubka sameeyo( Gaalada) ,dhamaan hubka eey ku dagaalamayaan al-xasuuq waxaa uu ku fadhiyaa aduun dhan mulyuumaad dollar hadaba akhristow sow ma cada in al-xasuuq si dadban ama si toos ah u gargaarayaan Gaalada hubkana marwalba ka soo iibsada sow filim cusub maaha in eey dhahaan waxaan la dagaalameeynaa Gaalada ??



Akhristow al-xasuuq waxaa eey diideen hayadihii u gargaarayay shacabka dhibka ku habsaday 20 sanno ee la soo dhaafay sida WFP qilaafka xoogan ee ka dhex abuurmay al-xasuuq ayaa ah in koox ka mid ahi eey qabto in shacabka gargaarka la gaarsiiyo iyada oo sida xeererka caalamiga qabaan la raacayo loona kuur-galo qaabka gargaarka iyo tayada gargaarka,qaarna waxeey aaminsan yihiin in gargaarka Gaalada aanan la qaadan Karin sow double moral maaha habdhaqanka al-xasuuq,Roobow waxuu taagan tahay waa in shacabka loo ogolaadaa gargaarka halka Godane diidan yahay sow macnaheeda maaha reerkeeyga ha noolaado reerkaagana ha dhinteen ???


Waxaan marar faro badan leeysku dayay in hayadaha maxaliga loo maro in gargaar deg deg ah la gaarsiiyo shacabka weli ka sii qaxaya caasimada Muqdisho sida K/Muqdisho iyo W/Muqdisho,dhacdo aan la yaabay ayaa waxaa ii soo diray wiil dhalin yaro ah oo jooga G/dhexe ceelbuur tuulo ku dhaw waxaa uu ii sheegay,sheekadaan cajiibka ah:

Aabaheey ayaa waxaa soo wacay wallaalkeey oo aanan weligeey arag balse lagu sheegay dalka Kanada magaalada Ottawa xiligaa tuulada aan degeneeyn waxaa soo gaaray taleefonada mobilka,runtii aad ayaan u farxay wallow cimilada ama jawiga tuulada eey aad ugu xoog badnaayeen xoogaga al-xasuuq,wallaalkeey waxuu mudo hal saac la hadlaayay Abaheeyn mar buu goay taleefonka wallaalkeey waa uu ku soo celiyay,waxaa hadalka uu u badnaa xaga wiilka Aabe waan guursaday caruur ayaan leeyahay isbarashada caruurta iyo xaaska wallaalkeey,Aabe marwalba waxuu ku hadlayay asaga oo ilmeeynaya duco iyo mahadcelin in 20 sanno xoolahii uu u so diraayay ku aflaxay xaas yar leeyahy caruur kalene uu dhalay,markii taleefoonka dhamaaday ayaa Aabaheey waxuu mar kaliya la soo booday “ Yaa samaeeyay geedkaan (Mobilka ) ????? Wallaalkeey iga weeyn ayaa ugu jawaabay Gaalo,Aabihii ayaa dhahay Alow Gaalo hanaga qaadin,macnaha asaga oo ulla jeeday waxa fududeeyay asaga oo joogo G/dhexe iyo wiilkiisa oo Ottawa jooga xiriirkooda iyo iska warqabkooda cusub 20 sanno ka dib,markiiba goobta waxaa yimid al-xasuuq oo weeydiiyay odayga jawaabta uu ka bixiyay Mobilka cida sameeysay,odaygii ayaa suáalay al-xasuuq Qoriga aad wadataa yaa sameeyay,al xasuuq Odaygii waa eey xireen wallow goordanbe laga sii daayay xabsiga iyada oo la fahmay farqiga u dhaxeeya Mobilka iyo Qoriga AK 45 Odaygii waxaa uu reebay murti cajiib ah oo waxaa uu dhahay al-xasuuq qoriga eey igu handadeen haddii eeyan wadan laheeyn ima xiri laheeyn balse xoogooda waa hubka gaalada.Qorigana Gaalada sameeysay ayeey ku xasuuqaan Muslimka Alle.




Dr.Ali.A.HirabeHirabe_a@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip