AU oo ku boorisay in maxkamada la saaro cidii gacan siiso burcad badeeda Somali

0
Thursday October 21, 2010 - 13:13:18 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 639
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AU oo ku boorisay in maxkamada la saaro cidii gacan siiso burcad badeeda Somali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxa nabada ee ururka Midawga Africa Sivuyile Bam oo u waramayay wakaalada wararka ee PANA ayaa waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in falalka burcad badeebnimad ah ee ka dhaca Somalia lagu daro dambiyada caalamiga ah ee ay diwaan galiyaan hay’adda Police,ka adduunka ee Interpol.

Sivuyile Bam waxaa uu sheegay in kooxaha burcad badeda Somalida h ay geystaan dambiyo u dhigma kuwa caalamig ah oo kale ee ka dhaca caalamka sida kuwa ay geystaan jabahadaha dagaalada ka wada Africa iyo dawladaha kaligi taliyaasha ah.

Sarkaalkaan midawga Africa u qaabilsan aarrimaha amaanka ayaa waxaa uu tilmaamay in hay’ada Police,ka adduunka ee Interpol looga baahan yahay inay socoto dhaq dhaqaaqyada ay geystaan kooxaha burcad badeeda Somalida oo uu ku eedeyay inay gesstaan falal iskugi jira jir dil, cabsi galin iyo hanadaad iyo iyagoo meelaha qaar ka geysta falal amni xumo ah waxaana uu ku taliyay in shaqsiyaadka iyo dawladaha loo arko inay gacan siiyaan ama xataa taageeraan burcad badeeda la hor geeyo maxkamad caalami ah oo u dhiganta tan dambiyada dagaalka ee Heeg.

Sivuyile Bam madaxa nabad g alyada ururka Midawga Africa waxaa uu ku sheegay wareysigiisa uu siiyay wakaalada wararka ee PANA in burcad badeeda Somalida ay hadda wax ka afduubtaan meelo 80 ilaa 100 miter ka baxsan biyaha Somalia waxaana uu sheegay inay taasi tahay mid xad gudub ku ah xeerarka caalamka u degen.

Hadalkaan Midawga Africa ka soo baxay ayaa waxaa uu imaanayaa xilli ay gacanta kooxaha burcad badeea ku jiraan tiro maraakiib ah ah iyo shaqaale la socda oo ay lacago madax furasho ah ka doonayaan.

Dhinaca kale ciidamada badda ee ururka Midawga Yurub eek u sugan biyaha Somalia ayaa sheegay inay fashiliyeen isku day ay koox burcad badeed ah ku doonayeen inay ku qafaashaan markaakiib mareysay biyaha gacanka Cadan ee Somalia iyo Yemen u dhaxeeya.

Afhayeen u hadlay ciidamada Midawga Yurub ee hawl galada biyaha Somalia ka wada oo la yiraahdo Col Per Klingvall ayaa waxaa uu sheegay inay fashiliyeen weerar ay damacsanaayeen koox burcad badeed Somaliah oo ka koobnaa 12 ruux oo doonayay inay fal afduub ah ka geystaan biyaha gacanka Cadan .

Afhayeenku waxaa uu sheegay inay diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah u direen halka ay burcad badeedu damacsaneyd inay falka ka fuliso waxaana uu intaa ku daray in kooxdii ay goobta baxsadeen.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip